ambassadorgaruf

Akhristow, waxan maqaalkan kugula wadaagayaa inaan ku tusaaleeyo sida danta qaranku ugu jirto in aynu madaarka Berbera ka kirayno dawladda Imaaraadka. Si marka aad aragto kuwa ka soo horjeeda aad u kala garato inay yihiin kuwo been sheegaya oo shakhsi nacayb ku jiro, kuwo been sheegaya oo siyaasad uga dan leh, iyo qaar saddexaad oo aqoon la’aani hayso oo dacaayada run mooda oo sii sheega.
Dhismaha iyo Xoogaynta Qaranimada Somaliland iyo Ictiraaf-raadinta:
Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Madaxwayne Silaanyo waxa ka mid ah in qaranka Somaliland yeesho waddamo badan oo aynu nahay saaxiib oo kala jooga Afrika (sida Ethiopia), Carabta (sida Imaaraadka), iyo dawladaha reer Galbeedkaba (sida Ingiriiska). Maanta heshiiskan madaarka Berbera wuxuu inoo samaynayaa saaxiib cusub oo aynu ku yeelano waddamada Carabta, taas oo aan hore inoogu suurtogelin 25kii sannadood ee qarankeenu jiray.
Saaxiibkan cusub oo u dhigmi doona kii Itoobiya oo kale.Dhibaata ugu wayn ee hortaagan ictiraafkeena waxa weeye in aynaan haysan dawlad caalamku aqoonsan yahay oo danteeda inaga dhex aragta inay ina aqoonsato. Marka Imaaraadku ay maalgashato dekedda Berbera 500 oo milyan oo doollar, kumanaan ciidamo ahna keento Madaarka Berbera, Maaliyiin kalena ku kharash-garayso sannadkasta ciidammada Somaliland jooga, dawladda UAE ogolaanmayso inay dhibaato soo gaadho Somaliland, xidhiidhkaa iyo saaxiibtinadaa cusubi inuu gaadho heer uu inoo dhalo ictiraaf ayaynu ku rajo waynahay oo waajib inagu wada ah inaynu ka shaqayno.
Nimanka maanta ku doodaya madaarka aan dhaafsanno ictiraaf ujeedadoodu ma khaldana, laakiin daacad ayaanay ka ahayn, xidhiidh kastaa mid shaqsi iyo dawladeedba wuxuu u baahan yahay inuu koro oo gaadho xeer sare si waxtarkiisuna u gaadho heerka ugu sareeya, qofka yidhaahda xidhiidhku maalinta uu bilaabmo aan gaadho waxtarkiisa halkii ugu saraysay, waa qof aan daacad ka ahayn wuxuu sheegaayo, oo saddexdii aan korka ku soo sheegay ayuun buu midkood noqonayaa. Dawladda Imaaraadku waxay noqonaysaa dawlad labaad oo ay saaxiib nahay oo caalamka ka mid ah oo maalgashi wanaagsan ku samaysata Somaliland, hadhowna danteeda ka dhex aragta Somaliland oo nabadgalyadeena lexejeclo ka hayso si ay u ilaashato maalgashigeeda.
Waxtarka Dhinaca Nabadgelyada Somaliland
Maanta waxa aan shaki ku jirin saaxiibtinimada inaga dhaxaysa Itoobiya inay wax badan ku soo kordhisay nabadgelyada Somaliland. Ciidammada qaranka Somaliland waxay tababarka ku soo qaataan Itoobiya, waxa inaga dhexeeya heshiis gaar ah inaynu nabadda ka wada shaqayno, waa tii aad ogaydeen Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya markii uu qudbadda u jeedinayay baarlamaankooda wuxuu jidhi ciddii ku xad-gudubta nabadda Somaliland waa cid ku xadgudubtay nabadda Itoobiya. Saaxiibtinimadu waa taa faa’iidada ay keento dhinaca nabadgelyada. Maanta saaxiibtinimada cusub ee Imaaraadka inooga soo kordhaysaa waxay sii xoojinaysaa nabadgelyadeenii, waxay ina siinaynaa fursad labaad oo ciidankeenu ku helo tababar, ku helo meel aynu ka soo iibsano hubka lagu difaacayo waddanka. In xataa booliskeennu helo tababar fiican. Waxaa intaa soo raaca inaynu galo heshiis nabadgelyo oo sirdoonkeenu wada shaqeeyo. Qofka ku doodaya nabadda xumaanaysa waa qof ka baqaya inuu go’aanka ku dhiirado oo baqdin ku jirto, laakiin nabadgelyo-darro meesha ma taalo, wax waliba khatar bay leeyihiin, waxan ku odhan karaa berito ha tegin shaqadaadii waayo waxa laga yaabaa inuu gaadhi kugu jiidho magaalada. Kuwa nabadgelyo darada sheegayaa waxay ku leeyihiin berito Somaliland yaanay shaqo tegin yaan gaadhi jiidhine.
