Araweelo News Network

hablahaardaydaah

Laba hablood oo u dhashay dalka Rwanda ee bariga qaaradda Afrika oo magacyadoodu yihiin Sarah Benimana iyo Rache Nikuze, ayaa sameeyey saabtuun ka hortagaysa amma eryeysa kaneecada si aanay qofka u qanniinin.
Sida lagu daabacay wargeyska New Times ee dalka Rwanda ka soo baxa oo Jamhuuriya soo xigtay, labadan arday, ayaa fikirkoodu ka dhashay kadib markii ay dabagal ku sameeyeen cashar Kimistari ah oo ay ku qaateen dugsigooda oo la yidhaa Gashora Girls Academy.
“Waxa aannu ku kalsoonaannay in aannu soo saarno, kadib markii aannu tijaabinay, saabuunna samaynay. Daraasad dheer kadib, waxa aannu ka fikirnay sidii aannu uga dhigi lahayn wax nolosha caadiga ah lagu isticmaali karo,” ayey tidhi Benimana.
Hablaha walaalaha ah ee dedaalka fiican muujiyey, ayaa isticmaalay hab cilmiya oo ay biyaha wasakhda ah ku nadiifinayaan intii ay dugsigooda ku jireen (Saponification process), iyagoo milix uu ku jiro macdanta botaasiyam (Potassium salts) ku qaseen dux aysiidhaysan (Fatty acids), kadibna ay saabuun ka sameeyeen. Waxay arrintaasi u fududaysay in ay hammigooda ku guulaystaan.
“Dugsigayagu sidoo kale waxa ka buuxay kaneeco, maadaama dhir badan ku xeernayd, laakiin waxaannu ogaannay in aan kaneecadu u soo dhowaan dhirta la yidhaa Eucalyptus oo ku yaalay dugsiga….waa markii aannu la nimi aragtida ah in aannu isku qaso caleema dhirtan iyo dareeraha aannu saabuunta ka samaynay,” ayey yidhaahdeen iyagoo ka warramaya siday u sameeyeen sabuuntooda.
Sabuuntoodan waa saabuun cadar ur udgoon oo xooggan leh, taasina ay keento in aan kaneecadu u soo dhawaan, waxaanay sheegeen in ay ugu talogaleen in ay kaga hortagaan kaneecada sababta xannuunka duumada.
Waxa labadan hablood ee yaryar la mashruuc kenneecada lagaga hortagayo kala shaqaynayaan Wasaaradda Caafimaadka, iyadoo la tijaabiyey in saabuuntan lagaga hortagi karo kaneecada.
Waxa soo wajahay caqabad maaliyadeed, maadaama ay markii hore nusasaacahooda ka sameeyeen saabuunta, balse waqtigan waxa uu soo jiiday mashruucoodu indhaha dawladda iyo ganacsato badan.