Araweelo News Network

Marxuum Maxamed Cabdul Wahab

Qoyskoodu waxay aaseen 35 maalmood ka hor markii geeridii xaqa ahayd u timmi. Muddadaas markii hoygii Alle ugu talagalay inuu dunida kaga hoydo uu ku jiray waxa ay sheegeen xubno qoyskooda ka mid ah inuu riyo ugu yimmi, kana codsaday in ay ku aasaan goob uu ku cibaadaysan jiray.
Waxa ay mareen tallaabadii sharciga ahayd ee u bannaanayd. Codsi ayey u qorteen Xafiiska Xeer-ilaalinta si loogu ogolaado in xabaasha ay dib u qodaan, maydkana ka saaraan.
Xeer-ilaalintu waxa ay aqbashay codsiga qoyska, balse waxa ay amar ku bixisay in wefti ammaanka ah la raaciyo, maydkaa baadhitaan lagu sameeyo si loo hubiyo dhacdada dhabta ah ee jirta. Qoyska iyo dadka ku nool tuulada Al Maqrabeyahp ee Koonfurta dalka Masar waxa ay aqbaleen amarka Xeer-ilaalinta, maydkiina waa la soo saaray.
Khubaradii baadhitaanka loogu geeyey waxa ka hor timmi arrin mucjiso ah, waxa isu qaban wayday waqtiga loogu sheegay in la aasay amma warbixinta ugu qoran oo ahayd bil iyo shan maalmood ka hor, sababtoo ah waxa ay la yaabeen maydka oo aan is beddelin, ur iyo qudhun toona aan yeelan, sidoo kalena baadhitaankoodu sheegay in saacado ka hor uun uu dhintay.
Marxuum Maxamed Cabdul Wahab Mustafa oo 55 jir ahaa waxay dadka tuulada uu la noolaa ku sheegeen inuu ahaa nin cibaado badan, waqtigiisa inta badana ku qaadan jiray camalo khayri ah iyo goobaha cibaadada.
Dadka tuulada ayaa dib u sameeyey baroor diiq, iyagoo aad u yaaban, isla markaana sheegay inuu ahaa nin aad u cibaado badan, waxaanay dadka qaraabada la ah u sheegeen Al Arabiya oo Jamhuuriya soo xigtay inuu marxuumka loo dhisay qudbi si loogu xusuusto.
Maayirka tuuladaas Xaaji Ghaleb oo la hadlay Al Arabiya ayaa sheegay in dhacdaas ahayd mid dhab ah, isagoo xusay in sababtu ahayd marxuumka oo ahaa nin dhaqan suuban iyo cibaado badan lagu yaqaanay, inta badana waqtigiisa ku qaadan jiray cibaadaysiga iyo goobaha cibaada, sida masaajidada. Waxa kaloo uu xusay in marxuumka dhintay uu ahaa nin Sheekh ah oo xaliya dhibaatooyinka ka dhex dhaca dadka ku nool degaankiisa, aadna loogu xidhnaa.
Qisadan waxa ay kuu caddaynaysaa in cibaadada iyo camalka wanaagsan oo la muujiyo ay if iyo aakhiraba faa’iido leedahay, sida Nebi Muxamed (NNKHA) laga soo wariyeyna ay muujinayso muuminimada iyo sida aan qofka wanaagsan jidhkiisu isu beddelin. Allaw inaga dhig kuwa cibaadada qabatima ee if iyo aakhiraba ku liibaana…Aamiin..aamiin…