Araweelo News Network

Dahir Rayale

Hargeysa (ANN)- Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo Dalka Kosoo laabtay, ayaa sheegay inuu khayr u rajaynayo dalkiisa, isla markaana jecel yahay in doorashooyinku si fiican uga qabsoomaan.
“Somaliland waxa aan u rajaynayaa khayr oo doorasho wanaagsana u dhacdo, kii (murrashaxa) Ilaahay u gartana ku soo baxo… Maanta duco oo qudha ayeynu u baahannahay, waynu iska ilaalinaynaa laqwiga,” ayuu yidhi Md. Rayaale.
Waxa kaloo Madaxweynihii hore ee Somaliland uu Ilaahay ka baryey inuu raxmaad khayr qaba oo lagaga baxo abaaraha saamaynta ku yeeshay dadka iyo duunyadaba.
“Ilaahay (SWT) waxa aan ka baryeynaa inuu innaga saaro abaarta oo raxmaadkiisa oo khayr qaba inoo shubo. Ilaahay ha ina siiyo roob anfaca makhluuqaadkiisa xawayaanka iyo bani’aadamkaba, ummaddana caam yeela. Ilaahayoow naxariistaada ayaan ku weydiisanaynaa, Ilaahayoow waan ku baryeynaa ee naga aqbal.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), xubno ka mid ah xisbigaas iyo masuuliyiin kala duwan, ayaa madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyey Daahir Rayaale Kaahin oo muddo dheer ka qabnaa dalka Somaliland.