Araweelo News Network

EU

Nairobi (ANN)- Dalalka qaadhaan-bixiyayaasha ka taageera Jamhuuriyadda Somaliland qabashada doorashooyinkeeda, ayaa ku baaqay in dib looga fiirsado muddo-kordhinta cusub ee dib loogu dhigay doorashooyinka Somaliland oo u muddaysnayd 28 March 2017, balse dib loogu riixay ilaa bisha October 2017.
War-murtiyeed ay Midowga Yurub iyo toban ka mid ah dalalka caalamka ee ka taageera Somaliland nidaamka dimuqraadiyadda ka soo saareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya xalay, waxa lagu sheegay in waddamada wadashaqaynta la leh Somaliland ay aad uga niyad-jabeen go’aankii ay isla qaateen Madaxweyne Axmed Siilaanyo, madaxda xisbiyada Qaranka iyo Guddiga Doorashooyinka ee ay dib ugu dhigeen doorashada Madaxtooyada ilaa 10 bisha October 2017, halkii ay markii hore u qorshaysnayd 28 March 2017, waxaanay ku baaqeen in dib eegis lagu sameeyo tallaabadaasi.

Wefdiga EUandUK2
Beesha caalamku waxay ku tilmaameen go’aanka Somaliland dib ugu dhigtay doorashooyinka tallaabo mugdi galinaysa dimuqraadiyadda iyo sumcadda Somaliland ku leedahay adduunka, iyagoo ku goodiyey in aanay sii wadi karin taageeradooda dhaqaale mar haddii Somaliland caado ka dhigatay muddo-kordhin iyo doorasho aan waqtigeeda lagu qabanayn.
War-saxaafadeedkan oo ay soo saareen wefti booqasho ku yimmi Hargeysa toddobaadkan oo ka socday Midowga Yurub iyo toban dal oo kala ah; Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Holland, Norway, Sweden, Ingiriiska iyo Maraykanka, kaas oo lagu saxeexay Safiirka waddanka Denmark u qaabilsan Kenya, Soomaaliya, Somaliland, Erateriya iyo Seychelles Mr. Mette Knudsen, isla markaana uu Wargeyska Jamhuuriya u turjumay Af-soomaali, waxa lagu yidhi, “Saaxiibada caalamka wadashaqaynta la leh Somaliland waxay si xoog ah uga niyad-jabtay go’aanka ay gaadheen Madaxweynaha, xisbiyada siyaasadda iyo Guddiga Doorashooyinka (NEC) ee dib loogu dhigay doorashada Madaxtooyada ee u muddaysnayd 28 March 2017, loona riixay 10 October 2017. Dhawaaqa la isku raaciyey doorashada dawladaha hose iyo Baarlamanka (Golaha Wakiillada) in la qabto 10 October 2018, iyadoo dib loo dhigay doorashada dawladaha hoose muddo ilaa sannad ah, waxay sii xoojinaysaa walaaca in reer Somaliland yeeshaan aqal hoose uun (Golaha Wakiillada), kaas oo fadhiya muddo 12 sanno ah.
Dib-u-dhigista doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanku oo si cad uga horimanaya go’aankii Maxkamadda Sare gaadhay 18 August 2015 iyo dib u riixista doorashada dawladaha hoose iyadoo aanay jirin sabab muuqada oo keliftay waxay dhab ahaan dhaawacayaan kalsoonida shacabka iyo saaxiibada caalamka ee hannaanka nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland.

