Warbixin: By. Carraale M. Jama Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network
Washington(ANN)- Doodaha dhinaca sharciga ee ka dhashay go’aankii Madaxweyne Donald Trump ee la xidhiidhay xayiraada dhinaca socdaalka ee Toddoba dal oo Muslin ah, ayaa sii xoogaystay, waxaan sii kordhay muranka u dhexeeya waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka oo difaacday xayiraadihii la saaray dhanka socdaalka ee madaxwayne Donald Trump iyo garsoorayaasha ka hor yimi go’aankaa.
Waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka oo difaacday xayiraada, ayaa ugu baaqday in maxkamadda racfaanku ay aqbasho go’aankaas iyadoo ka eegaysa danta ammaanka qaranka Maraykanka, waxayna Qoraal ka kooban 15 bog oo ay arrintaa kaga hadlay ku sheegtay “in go’aanka Madaxweynuhu uu sharciga waafaqsan yahay” isla markaana aanu ka dhignayn in Muslimiinta lagu mamnuucayo.
Amarka madaxweynaha ayaa mamnuucayay in ay Maraykanka galaan dhammaan qaxootiga iyo dadka ka soo booqanaya toddobo dal oo Muslimiin ah, waxa gaashaanka ku dhuftay Xaakin lagu magcaabo James Robart oo garsoore ka ah Seattle, Washington, kaasoo ku tilaamay go’aankaa mid aan sharciga waafaqsanayn oo aan lagu dhaqmayn.
Waaxda Cadaaladda, ayaa markaa kaddib Maxkamad Racfaankan oo fadhigeedu yahay San Francisco , waxaana Racfaanka loo qoondeeyay in la dhagaysto Arbacada si loo diido ama loo soo celiyo oo uu u dhaqangalo go’aanka Madaxweyne Trump oo aan weli dhaqan gelin.
Waaxda Cadaaladda Maraykanka ee difaacay go’aanka Madaxweyne Trump, ayaa ku dooday in Madaxweynuhu yahay ka ugu muddan in uu qaato go’aanada ammaanka qaranka iyo in ay khalad tahay in go’aankan lagu sheego in Muslimiinta la mamnuucayo maadaama toddobadaa dal loo xusay halista argagixiso ee ka jirta. Sidaa daraadeed waxay ku dooday waaxda cadaaladdu in amarku uu dhexdhexaad yahay oo uu yahay mid ixtiraamaya Diinta.
Arrinta xayiraada qoxootiga Toddoba Dal oo Muslin ah, ayaa muran iyo jaahwareer ka dhalisay gudaha Maraykanka iyo garoomada diyaaradaha caalamiga ah, iyadoo si wayn loo cambaareeyay, inkasta oo dadka Maraykanku ay ku kala qaybsameen sida ay u arkaan arrintaas, marka laga eego dhinaca rayiga laga aruriyay.
Gobollada Minnesota iyo Washington ayaa sidoo kale ku baaqay in xayiraadda socdaalku aanu waafaqsanayn dastuurka, isla markaana dhib u keensanayo dadkooda, ganacsiyadooda iyo waliba jaamacadahooda.
Sidoo kale Xeer ilaaliyeyaasha guud ee 16 gobol iyo 100 Company oo u badan kuwa ugu waaweyn Teknoolojiyadda ee dalka Maraykanka, ayaa saxeexay dacwad la geeyay Maxkamad racfaan oo ku taalla San Francisco, taas oo lagaga soo horjeedo go’aankii Madaxweyne Trump ku mamnuucay inay dalka Maraykanka galaan dadka u dhashay Toddoba dal oo Muslin ah.
Waxaana kusoo biiray qoraalada lagu diidan yahay go’aanka Madaxweyne Trump, isla markaana saxeexay waraaq ay ku cambaaraynayaan xayiraadda, 14 gobol oo ka mid ah gobolada dalka Maraykanka, kuwaas ka dacwooday arrinta xayiraada dal ku galka ee la saaray dadka kasoo jeeda dalalka Ciraq,Suuriya,Iran,Libya, Soomaaliya, Sudan iyo Yeman.
Sidoo kale Xoghayeyaashii hore ee Maraykanka John Kerry, Haweenaydii ugu horaysay ee Maraykanka ka noqota Xoghayaha Arrimaha Dibedda Madeleine Albright iyo waliba madaxii hore ee waaxda sirdoonka Maraykanka Leon Panetta ayaa ku biiray waraaqaha ay qorayeen dad kale oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahano, Jilayaal iyo shaqsiyaad dhamaantood caan ka ah Maraykanka iyo dunida kaleba, kuwaas oo xayiraadda socdaalka ku tilmaamay mid aan daliil ku filan oo tilmaamaya halis loo haynin, isla markaana aan wax faa’iido ah u lahayn Maraykanka.
Xoghayihii hore ee dalka Maraykanka Madeleine Albright iyo aktarada jishay Big Bang Theory, ayaa labadooduba sheegay in ay Muslim ahaan isu diiwaangalin doonaan haddii madaxweyna Donald Trump uu sameeyo diiwaangalin u gaar ah Muslimiinta Maraykanka, iyagoo sheegay inay sidaa u samaynayaan sida ay uga soo horjeedaan qorshaha Madaxweyne Trump oo ay ku macneeyeen mid lagu takoorayo Muslimiinta.
Warbixin: By. Carraale M. Jama Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network
Jaamac132@gmail.com