Araweelo News Network
Dawladda Suudan, ayaa sheegtay inay markii u horaysay dalka Shiinaha ka heshay dalab ah inay u dhoofiyaan dameeraha, lugaha digaaga iyo cayayaanka daba-qalooca oo la qalajiyey, kuwaasoo ah waxyaabo si xoogan looga isticmaalo gudaha Shiinaha.
Sida lagu faafiyey Al-arabiya.net oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, Agaasimaha Waaxda Wasaaradda Ganacsiga ee dalka Suudaan, ayaa tilmaamay in dawladda Shiinuhu ka dalbatay xawayaan iyo cayayaanno kala duwan oo iib ahaan loogu dhoofiyo dalkooda.
Dalka Shiinaha oo xidhiidh ganacsi oo xooggan la leh dalka Suudaan, ayaa haddana ganacsiyada qaar ay yihiin kuwo muran dhaliya. Sannadkii hore hay’adda Kastamada Suudaan ayaa gacanta ku dhigtay 200 kilo oo dabaqalooc qalalan ah, kaasoo sifo sharci-darro ah loogu dhoofinayey waddanka Shiinaha.
Saraakiil ka tirsan dawladda Nijeeriya ee galbeedka Afrika, ayaa iyaguna helay amma gacanta ku dhigay 80 kun oo ah dameero loo dhoofinayey dalka Shiinaha sannadkii hore, kuwaasoo laga kala keenay dalalka Afrika, iyadoo sannadaha soo socdana la dhoofin doono 27,000 dameer.
Waddamo dhawr ah oo Afrika ku yaala, sida Nayjar iyo Burkina Faso, ayaa mamnuucay in dameeraha loo iibgeeyo dalka Shiinaha, iyadoo xayawaanka dameeruhu aad ugu badanayaan dalka Afrika, gaar ahaan saddex jibbaarmeen waqtiyadii u dambeeyey.
Dalal badan oo Afrika ah ayaa ka faa’iiday xayawaanka la dhoofiyo. Kenya waxa ay dalka Shiinaha u ogolaatay inuu ka furto kawaan lagu qallo xayawaanka, gaar ahaan maalintii waxa lagu qalaa 100 dameer.