Araweelo News Network

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somalia photo File

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somalia photo File


Hargeysa (ANN)- Wadahadalladii u socday dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya oo muddo dheer hakad ku jiray, ayaa la shaaciyey xilliga ay mar kale dib u furmi doonaan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa shaaciyey in wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya dib loo bilaabayo bisha May ee sannadkan 2017, inkastoo aannu sheegin halka lagu qabanayo ama dalka martigalinaya, waxase uu soo jeediyey in Somaliland u diyaarsato qorshe muhiim ah oo ay la tagto miiska wada-xaajoodka.
“Iminka waxa la yidhi ha la isku yimaado bisha May, markaa bisha May maxaynu u baahannahay? Kow waa in aynu samaynaa qorshe bilow ah oo innagoo sidana wixii la bixinayey iyo weelkii aynu wax ku doonaynay oo aynu xoogga saarnaa kaa oo dhammaysanno bisha February, laba dawladda Soomaaliya ee ay u tartamayaan intaas oo murrashax waxa jira dawlado kala wata, ragga meesha ordaya (tartamaya) qaar khatar bay innagu yihiin, qaar weli ma naqaanno oo hadda ayey soo galayaan siyaasadda, dawladahaa kala wata qaar baynu jaar nahay, kuwo saaxiib baynu nahay, waa in aynu dawladahaa ragga ay wadaan hadday khatar innagu yihiin aynu ku nidhaa ka daaya,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe oo khudbad ka jeediyey furitaanka xafiis cusub oo loo dhisay Wakaaladda Qurba-joogga Somaliland oo ka dhacday Hargeysa.
Dhinaca kale, Guddoomiye Faysal waxa uu hadlay qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo ololaha aqoonsi-raadinta oo uu dhaliilay, waxaannu yidhi, “Wasiirka Arrimaha Dibaddu wuu fiicanyahay intii uu joogay oo wax badan buu qabtay, laakiin qorshe ayeynu u baahannahay, saaxiibo in aynu adduunyada ka samaysanno ayeynu u baahanahay, fagaarayaasha adduunka ee lagaga hadlayo Soomaaliya haddaanad saaxiib ku hayn…qorshayaasha Soomaaliya iyo dastuurka ay samaysanayaan ee lagagu isticmaalayo waa in aynu waxaa ogaanno, in aynu innagu isku jeedno maaha.”
“Adduunkaa dhan waddan keliya oo innala saaxiib ah oo qaddiyaddeenaa innala baadi-doonaya ma jiro, qaddiyaddeenu maanta maalin ay ka khatarsan tahay 26-kaa sanno, qaddiyaddeenii waxa la yidhi waa arrin Soomaali ee wadahadla Soomaaliya,” ayuu intaa raaciyey hadalkiisa Guddoomiyaha xisbiga UCID.