Araweelo News Network

wershadlayda
Hargeysa (ANN)- Guddida warshadaha Somaliland ee soo saara sharaabka iyo biyaha, ayaa cabasho ka muujiyey cashuur xaqul-xashiish ah oo dawladda hoose ee Hargeysa ku soo rogtay, taasoo ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah.
Masuuliyiinta Guddida Warshadlayda oo saxaafadda la hadlay, waxa kaloo ay sheegeen in dawladda Hoose oo uu hormuud u yahay Maayirka Hargeysa iska dhego-mariyeen go’aan ka soo baxay Golaha Wakiillada oo lagu joojiyey cashuurta ay cabashooyinka ka muujiyeen, waxayna ka codsadeen dawladda dhexe inay wax ka qabato arrintaas, lagana noqdo cashuurta ay sharci-darrada ku sifeeyeen ee dusha laga saaray.
“Dawladda dhexe Cashuur-dhaaf ayay na siisaa, may jireen Warshadahani haddii aanay cashuur-dhaafkaasi helin, berri haddii cashuur-dhaafkaasi istaago warshaduhu way xidhmayaan, anaguna shaqo-abuur ayuun baanu ahayn. Dawladda Hoose cashuur qarul xad ah ayay nagu soo rogtay oo ah kartoon kasta laga qaado 3500 SLSH ah, iyaguna cashuuraha ma laha ee khidmad ayay leeyihiin, markii aanu isweydiinayna Maayarkii ayaanu doon doonay, Waxaannu ugu tagnay Madaxtooyada, wuxuu yidhi,anaga ayaa sharci-dejin ah.” Sidaa waxa yidhi Mr. Maxamed Sheekh Cumar oo ah Guddoomiyaha Guddida Warshadaha sharaabka iyo biyaha.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Axmed Maxamed Cilmi oo ka mid ah xubnaha guddida sare (board-ka) ee Ururka Warshadlayda, waxaannu yidhi; “Cabashadayadu waxay u badan tahay xaqul-xashiish ay dawladda Hoose ee Hargeysa naga qaadi jirtay,oo ay kordhisay taasoo kaliftay inay imminka shan cisho ay baabuurtii biyaha iyo sharaabka siday ay kaantaroolada bariga iyo galbeedka ay ku xanniban yihiin, runtii annagu waxaannu nahay dad muwaadiniin ah oo dalkooda maalgalin ku sameeyay, warshaduhuna waxay ka mid yihiin meelaha aynu doonayno inay xoogga saarno, maadaama aynu nahay dal soo koraya, dhinaca kalena shaqo-abuur loo baahan yahay, qiima-dhaca ku dhacay shilinka Somaliland waxa u sabab ah wax-soo-saar la’aanta dalkeena. Ma nihin dal dibadda wax u dhoofiya, xoolaha ayaynu dhoofin jirna oo waa kuwaa xoolihiina istaagay, warshadahana waxaynu u abuurnay inay wax inoo kaydiyaan oo lacag doollar ah oo dalka ka bixi lahayd ay baajiyaan, dhinaca kalena ay shaqo-abuur sameeyaan, warshaduhu gacan qabasho ayay u baahan yihiin.”
Mr. Mahdi Maxamed Cumar oo isna ka mid ah xubnaha guddida sare (BOD-ga) Guddida Warshadlayda, ayaa sheegay in lacagta cashuurta xaqul-xashiiska ah ee lagu soo rogay ay tahay mid aad u badan.
“Annagu cashuurta intaasi le’eg ma awoodno oo ma bixin karno, maalintii hal milyan oo wada socda kamaba helno biyaha. Milyaankaasi la nagu soo rogay maalintii marka aynu sannaddkii ku xisaabinimo waxa ay noqonaysaa lacag dhan $45 kun oo doollar, shirkad laga qaadana wali maynu maqal. Runtii Golihii wakiilladu dib ayuu iskugu noqday, go’aan ayay soo saareen Guddida joogtada ahayd, waxaasi waa qayrul sharci ayay isku raaceen, warqad ayey soo saareen, waxaanu is lahayn nidaam iyo dawlad ayaa jirta, dhegba jalaq looma siin, Gaadiidkii shirkaduhuna kaantaroolada Barigga iyo Galbeedka Hargeysa ayay ku xanniban yihiin, gaadiidkaasi waa kiro, lacag ayaa ku socota, markaa tacadigaasi ayaa jira, go’aankaasi Baarlamaanka looma hogaansamin, waxaynu ku kala soconaa waa sharciga, waataa sharcigii ay ku tumanayso Dawladdii hoose, xaaladaasi ayaa taagan,” ayuu yidhi Mr. Mahdi Maxamed Cumar.
Muj Jamaal Caydiid Ibraahim oo isna ka mid ahaa ganacsatada halkaasi ka hadashay ee cabashada ka muujisay cashuurta dawladda hoose, ayaa waxa uu yidhi; “Golaha deegaanka Hargeysa oo ay ahayd in marka ay wax-soo-saarayaan ay ka shiraan, iyagoon ka shirin ayey koox ka mid ah iska soo rogtay cashuur, iyagoon akhriyinba dastuurka u jideeyay arrintaasi, waayo iyagu dalka khidmad ayay ku leeyihiin ee kuma laha cashuur. Warshadaha dalka ka diwaangashan ee ku yaal waa 64 warshadood, waxaanna ka shaqeeya oo qudha 21 warshadood, qaarna ay xidhmaan, qaarna ay furmaan kolba, intaasi kalena waxay u xidhmeen dhaqaale la’aan iyo iyagoo (allaabta qaydhiin (row material) soo iibsan kari waayay, waxa intaasi noo dheer shayga keli ah ee Dawladda naga soo gala ayaa sidii fiitooga na loogu hanjabaa, sida “Cashuur-dhaafka ayaanu idinka joojinaynaa haddii aad cashuurtaasi la idinku soo rogay bixin waydaan.”
Maayarkii hore ee Golaha Deegaanka Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka mid ahaa Ganacsatada shirka jaraa’id qabtay ayaa talo u soo jeediyay Golaha Deegaanka Hargeysa.
“Horta Dawladda Hoose ee Hargeysa maaha in aad wuxuun iska qortaan, waliba bilaa sharci ah, laab la kac iyo inta meel la iska fadhiisto, laba iyo saddex waxay soo saarayaan wax idin dhaqaya maaha. Maayarku waxa uu soo qoray wax-soo-saarka Caasimadda. Ma caasimadda ayaa biyahan soo saarta, waxa laga keenaa Gobollada dalka oo dhan, markaa meelaha kalena ma isaga ayaa xukuma, wax-soo-saarkan uu ka doonayaa waa maxay? Ilayn warqadiisan waxa ku qoran, waxaannu idinku leenahay cashuurta wax-soo saarkee,” ayuu yidhi Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir.