Hoggaaminta iyo Maareyntu waxa ay ku saleysnaayeen dhaqanka hiddahheenii hodanka ahaa ee miyiga iyo reer guuraanimada, gadh-wadeenka reerku waxa uu ahaa hoggaamiyaha qoyska, halka ay afadiisuna ka ahayd maareeyaha qoyska.
Inkastoo hawlaha uu qaban jiray gadh-wadeenka reerku ay ahaayeen, hillaadinta, sahaminta, arriminta, illaalinta, garta, beerista, kaydinta, dhaanka, lisida, aroorinta iyo waraabinta xoolaha, dhinaca farsamadana, waxa ay qori jireen, qabaalka, mooyaha, kalaxa, fandhaalka, udbaha, koorta iyo waranka, haddana, intaas oo kaliya kumay koobnayn hoggaamintoodu, balse, waxa kaloo la qiimeyn jiray hab-dhaqanka iyo qaabka hoggaamineed ee uu leeyahay gadh-wadeenka reerku, waxaanay xoolo-dhaqatadu u kala saari jireen laba-qaab oo kala ahaa sidan.
Mid casarka gaaban ka daba tagi jiray geelii saaka la foofiyey, isagoo u kuur-galaya xaaladda ay ku sugan yihiin xoolihii iyo carruurtii geella jirtay, ka dib, marka uu ogaado inay nabad qabaan, isla markaana, ay dhan yihiin xoolihiina, ayuu carruurtii la soo qaban qaabin jiray, oo uu la soo anbabixin jiray geellii, hab-dhaqanka gadh-wadeenka reerkan, waxa afka-qalaad loogu yeedhaa “Proactive Leaders”
Sidoo kalena, waxa lagu tilmaami jiray gadh-wadeenka reerkaasi inuu yahay indheer-garad leh maan firfircoon iyo xilkasnimo, waxaannu xilka masuuliyaddeed ee saaran u raadiyaa sidii uu u qaabeyn lahaa Aayahooda mustaqbal iyo hiigsigooda nololeed, lagumana sheegi jirin in lagu shareysto xaaladdaha adag ee ay duruufuhu keenaan, waxa kaloo ay ahaayeen, kuwo ka fikira in ka badan ceebaha ama caqabadaha adag ee ka hor yimaada inay qiimeeyaan xaaladdahaas inay ku dhamaanayso si wanaagsan, isla markaana halkaasi aanay ka sii gudbin karin.
Ka labaadna, waxa uu ka hor-tagi jiray gabal dhaca geellii saaka la foofiyey, kaasoo inta uu ku sii socdona, marka ay ku wada kulmaan dhabada geelii soo caraabayey ayaa ka didijiray sanqadhiisa, waxaanay carruurii geella soo caraabinaysayna u qaadan jireen in uu geellu ka diday bahal, dabadeedna, waxay isku dari jireen qaylo iyo dhawaaq dheer oo ay keentay naxdintaasi, ka dibna, waxa uu odhan jiray; “Aabo waa annigii, Aabo waa annigii ” marka uu u soo dhawaado ayuu weydiin jiray geellu inuu dhan yahay iyo in kale, haddii, markaasi ay u sheegaan inuu dhan yahay, wuu la soo hoyn jiray, haddii kale’se, waxa ay u sheegi jireen neefafka lumay magacyadooda, halkaas ayuu habeenkaas oo dhan ku baadi-goobi jiray neefafkii lumay oo uu ku soo heli jiray ama uu ku waayi jiray oo uu waraabuhu ku cuni jiray neefafkii baadida ahaa. Hab-dhaqanka gadhwadeenka reerkan, waxa afka-qalaad loogu yeedhaa “Reactive Leaders”
Gadh-wadeenka waxa lagu tilmaamo inuu yahay, kuwa ka fal-celiya marka ay dareemaan dhibaatadu amaba ay saameyso, marka ay cimiladu fiican tahayna, waxa ay dareemaan fiicnaansho, haddii aanay u wanaagsanayna waxay waxyeeleeyaan dabeecadaha qaabka hawlahu u socdaan iyo deegaanka bulshadu ku nooshahay.
Haddaba, akhriste marka gadh-wadeenka reerku aanu ahayn labadaa gadh-wadeen ee aynu kor ku soo xusnay, waxa la soo gudboonaan jirtay hooyadii dhashay ubadkaasi, ka dibna waxa ku abuurmi jiray werwer aad u badan iyo cabsi ay ka qabto soo guryo noqoshada xoolaha iyo carruurtii geella jirtay, waxaanay hooyadaasi odhan jirtay “Illayn Geel-didisna kama darro”
W/Q: Maxamed Faarax Qoti
mfqoti@gmail.com