Araweelo News Network
xasanganey
Hargaysa (ANN)- Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi Xasan oo ku magac dheer (Xasan-ganay) wuxuu ka mid ahay foolaadka fanka Soomaalida, waana abwaan soo saaray riwaayado badan iyo suugaan dhaxal u ah guud ahaan ummadda ku hadasha luqadda Soomaaliga.
Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-ganay) oo xog-warran gaar ah siiyey barnaamijka ku dayo muwaadinkaaga danta guud waxa weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay ee uu soo saaro haldoor Rashiid Sulub Caalin, waxa uu ku iftiimiyey arrimo ku saabsan sooyaalkiisa nololeed, aqoontiisa, qaybo ka mid ah suugaanta aadka u badan ee uu curiyey iyo arrimo kale.
Ugu horreyn, abwaanka oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey halkii uu ku dhashay iyo degaannadii uu noloshiisa carruurnimo ku soo qaatay, waxa uu yidhi; “Anigu waxaan ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan dhashay sannadihii afartameeyadii (1940s) oo maanta ma yari, inkasta oo sannadkii aanan hayn, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray yar ah ayaan markaa ka immi miyiga Bullaxaar oo waxaan imi magaalada Berbera, kadibna waxaan shaqo ka bilaabay hudheellada, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa, waxaan ka shaqeeyay mar kale hudheeladii, waxaan markaas kadib u wareegay dhinaca geerashyada.”
Waxa kaloo abwaan Gannay ka hadlay halka uu ka galay markii dambe nidaamkii dawladeed ee ka jiray dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxaanu xusay inuu ku biiray ciidankii kamaandawsta ee xooga dalkii Soomaaliya, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi; “Sannadkii 1967kii, ayaan ku biiray ciidammadii xoogga dalka, markaas ilaa 1970kii waxaan ku jiray ciidammadii kamaandoosta ahaa, markii danbe waan ka soo wareegay xilligaas waxaanan ku biiray kooxdii baamboyda iyo kooxdii Janan Daa’uud. ”
Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Gannay), ayaa sidoo kale kaa jawaabay inuu curinta suugaanta hido u leeyahay iyo in kale, waxaanu xusay in qoyska uu ka soo jeedo ay hidaystaan suugaanta, isla markaana in badan oo ka mid ahi ay tiriyeen suugaan kala duwan, waxaanu intaas raaciyey in xitaa qaar ka mid ah carruurta uu isagu dhalay ay suugaanta tiriyaan hadda.
Su’aal laga weydiiyey waxa uu ka xasuusto riwaayadihii kala duwanaa ee uu curiyey, waxa uu kaga jawaabay; “Kolay imminka ma wada sheegi karo, laakiin waxaa ka mid ahaa oo aan ka xasuustaa;
• Dab jaceyl kari waa
• Jin iyo jacayl
• Shil iyo jaceyl
• Dumistii aqalkayga iyo arooskii inankayga
• Galbeed waa la xoreeyee Warsaa gaagixisay
• Bidaari sibiq bay kugu gashaa
• Masiibadu adduunyada iyadaa u macalin ah .
Waxaa ugu dambeeysay riwaayad aan sameeyo ‘Dhaqankeena iyo dhallinta casriga.” Laakiin weli masrax laguma dhigin, Inshaa Allaah wakhtiga ay ku munaasib noqoto ayaa la dhigi doonaa,” ayuu yidhi Abwaan Xasan Ganay.
Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi waxa uu intaas ku daray in suugaan badan oo uu curiyey ay kaga lumeen halgankii dib-u-xoraynta waddanka Somaliland, isagoo dhanka kalena u mahadceliyey abwaan Maxamed Aadan Dacar oo uu sheegay inay dhinacna walaalo ka yihiin, geesta kalena uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii uga sii horeeyay fanka, isla markaana wax badan ka gacan siiyay sidii ay suugaantiisu u wada gaadhi lahayd dhegaha mujtamaca ku hadla luqadda Soomaaliga.
Waxa la weydiiyey Abwaan Xasan Gannay bal inuu sheego afarta fannaan ee uu ugu jecelyahay dhegaysiga codadkooda, waxaannu yidhi; “Xaga hablaha waxaan ugu jeclaa Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq) iyo Xaliimo Khaliif Cumar Magool (Allaah ha u naxariistee), xaga raggana waxaan aad u jecelahay Maxamed Axmed Kuluc iyo Maxamed Saleebaan Tubeec,iyana eebbe ha u naxariisto.”
Waxa kaloo uu Abwaan Xasan Gannay intaas raaciyey in xaga xafidaada suugaanta iyo gudbinteeda uu aad u jecelyahay Aamina Cabdillaahi iyo Xasan Aadan Samatar, halka jilidana uu aad u jecel yahay Meecaad Miiganne.
Abwaanku wuxuu sheegay in nolosha uu aadka u jecelyahay ee suugaantiisa sida gaarka ah looga dhex akhristaa ay tahay ta taala miyiga, inkasta oo wakhti badan aanu ku soo qaadan, waxaannu yidhi; “Baadiyaha kumaan weynaan, haddana magaalada waxba kama aqaan, jacaylka miyiga ee aan xiisan jiray ayaa igu dhaliyey in suugaan badan oo aan curiyey ay u badan tahay dhanka miyiga.”
Waxa kaloo uu Abwaan Xasan Ganay ka hadlay buug laga qoray suugaantiisa oo dhawaan suuqyada soo galay; “Buugani waxa uu suugaanta aan curiyey uu ka yahay 25%, mid kaloo aan weli la tifaftirin ayaa jira waxa uu isna noqonayaa qiyaasta suugaantayda 25% in badan oo ka mid ah riwaayadihii aan curiyey iyo suugaantii kale ayaa ka maqan,” ayuu yidhi Abwaan Xasan Ganay.
Xasan Ganay oo waxa la weydiiyey muddada ka hadhay cimrigiisa (inta uu alle ku simo) shaqada uu jecelyahay inuu qabto, waxaanu ku soo koobay inuu rabo inuu xadhiga Ilaahay qabsado, isla markaana uu u ban baxo cibaaddada eebbe iyo acmaasha suuban inta itaalkiisa ah, isagoo xusay inuu markasta ku dedaalo sidii uu u gudan lahaa waajibkaad Alle ina faray iyo sunnihii Nebi Muxamed (SCW).
Waxa kaloo uu Abwaanku sheegay in fanku yahay wax aad u wanaagsan oo bulshada laga hagi karo, wax lagu bari karo, isla markaana garaadka mujtamaca lagu dhiso, waxaanu u soo jeediyey dhammaanba dhallinyarada xiligan fanka ku jirtaa inay maanka ku hayaan in fanku leeyahay xeerar iyo shuruuc fannaanka qabta marka uu khaldamo, waxaanu intaas ku daray in fankii hore iyo ka maanta uu farqi u dhexeeyo.