Araweelo News Network
Bakool(ANN)- Al-shabaab, ayaa sheegtay inay khaarajiyeen Saddex Nin oo ay ku edeeyeen inay ahaayeen basaasiin u shaqaynayay Maraykanka iyo Dalal kale kaddib markii sida ay sheegeen Maxkamadda islaamiga wilaayada Bay iyo Bakool xukun dil ah ku fulisay Kooxdaa.
Saddexda Nin, ayaa lagu toogtay Fagaaraha weyn ee deegaanka Yaaq-Baraawe ee gobolka Bay shalay gelinkii damabe, iyadoo boqolaal qof ka qaybgaleen kaddib markii qaadiga Maxkamaddu ku dhawaaqay in lagu helay in ay u basaasayeen sirdoonnada Mareykanka, Kenya iyo dowladda federaalka, isla markaana sida lagu eedeeyay ay maleegayeen shirqoollo ka dhan ah shacabka Muslimiinta Soomaaliyeed.
Qaadiga Maxkamadda islaamiga wilaayada Bay iyo Bakool oo ka hadlay Sedaxda Eedaysane ee lagu dilay Yaaq Baraawe iyo dambiyada lagu helay, waxa uu sheegay in Cabdullaahi Daamey Maxamed Nuur oo 36 jir ahaa, lagu helay inuu ahaa Basaas u shaqaynayay CIA-da Mareykanka, isla markaana uu sheegay in shaqadaa ay geliyeen saraakiil ku sugan garoonka diyaaradaha Balli-doogle ee duleedka degmada wallaweyn ee Shabbeeladda Hoose.
Sidoo kale Qaadiga, ayaa sheegay qalabka lagu hago diyaaradaha Drone-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha laheyn uu Cabdullaahi Daamay kasoo qaaday saraakiisha Mareykanka, isagoo doonayay in uu ku dhajiyo gaadhi uu lahaa sarkaal ka tirsan xarakada Al Shabaab, balse qorshahaasi la fashiliay gacanta sidaana gacanta lagu dhigay isaga iyo qalabkii Mareykanku usoo dhiibay, wuxuuna bil walba qaadanayay lacag dhan $200 mudada uu shaqeynayay waxay aheyd 2 bilood. Sida uu sheegay qaadigu.
Maxamed Iimaan Xasan oo 42 jir ah oo kamid ahaa raggii la dilay, wuxuu qaadigu sheegay in lagu helay falka Basaasnimada ah, isla markaana uu si gaar ah ula shaqeynayay Ciidamada loo yaqaan PS-ta ama Ashahaadda la dirirka maamulka ‘Jubbaland’ wuxuuna kala shaqeeyay sahanka jidadka mara duleedka magaalada Kismaayo iyo marka ciidanka Kenya ay qaadayaan duullaano ka dhan ah muslimiinta oo uu u ahaa wadda yaqaan, bil walba wuxuu mushaar ahaan u qaadanayay $150. Sida qaadiga xukunka fuliyay sheegay.
Sidoo kale Maxamed shariif Cali 21 jir ah, ayaa sida uu sheegay Qaadigu, wuxuu ahaa Basaas u shaqeeya sirdoonada caalamiga ah ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana shaqa geliyay sarkaal katirsan maamulka Axmed Madoobe, isagoo qaabilsanaa uruurinta macluumaadka ku waajahn soo gudbinta dhaq dhaqaaqyada ciidamada Xarakada Al Shabaab marka ay weerar ku qaadayaan Kismaayo ama saldhigyada ciidamada Kenya.
Qaadiga, ayaa sidoo kale sheegay in Maxamed Shariif, ahaa wadda yaqaan gacan ka geysan jiray in ciidanka huwanta ah, isagoo marin jiray waddooyinka ay ku sugnayn ciidamada Al Shabaab, isla markaana uu sheegay inuu isku gayn lacag mushaar ah u qaatay $500.
Al Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay dhawr qof oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Basaasiin ku dilay Soomaliya, waxayna ku hanjabeen inay gacan adag ku qaban doonaan kooxo ay sheegeen inay yihiin kuwo u shaqeeya dowladaha shisheeye.