Waxtarka Dhinaca Dhaqaalaha Somaliland
Marka aad ka tiriso ee aad isku darto: lacagta ay ku kiraysanayaan madaarka, dhismayaasha iyo qalabaynta ay madaarka Berbera ku samaynayaan, shaqaalaha Somaliland ee ay qoranayaan, waxay cunayaan iyo waxay cabbayaan ee magaalada ay ka iibsanayaan, waxay dhisanayaan ee magaalada ay ka iibsanayaan, iyo caawimada ay deegaanka jaarka ay la yihiin u fidinayaan; waxa halkaa ka soo baxaya in xeradan ciidanka ee laga samaynayo Berbera ay noqonayso mid ku soo kordhisa dhaqaalaha Somaliland boqolaal milyan oo doollar, dhaqaalahaas oo korodhkiisa laga dareemi doono dhammaan Somaliland, haddii Ilaahay yidhaah. Waxa intaa soo raaca oo aad muhiim u ah, maanta xoolaheena waxa iibsada oo keliya dawladda Sucuudiga, berito waxa inoo suurtogal noqonaysa in xoolaheena si sharci ah loogu dhoofiyo dawladda Imaaraadka oo xoolahiinii ay helaan suuq labaad oo aynu u iib geyno. Waxa suurtogal ah inaynu Baanka Somaliland uga samayno xidhiidh wanaagsan Bangiyada caalamiga ah ee ku yaal Dubai iyo Imaaraadka, oo dhaqaaleheenu ku xidhmo caalamka oo dhan. Marka lagu daro dekeddii Berbera oo Dubai World maamulayso dhaqaalaheenu wuxu ku xidhmo dhaqaalaha Imaaraadka iyo caalamka. Somaliland waxay ku maahmaahdaa ‘dameertaydii baa nin geel leh in dhex gashay.’
Waxtarka Dhinaca Diblomaasiyadeed iyo Siyaasadda Caalamka Muslimka
Waxan kor ku soo sheegay in Itoobiya tahay saaxiibkeena ugu culus. Waxan arkhristoow ku xasuusinayaa bishii April ee sannadkii 1988kii, iyada oo saaxiibka ugu culus ee SNM lahayd uu ahaa Itoobiya, ayay maalin keliya Ethiopia danteedii ka dhex aragtay inay Soomaaliya la heshiiso, sidii aad ogayd ama aad maqashay waa tii subax qudha Itoobiya u yeedhay Madaxwayne Axmed Silaanyo oo markaa ahaa Guddoomiyihii SNM oo ku tidhi gudaha Itoobiya soo gala, dagaal dambe oo aad Soomaaliya ku qaadaysaana ma jiro ee halkaasu ku joogsaday. Waxaan uga jeedaa saaxiibtimada siyaasadda iyo diblomaasiyada wax xukuma danta labada waddan kala leeyihiin. Somaliland arrinkaa April 1988kii dhacay wuxuu ina baray cashar aad iyo aad qaali inoogu ah, kaas oo ah inaynu mar walba xasuusnaano saaxiibtimadeena Itoobiya waa mid ku salaysan danta labada waddan kala leeyihiin. Iyagana maanta dantooda ku jirta inay inala saaxiibaan, inagana danteenaa ku jirta. Mid ay axsaan aynu isugu samaynayno maaha. Ninka reer Somaliland ee caabaadaaya ee leh Itoobiya ayaa inaga tegaysa, waa qof aan isku kalsoonayn oo garanayn in Itoobiya danteeda inoogula joogto ee aanay saaxiibtinimo inoogula joogin, inagana ay sidaasoo kale aynu nahay oo danta aynu ku qabno aynu kula joogno. Saaxiibtinimada cusub ee aynu maanta la yeelanayno Imaaraadka waxay dawo ka tahay in aanay mar kale inagu dhicin wixii inagu dhacay April 1988, oo haddii isha keliya inaga bakhtido aynu lahaano il labaad iyo mid saddexaad oo aynu isku halayno haddii taasi inagu dhacdo mar dambe.
