Warbixin: Arraale M. Jama

Araweelo News Network
yahyajammeh
Banjul (ANN)- Madaxweynihii hore ee Ghambia Yaxya jammeh, ayaa ka baxay dalkiisa oo uu xumayay 22 sanadood. Kaddib markii uu aqbalay heshiis cadaadis ay ku saareen Hoggaamiyayaasha dalalka galbeedka Afrika.

Madaxweynihii hore ee Ghambia Yaxya Jammeh, ayaa gaadhay dalka Equatorial Guinea, wuxuuna ogolaaday inuu ahaado dibad joog aanu dalkiisa dib ugu noqon Karin, iyadoo uu xilka la wareegay Madaxweynaha cusub Adama Barrow oo ku guuleystay doorashadii bishii December 2016, ka dhacday Ghambia, taasoo Yaxya Jammeh ogolaaday in lagaga adkaaday, balse uu markii danbe diiday natiijadeeda.

Hase Yeeshee Cadaadis kaga yimi Yaxya Dalalka ku haboobay urur goboleedka ECOWAS, oo ciidamo dhoobay xadka dalkaa si faragelin loogu sameeyo haddii uu ku adkaysto inuu weli dalka Madaxweyne ka yahay ugu danbayntii ku qalqaaliyeen Mr Jammeh inuu dalka baxo

Tallaabada Madaxweynihii ee Ghanbia ku aqbalay dalabkii dalalka Urur Goboleedka ECOWAS, ayaa sababtay in la hakiyo Ciidammada wadammada Galbeedka Afrika qorshohoodii milateri ee ay doonayeen inay ku farageliyaan dalkaasi, kuwaas oo Khamiistii ka talaabay xuduudda Ghambia gaadhay, saacado yar kaddib markii la dhaariyey madaxweynaha cusub ee Gambia Adama Barrow oo lagu dhaariyey gudaha safaaradda Gambia ay ku leedahay dalka Senegal.

Madaxweynihii hore ee Ghanbia Yaxye Jammeh iyo Madaxweynaha dalka Muritaaniya oo shir jaraa’id ku wada qabtay magaalada Banjuul ee caasimada Ghnabia, ayaa sheegay in lasoo gaba gabeeyay xiisadihii siyaasadeed iyo kuwii melleteri ee Ghambia ka jiray.

Yaxye Jammeh, wuxuu ku dooday in uu go’aanka uu kaga baxay dalkiisa u aqbalay ee u tanaasulay ay tahay, isagoo diidan in dalkiisa Ghambia ka qarxo dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato iyo in faragelin melleteri oo ay hagayaan dowladaha shisheeye ku qaadaan Ghambia.

Hase yeeshee waxa jira warar sheegaya in Yaxye Jammeh oo hore dalalka Galbeedka Afrika u balanqaadeen magangelyo siyaasadeed uu tanaasulkiisa ku xidhay shuruudo ay kamid yihiin in aan wax dabagal ah lagu samayn isaga iyo qoyskiisa iyo dhammaan saraakiishii ammaanka ee xukuumaddiisa lasoo shaqeeyay 22-kii sano ee uu wadanka maamulayay.

Yaxya Jammeh Madaxweynihii hore ee Ghanbia, wuxuu ka cabsiqabay in dalalka reer galbeedka oo siyaasadiisa diidanaa mudadii uu dalkaa xukumayay, gaar ahaan sanadii u danbeeyay oo uu ka baxay Ururka Barwaaqa sooranka, isla markaana aad u dhaleecayn jiray siyaasada reer galbeedka inay bahdilaad ku sameeyaan oo maxkamad caalami ah la geeyo, iyadoo foodsaaro looga dhiganayo eedaymo la xidhiidha inuu galay denbiyo gabood fal ka dhan xuquuqda Aadamaha mudadii uu xukunka hayay, isla markaana aanu kalsooni weyn ku qabin inuu ku badbaadayo dalalka Afrikaanka, taas oo u muuqatay sababta uu kursiga ugu sii adkaa, isagoo maanka ku haya halkii uu ku danbeeyay Charles Taylor.

In kasta oo dalalka galbeedka Afrika aqbaleen dalabka iyo shuruudaha uu xilka kaga tegey Yaxye Jammeh, In uu sidaa ku tago waxaa diidan ururada u dooda xuquuqda Aadanaha oo ku eedeynaaya inuu tacadiyo geystay mudadii uu dalkaa ka talinayay, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in cadaaladda la horgeeyo, si loogu oogo dembiyada loo haysto, waxayna ku eedeynayaan inuu, xadhig, jidhdil iyo dilba kula kacay siyaasiyiintii mucaaradayay maamulkiisii 22-sano jiray.

Yaxye Jammeh oo rumaysan in aan dalalka Afrikaanka isku halayn badan lahay, isla marakana haddii ay dalalka reer galbeedku soo dalbadaan ay suurta gal tahay inay ku wareejiyaan, waxa suurta gal ah in aanu isku sii halayn inuu sii joogo dalalka galbeedka Afrika, waxaana suurta gal ah inuu u dhaafo dalka Boqortooyada Sucuudiga oo magangeliyo siyaasadeed siiyay, isla markaana damaanad qaaday noloshiisa isaga iyo qoyskiisa, iyadoo xidhiidh fiican uu ka dhexeeyay Yaxye Jammeh qoyska Boqortooyada Sucuudiga.