WADDANI
Dadka baroortoodu orgiga ka weyn tahay ee ka dayrinaya ama leh belaayaa inooga iman doonta saldhiga milatari ee lasoo jeediyey in laga kireeyo UAE ama cidii kale ee danaysaba, waxa fiican in la xasuusiyo in Djibouti oo jaarkeena ah oo xataa inaga dal iyo dad yari ay sanado badan ka hor saldhigyo milateri ka kiraysay 3 wadan oo kala duwan sida USA, France iyo China, hadana dheef mooyee wax dhib ahi kamay soo gaadhin. Sidoo kale dadka ku doodaya in Somaliland aanay heshiis geli Karin aqoonsi la’aan, waxa fiican in la xasuusiyo in dadka reer Somaliland xataa iyagoo aan dawlad lahayn oo shicib ah ay heshiis la galeen dawlado waaweyn sida heshiiskii dhex maray ingiriiska iyo dadkii reer SL xiligii gumaysiga. Markaa waxa hubaal ah in haddii si hufan loo dhigo heshiiska lala gelayo UAE ay wax weyn ka tari doonto horumarka iyo aqoonsiga dalka SL, waayo SL waxay noqon doontaa meel dawladaha caalamku usoo tartamaan si ay xidhiidh dhaqaale, milateri ama siyaasadeed ula samaystaan.

Beryahan danbe waxaynu maqlaynay siyaasiyiinta nusdanbeedka xisbiga wadani oo si isdaba joog ah saxaafada uga qaylinaya kuna doodaya inaan kiraynta saldhiga Berbera aanay wax faa’ido ah ugu jirin dalka Somaliland. Laakiin sida warar xogogaal ahi xaqiijiyeen sababta rasmiga ah ee siyaasiyiinta nusdanbeedka xisbiga wadani u diidan yihiin in dawlada UAE laga kireeyo saldhiga Berbera, waa iyagoo u arka in lacagta kirada saldhiga ee ay bixin doonto dawlada UAE ay noqon doonto mid dawlada SL u adeegsato ololaha doorashooyinka soo socda!!!

Runtii siyaasiyiinta nusdanbeedka xisbiga waddani ee fikirkaa aaminsani waxay muujinaysaa inay yihiin dad kasoo horjeeda talaabo kasta oo Jamuuriyada SL ay rabto inay hore u qaado. Waxaana halkaa ka cad in siyaasiyiinta xisbiga wadani yihiin qaar mar walba ka shaqeeya ama ku faraxsan burburka ilaha dakhliga dhaqaalaha SL sida joojinta xoolihii u dhoofi jiray Sucuudiga oo tuhun laga qabo inay lug ku lahaayeen.waxaanu u sheegayna waddani dalkan dawlad ayaa maamusha waad arkaysayn shalay gacan bir ah aya lagu qabtay xildhibaanadii khal khalka waday,dalkan uma joojinayo cid walba oo rabtay in khal khal ka dhex abuurto dalkan.waxaana ini cadaatay inuu waddani lahayen awood mucaaridnimo iyo karti toona marka dalka iskagaga baxa iyo saaxadda hadii laydin ka badiyay waddaiyow!!.ceeb.

Saadaashu waa khayr!!

Qore Khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.com