Waxa intaa soo raaca maanta gobolka Carabta iyo caalamka muslimka waxa ka dhex jira tartan iyo loolan, iyada loo kala qaybsamay dawladaha Sunniga iyo kuwa Shiicada. Maanta inaga danta qarankeenu waxay ku jirtaa inaynu taageerno caalamka Sunniga ah sida Imaaraadka, Sucuudiga iwm. Maanta inagu wax dan ah oo inaga dhexeeya Iran iyo dawladaha shiicada ma jirto. Waxa danteenu ku jirtaa dawladaha Sunniga sida Dawlada Sucuudiga oo iibsata xoolaha Somaliland laga dhoofiyo. Haddii aad tidhaahdo waxan noqonayaa dhexdhexaad Sucuudigu waxay xaq u yeelanayaan inay yidhaahdaan Somaliland hadday na diiday Soomaaliya ayaanu xoolaha ka iibsanaynaa. Taasi inaga khasaare wayn ayay inagu noqonaysaa. Sidaa daraadeed, maanta danteenu waxay ku jirtaa inaynu raacno dawladaha Sunniga ah oo diintana aynu wadaagno, dhaqaale aynu wadaagno, inaynu siyaasadda caalamkana wadaagno. Imaaraadku wuxuu inoo samayn karaa inuu taageero siyaasadeed ina siiyo oo yidhaahdo baasaboorka Somaliland waa lagu tegi karaa Imaaraadka oo lagu qaadan karaa fiiso iyo ciqaamada. Wuxuu inagu siin karaa sida Itoobiya xidhiidh ku dhow aqoonsi, iyo inuu aqoonsigaba inoo gaadhsiiyo marka xidhiidhku koro. Haddii aynu diidmo ugu jawaabno waxa suurtogal ah in cadaadis diblomaasiyadeed inagaga yimaado. Diidmada iyo yeelistu labaduba waxay leeyihiin khasaare iyo faa’iido.
Waxtarka Dhinaca Dhismaha madaarka Berbera iyo Deegaankal laga samayn doono
Sida aad ka war haysid madaarka Berbera waxa dhisay Ruush oo waxa uga dambeeyay Maraykan. Immika haddii dawladda Imaaraadku ay sii dhisto oo dhismayaal waawayn iyo qalabayn xoog ah ku sii darto, berito marka ay tagto waxay uga tegaysaa dhismayaashaa waa qaranka Somaliland. Markaa imaatinka Imaaraadku wuxuu inoo keenayaa uun in dhulkeenii iyo madaarkeenu sii dhismo. Waxay kaloo inoo keenaysaa in deegaanka Berbera oo ka helo xannaano dheeraada dawladda UAE, sida in laydhka Berbera oo maanta afar nin oo baayac mushtar ah gacanta ugu jira loo kordhiyo oo magaaladu hesho laydh ku filay oo jaban.
Gebogebo:
Akhristow, halkan waxan kugula wadaagay inta meelood ee waxtar qarankeena ka soo gaadhayo haddii aynu ogolaano in dawladda Imaaraadka ay soo degto madaarka Berbera; waxaa ka mid ah dhismaha qaranimada Somaliland iyo ictiraaf-raadinta, waxa ka mid ah xoogaynta nabadgelyada, waxa ka mida waxtarka dhaqaalaha, waxaa ka mida inaynu yeelo saaxiiba cusub oo lacag haysta oo diyaar u ah inuu maalgashado Somaliland, oo dantiisa ay ku jirto inuu lexejeclo u yeesho nabadgelyada Somaliland. Waxa kaloo waajib ah in aynu la gorgortano oo cadkeena soo goosano. Laakiin inaynu dadkeena ka bajino oo nidhaahdo belaayo ayaa dhacaysa, dhibaato ayaa ina soo gaadhaysa, Xamar baa lug ku leh iyo been fara badan oo ama shaqsi nacayb ku salaysan ama siyaasad ku salaysan, taas maanta dadkeena iyo dalkeena toona dantiisu kuma jirto. Waxaan shicibka Somaliland kula dardaarmayaa in ay kala bartaan qofka runta u sheegaya iyo ka dan gaara leh ee shaqsi nacayb iyo siyaasad hoosta ku wata. Waxan kula dardaarmayaa inay danta guud iyo danta qaran mar walba taageeraan oo iska ilaaliyaan kuwa hoosta ku wata danta gaarka ah.
Rashid Garuf

Wakiilka Somaliland ee USA
Washington DC.