wefdiga Eu4
Dib-u-dhacyadan oo ah kuwii u dambeeyey ee si xidhiidh ah u yimaadaa waxay su’aal galinayaan sumcadda dimuqraadiyadda Somaliland, waxa la xasuusan yahay in doorashada Madaxtooyada Somaliland ay muddada qabsoomideedu ka soo bilaabantay sannadkii 2015.”
Waxa kaloo waddamada ka taageera Somaliland doorashooyinku ay walaac ka muujiyeen sii socoshada wadashaqaynta ay leeyihiin Somaliland oo inay halis ku jirto ay hoosta ka xariiqeen, “Saaxiibada beesha caalamka waxa ka go’an in aanay waxba iska beddelin tageerada togan ee ay siiyaan dariiqa horumarka dadka Somaliland ku taagan yihiin, balse dhawaaqa u dambeeyey ee dib-u-dhac kale waxa uu beesha caalamka ku khasbayaa inay ka fiirsadaan gacanta aannu ka gaysanno iyo habka aannu ula shaqayno dawladda Somaliland.
Saaxiibada caalamku taageerada muhiimka ah ee ay siiyaan hannaanka doorashooyinku waxay salka ku haysaa sida ay Somaliland uga go’antahay doorashooyinka Madaxtooyada Baarlamanka iyo dawladaha hoose oo waqtigooda ku dhaca. Maalgalinaha lacagta cashuur-bixiyayaashadu iminka waxay khatar ugu jirtaa in la waayo. Saaxiibada caalamku ma bixinayaan wixii kharash dheeraad ah ee ka yimaada dib-u-dhaca doorashooyinka,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.
Mar kale saaxiibada Somaliland waxay tilmaameen dhaxalka uu Somaliland gayeysiin karo go’aanka cusub ee muddo-kordhinta doorashooyinku, waxaanay yidhaahdeen, “Go’aankani waxa uu si xoog ah u dhaawici doonaa mar kale sumcadda iyo karaamada Somaliland, waxaanay Somaliland khatar ugu jirtaa inay lumiso daymada caalamka ee ay ku raaxaysanaysay ilaa hadda ee ka soo unkantay ka go’naanshiyaha saaxiibada caalamka ee taageerada meeqaamkeeda hannaan dimuqraadi ah oo soo koraya.”
Ugu dambayntii, waxay baaq u direen dhinacyada Somaliland ee ay khusayso doorashadu inay ka fiirsadaan muddo-kordhinta waqtiga doorashada, “Saaxiibada caalamku waxay ku dhiirrigeliyaan dawladda Somaliland, xisbiyada siyaasadda iyo Komishanka Doorashooyinka inay ka fiirsadaan dhawaaqii dhawaan iyo inay diyaariyaan doorashada Madaxtooyadu inay dhacdo qaybta hore ee sannadka 2017 (bilaha hore) iyo inay qabtaan doorahsada dawladaha hoose xilligooda sannadka 2017, waxa kaloo ay ugu baaqaysaa Maxkamadda Sare iyo Guurtida inay ka fiirsadaan go’aankan. Sidoo kale, saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqaysaa dawladda inay diyaariso oo ku qabato doorashada Baarlamanka muddo-kordhin la’aan sannadkan, taas oo ay ku jiraan horumarinta iyo dhaqangalinta qorshe xaqiiqda ku fadhiya oo dib loogu eego saami-qaybsiga kuraasta Baarlamanka (Golaha Wakiillada).
Fashil ku yimaada isbeddel siyaasadeed waxa uu si aan shaki ku jirin u u dhaawacayaa awoodda iyo rabitaanka beesha caalamka ee wadashaqaynta madaxda Somaliland. Sidaa darteed, waxaannu ka codsanaynayaa dhammaan daneeyayaasha inay sameeyaan dadaal kasta oo ay ku ilaalinayaan sumcadda hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland,” ayey yidhaahdeen waddamada beesha caalamka ee taageerada washaqayneed la leh Somaliland.
Dhinaca kale, saaxiibada beesha caalamku waxay war-saxaafadoodka kaga hadleen abaarta daran ee ka jirta Somaliland ee sababta u noqotay dib-u-dhaca ku doorashooyinka, waxaanay tilmaameen inay shacabka reer Somaliland la qaybsanayaan dhibaatada ka dhalatay abaarta, waxaanay sheegeen in qaadhaan-bixiyayaashu ka qaybqaateen, siina wadayaan dadaallada la tacaalista saamaynta bani’aadanimo ee abaartu keentay.
“Saamaynta daran ee bani’aadanimo ee abaartu ku keentay qaybo ka mid ah bulshada waa mid aan la dafiri karin oo xannuun badan. Ka jawaabista abaartu waxay u baahan tahay hoggaamin muhiim ah oo degdeg ah oo ay la timaado dawladdu oo la kaashato dan-wadaagteeda beesha caalamka,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka ay soo saareen saaxiibada Somaliland ee caalamku.