Araweelo News Network

Iranian Foreign Minister Mohammad Javad Zarif (3rdL) attends a meeting with Kuwaiti Foreign Minister Sheikh Sabah al-Khalid al-Hamad al-Sabah (3rdR) in Tehran on January 25, 2017. (Photo by IRNA)

Iranian Foreign Minister Mohammad Javad Zarif (3rdL) attends a meeting with Kuwaiti Foreign Minister Sheikh Sabah al-Khalid al-Hamad al-Sabah (3rdR) in Tehran on January 25, 2017. (Photo by IRNA)

Kuwait(ANN)-Muwaaddiniinta u dhashay shan dal oo dadka ugu badan ee ku dhaqan Muslimiin yihiin ayaa laga mamnuucay gelista waddanka Carbeed ee Kuwait amma in ay ka helaan dal-ku-gal (Visas), kadib markii masuuliyiinta dalkaasi soo rogeen xayiraad dhinaca safarrada ah oo ay kaga daydeen Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Mr. Donald Trump.
Dalalka Suuriya, Ciraaq, Iraan, Pakistan iyo Afganistaan ayaanay dadkoodu awood u yeelan doonin in ay helaan fiisaha, booqashada amm arrimaha ganacsi ee Kuwait. Warkan oo soo baxay maalin uu kadib markii dalka Maraykanku soo saaray inuu mamnuucay in dalkooda ay galaan dadweynaha ka soo kala jeeda toddoba dal oo muslim ah.
Dadka sita basaboorrada dalalkan looma oggolaanayo in ay galaan waddanka Gacanka Carabta ku yaal ee Kuwait, iyadoo loo sheegay xataa in aanay soo dalban karin fiisayaal ganacsi iyo qaar dalxiis toona.
Saraakiisha dawladda Kuwait ayaa u sheegay warbaahinta in go’aankan ay ka dambaysay tallaabooyin lagaga hortagayo xasillooni-darro dalalkaas ka jirta in aanay soo gaadhin, waxaanay tilmaameen in xayiraaddaas laga qaadi doono marka xaaladda ammaan ee waddamadaasi ka soo rayso.
Weerarro kala duwan ayaa hore uga dhacay dalka Kuwait labadii sanno ee u dambeeyey, taasoo ay ku jiraan qaraxyo loo geystay masaajidka Shiicada 2015kii, taasoo ay ku naf waayeen 27 muwaaddiniin reer Kuwait ah, iyadoo baadhitaanno kala duwan oo la sameeyey lagu xidh-xidhay tobanaan qof oo loo tuhunsan yahay falalkaas.