Araweelo News Network

suuqasarifkalacagaha eeHargeysa
Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale), ayaa caddeeyey inay hawlgeliyeen ciidan loo xilsaaray inay la dagaallamaan suuqa madow ee sarrifka lacagaha qalaad.
Guddoomiye Dhoobaale oo saxaafadda la hadlay, kadib markii uu kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeesheen Guddida Joogtada ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu sheegay inay jiraan meelo suuq madow ah oo halka doollar lagu kala sarrifto lacag ka dhan 8500 SLSH, taasoo ka soo horjeeda go’aanka xukuumadda ee ah in halka doollar lagu sarrifo 7000 SLSH.
“Waxa dadku wada sheegayeen oo mararka qaarkood laga dhawaajinayey in halka doollar lagu sarrifayo 8500 SLSH ah, intaasna ma wada marayo ee waa meelaha qaarkood… waana suuq madow, meelahaasna runtii ciidankii ku shaqada lahaa ayaannu u dirnay oo in wax laga qabto waa muhiim, waana lagu gudo jiraa oo intaas waannu dhex soconnaa, laakiin imminka bahalku (sarrifka doollarku) hoos ayuu u sii socdaa, ilaa inta uu gaadhayo 7000 SLSH waannu wadaynaa, haddii Ilaahay yidhaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Dhexe.
Waxa kaloo uu ka hadlay sababta Guddida Joogtada ee Golaha Wakiilladu ugu yeedheen, waxaannu yidhi; “Waxa ay noogu yeedheen wuxuu ahaa xog-waraysi iyo xaaladaha dalka la iska xog-waraysto, annaguna waannu u warrannay halka xaaladdu marayso iyo sida wax yihiin, wixii su’aalo ahaanna waannu uga jawaabnay.”
Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale oo ka mid ah Guddida Joogtada ee Golaha Wakiillada oo isna warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay masuuliyiinta Baanka Dhexe ka xog-waraysteen xaaladda sicir-bararka iyo sida ugu habboon ee wax looga qaban karo.
“Waxa aannu u yeedhnay madaxda Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu horkacayo Guddoomiyaha Baanka, waxaanan ka waraysannay xaaladaha baanka iyo arrimaha taagan ee sicir-bararku ka mid yahay, wixii ay xog hayeenna way naga siiyeen, wixii xildhibaannadu su’aalo hayeenna way weydiiyeen, si fiican ayeyna uga warrameen sida xaaladdu tahay iyo halka ay imminka taagan tahay,” ayuu yidhi Md. Bullaale.
Geesta kale, xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku dhawaaqday inay xayirtay lacagaha shillinka Somaliland ee ganacsatada u yaal Baanka Dhexe, isla markaana dedaal ugu jirto sidii lacago doollar ah loogu sii dayn lahaa suuqyada ganacsiga ee dalka.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Md. Cali Maxamed Axmed (Cali-dhegoole) oo saxaafadda la hadlay markii uu dhammaaday kulan ay xarunta Madaxtooyada ku yeesheen guddi xukuumaddu u xilsaartay qiimo-u-yeelista shillinka Somaliland iyo ganacsatada kala duwan toddobaadkan, waxa uu sheegay in laga wada shaqaynayo sidii sare loogu qaadi lahaa qiimaha lacagta dalka.
“Waxa jirta ganacsatadu badan oo aannu xayirnay lacagtooda shillinka Somaliland ee u yaallay Baanka Dhexe oo aannu joojinnay, annaga oo ka duulayna qorshahan kor loogu qaadayo qiimaha lacagta Somaliland), ganacsataduna si lexejeclo leh ayey noogu raaceen arrintaas oo ay nagala shaqeeyeen, si qurux badan oo wanaagsanna waannu u wada shaqaynayey muddada aannu hawshaas ku jirnay, maantana kulankayagu waxa uu daarranaa sidii aannu u yeelan lahayn qorshe hawleed wanaagsan oo ah sidii loo wada isticmaali lahaa shillinka Somaliland oo bulshadu noqon lahayd mid shillinkeeda aaminta; haddii ay tahay dawladda, ganacsatada iyo shacabkaba,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.
Waxa kaloo uu sheegay in xukuumaddu yaraysay isticmaalka kharashka badan ee ku baxa shillinka Somaliland, laguna soo koobay mushaharka iyo kharashka muhiimka u ah shaqo-maalmeedka xafiisyada dawladda, isagoo sidoo kale qiray inuu jiro suuq madow oo lacagaha lagu sarrifo qiimo ka badan xaddiga dawladdu u goysay oo ah 7000 SLSH halka doollar.
“Ganacsatadu waxa ay imminka suuqa geliyeen boqollaal milyan oo doollar oo ay alaabooyin ku cashuuranayeen, ragga qaar ayaana sarriftay $300,000 doollar (saddex boqol oo kun), markaa sidaas ayuu hoos ugu soconayaa oo lagaga baxayaa suuqa madow ee la sheegayo, waxaana la doonayaa in aynaan buunbuunin warka beenta ah,” ayuu yidhi Mr. Cali-dhegoole.