Araweelo News Network

faysal UCID

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyaha aqalka odayaasha Md. Saleebaan Maxamuud Aadan qaabkii uu hoggaamiyey fadhigii labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland ay ku ansixiyeen heshiiska saldhigga millatari ee xukuumaddu la gashay dawladda Imaaraadka Carabta maalintii Axadda.
Guddoomiye Faysal Cali-waraabe oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa kadib markii ay dalka ku soo laabteen isaga xubno wasiirro ah oo ku wehelinayey wadahadallo ay xubno ka socday kooxda Khaatumo kula soo yeesheen dalka Jabuuti, waxa uu sheegay in heshiiska Baarlamanku ansixiyeen sharci yahay, isla markaana waxa uu duray hab-dhaqankii xildhibaanno laga saaray fadhigaasi.
“Heshiiska sow lama marin Baarlamanka, ummadda waxa ka wakiil ah Baarlamanka (guurtida iyo wakiillada), xisbi haddii uu yahay xildhibaannada ayaa naga wakiil ah oo ka hadlaya mooshinka iyo arrimaha, maaha in habar waliba ka taliso, haddii ay fuliyeen oo ay ansixiyeen maxaa inoo yaala? Waa sharci,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Guddoomiye Faysal oo la waydiiyey sida uu u arko qaabkii ay u dhacday codaynta xildhibaannada ee heshiiska iyo xildhibaanno ay xoog u adeegsadeen ciidan boolis ahi oo fadhiga laga saaray, waxa uu ku jawaabay, “Qaabka waa la codeeyey ee ma wax kale ayaa la sameeyey, xildhibaankana waxa weeye amar iyo kala dambayn baa jira adduunka, ma daawanaysay maalintii dhawayd Baarlamanka Koofur Afrika markii Madaxweynuhu khudbadaynayey? Idinku waxaad doonaysaan meel lagu doodayo oo aan farta la istaabsiin, ninka Baarlamaanka ahi waa inuu kursigiisa fadhiyaa oo uu ka doodaa oo uu codkana ridaa awood baa la siiyee, maaha inuu dagaallamo oo uu meesha fowdo ka rido, xasaanad baad leedahay maaha inaad meesha buuq ka samayso, waanan tahniyadaynayaa Saleebaan si ragganimo leh oo adag ayuu u hoggaamiyey.”
Mar kale waxa uu ka jawaabay su’aal la xidhiidhay in saldhigga millatariga ee Imaaraadku yahay mid faa’iido u leh Somaliland iyo in kale, waxaannu yidhi, “Sow dawladdu innaga wakiil maaha, ma waxaan danteenna ahayn ayey qabanaysaa ayey kula tahay? Ma waxay kula tahay in dawladda inoo madaxda ah ee u dhaartay ee xilka la saaray aynu innagu uga lexojeclo badanahay dalkeenna? Ma caaqilkaa halkaa ka tootooda ka haya ee aan garanayn waxa saldhig yahay baa uga caqli badan ayey kula tahay? Yaa yidhi caaqil ka hadal, anigu maan joogo waan xidhi lahaa haddaan madaxweyne ahay.”
Waxa kaloo Guddoomiyaha UCID soo jeediyey in laga shaqeeyo danta qaranka oo cid waliba shaqadeeda qabsato oo lagu ixtiraamo, sidaasi darteedna dawladda masuuliyadeeda loo daayo, “Waa in midnimada laga shaqeeyaa oo dalka la dhawraa, la kala saaraa shakhsiga, maamulka iyo qaranka, wixii qaranka xumaynaya cidna kama maqnaanayso xumaantaasi, waa in mucaaradadeennu noqotaa mid ku kooban arrimo laakiin aanay noqon qaran-dumis, haddaynu innagu qarankeenna wasakhaynayno cadowgana maxaad u malaynaysaa? Waxaad moodaa innagu in aynu siinayno hubkii cadowgu inala dhici lahaa haddii aynu nahay warbaahin, siyaasiyiin, madaxdhaqameed, hawlaha waa la kala leeyahay, ummad aan kala dambaynin horumar ma keento, markaa waxaan leeyahay dalka qof kastaa yaanu wax walba faraha la galin ee cid waliba shaqadeeda ha qabsato,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Eng. Faysal Cali-waraabe.