Araweelo News Network

alshababfagaarahaJammaame(ANN)- Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo Degmada Jammaame ee gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya Al-Shabaab ayaa meel fagaare ah qoorta kaga jartay Afar nin oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen sirdoonada Soomaaliya, Kenya iyo Maraykanka.

Sida ay faafisay warbaahinta Al-Shabaab ragaa ayaa meel fagaare ah mid mid qoorta looga jaaray magaalada Jamaame galinkii danbe maanta.

Afarta nin ee qoorta laga jaray, ayaa magacyadooda lagu sheegay Siyaad Cali Cabdi oo 26 jir ah, Yuusuf Makaraan Maxamed oo 58 jir ah, Axmed Ibrahim Hirre oo 28 jir ah, iyo Cabdalla Cumar Xasan oo 26 jir ah.

Qaadiga Maxkamad Al-Shabaab leedahay oo ka jirta deegaankaa, ayaa sheegtay in ay ku heshay dambi ah inay siinayeen warbixino ka dhan ah dagaalyahanadooda deegaanada ay ka taliyaan hay’adaha mukhaabaraadka ee wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Maraykanka.

Al-shabaab, ayaa marar baddan deegaamada ay ka taliso sidan oo kale qoorta uga jartay rag lagu eedeeyay inay basaasayeen dagalyahankooda.