Araweelo News Network
New York(ANN)- Maxkamad ku taal magaalada New York ee Cariga Mareykanka, ayaa diiday go’aanka Madaxweyne Donald Trump ku mamnuucay qoxootiga dhawr dal oo musin ah, waxayna go’aamisay in aan la celin Karin dadka muslimiinta ee soo galootiga Qoxootiga ah ee ku xaniban garoomada diyaaradaha ee dalka Mareykanka.Haweenay Garsoore ka ah Maxkamadda New York ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay go’aakii kasoo baxay Madaxweyne Trump ee amrayay in la celiyo dadka qoxootiga muslimiinta ah, balse xukunka kasoo baxay maxkamaddan ma aha mid la filayo inuu sii jiro.
Dad lagu qiyaasay 100 illaa 200 oo qof ayaa lagu xayiray garoomada dalka Maraykanka markii uu soo baxay go’aanka Madaxweyne Trump, kuwaas oo doonayay inay galaan dalka Mareykanka.
Goaa’nka maxkamadda, ayaa kusoo beegmay, iyadoo boqollaal qof ay isugu soo bexeen dhowr magaalo oo ay ku dibad baxayeen, kuwaas oo doonaya in laga noqdo go’aanka Trump ee qaxootiga loogu xayiray si ku meel gaadh ah.
Dikreetada oo Jimcihii uu saxeexay Madaxweyne Trump, waxaa lagu sheegay in 90 maalmood lagu hakiyay inay galaan Mareykanka, dadka ka soo jeeda todobo dal sida, Soomaaliya, Irraan, Ciraaq, Sudan, Suuriya, Liibiya iyo Yaman.
Madaxweyne Trump ayaa difaacay go’aankiisa uu sida ku meelgaadhka ah Mareykanka uga mamnuucay dadka ka safraya todobo dal oo dunida Islaamka ah, waxana arrintaa jawaabo kulul ka bixiyay hoggaamiyaasha dalalka reer galbeedka.
Dhinaca Khasaara xooggan ayaa ka dhashay dab ka kacay Masjid ay muslimiintu ku leeyihiin Gobolka Texas xilli ay ku tukanayeen tobaneeyo qof.
Nihaad Ciwad oo ah madaxa golaha muslimiinta Mareykanka ayaa xaqiijiyay in dabku uu baabi’iyay inta badan dhismayaasha uu masjidku ka koobanaa.
Jaaliyadda muslimiinta gobolka Taxas, waxay sheegeen in gubashada masjidka ay ka dambeeyaan kooxo cunsuriyiin masiixiyiin ah oo dhiiri gelin ka helaya Donald Trump madaxweynaha cusub ee Mareykanka.