Araweelo News Network

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ku hambalyeeyey Madaxweyne Siilaanyo digreetada uu maamulka shaqaalaha iyo miisaaniyadda maxkamadaha hoose kaga madaxbannaaneeyey Wasaaradda Caddaaladda oo ay ku hoos jireen ilaa sannadkii 1996-kii oo noqonaysa muddo 21 sanno ah, go’aankaas oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo guul weyn u ah garsoorka Somaliland.
Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu caddeeyey in go’aanka ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland maalintii Axadda uu yahay mid lagu xoojinayo in ku dhaqanka iyo saraynta sharciga, isagoo xusay in markii loo magacaabay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu ka shaqeeyey sidii maamulka dhaqaalaha maxkamadaha hoose looga hoos saari lahaa Wasaaradda Caddaaladda.
“Arrintani waa go’aan weyn oo taariikhi ah oo kordhiyey amma xoojiyey madaxbannaanida iyo dhexdhexaadnimada garsoorka, isla markaana waa tallaabo weyn oo horumar leh oo loo qaaday dhinaca caddaaladda iyo madaxbannaanida garsoorka qaranka. Waxa kaloo ay arrintani xoojisay in sharciga la isku maamulo (rule of law) iyo in sharcigu sareeyo (supremacy of law), waayo, marka ay waaxyaha qaranku kala madaxbannaanaadaan way isa saxayaan, wayna is tilmaamayaan, si buuxda oo madaxbannaan, habrashona aan lahayn ayey u shaqaynayaan, taasina waxay xoojinaysaa dawladnimada, kala dambaynta iyo maamulka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Waxaannu intaas ku daray; “Waayo, haddii ay waaxyaha qaranku is cunaan oo waaxyaha qaar dhismaan oo horumaraan, qaarna ay dhintaan dawladnimaduna way la dhimanaysaa, waayo dawladnimadan aynu qaadanay waa saddexda dhadhaar ee is dheelitiraya, haddii markaa qaar la waayo amma mid ka mid ah la waayo dawladnimaduna way shiikhaysaa, wayna baaba’aysaa, mana jirayso, sababtoo ah waxa meesha ka baxaysa is hubinta iyo isku dheelitirnaanta (check and balance), Madaxweynahana waannu ku hambalyeynaynaa arrintaas (uu maamulka iyo miisaaniyadda maxkamadaha hoose ugu wareejiyey Maxkamadda Sare).”
“Go’aankan waa mid taariikhi ah oo ka mid noqon doona waxyaabaha lagu xasuusan doono Madaxweynaha, waana go’aankii labaad ee u hiiliyey madaxbannaanida garsoorka, kadib aftidii dastuurka Somaliland (sannadkii 2001). Waayo, calafka iyo quudka qofku waxa weeyaan inuu u madaxbannaanaado go’aankiisa, fikirkiisa iyo madaxbannaanidiisa, dhaqaaluhuna maaha wax sahlan.”
Waxa kaloo uu sheegay in maamulka shaqaalaha iyo hawlwadeennada Maxkamadaha hoose ee dalka ee lagu wareejiyey Maxkamadda Sare ay qayb weyn ka tahay dedaalka dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda ee dalka.
“Annaga oo horeba wax uga qabanay dib-u-habaynta caddaaladda, lana dagaalanay musuqmaasuqa, laakiin imminka markii si buuxda la noogu soo wareejiyey dib-u-habayntoodu way dhammaystirmaysaa, waana guul qaranka Somaliland oo dhan u soo wada hoyatay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ka shaqeeyey sidii maamulka shaqaalaha iyo miisaaniyadda maxkamadaha hoose looga hoos bixin lahaa Wasaaradda Caddaaladda, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasiirrada Madaxtooyada iyo Maaliyadda, isagoo sidoo kale u mahadnaqay Wasiirka Caddaaladda ee hadda xilka haya iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda oo uu ku sifeeyey inay yihiin masuuliyiin maskax furan.
Waxa kaloo uu u mahadnaqay Guddida Caddaaladda iyo Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha kala duwan ee gobollada dalka Somaliland oo uu tilmaamay in kulan Madaxweynuhu la yeeshay biishii April ee sannadkii 2016 u gudbiyey qoraal ay ku codsadeen in nidaamkooda maamul laga hoos saaro Wasaaradda Caddaaladda, halka uu sidoo kale u mahadnaqay Ururka Qareennada Somaliland oo iyaguna qayb ka qaatay hirgelinta go’aanka ka soo baxay Madaxweyne Siilaanyo.
“Had iyo jeer dawladaha Afrika waxa lagu dhaliilaa garsoorkoodu waxa uu hoostagaa fulinta (xukuumadaha), markaa waxa innagu aynu doonaynaa in aynu dhisno garsoor madaxbannaan oo ilaaliya (checking) waaxyaha kale ee qaranka, fulinta iyo baarlamaankaba oo la yimaado, sidaas imminkaba loogu soo hiranayo uu ka sii fiicnaado, maalinba maalin cid u sii dhiibto, markaa tani (digreetada Madaxweynuhu) taas ayey wax ka taraysaa, si aad ah ayeyna bahda caddaaladdu ugu faraxsan yihiin tallaabadaas hore loo qaaday,” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali Axmed.
Waxa kaloo Guddoomiyuhu caddeeyey inay ka shaqayn doonaan sidii miisaaniyadda lagu soo wareejiyey loo gaadhsiin lahaa maxkamadaha gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland oo uu xusay in baahi weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah hadda ka jirto.
“Waxa aannu ballanqaadaynaa in aanu hab waadix ah (transparent) u dejin doono maamulka iyo miisaaniyadda, iyadoo hoos loo daadejin doono miisaaniyadaas oo uu gaadho degmooyinka dalka, sannad walbana la yidhaahdo maxay baahidu tahay? Gobolka noocaas ah, degmada noocaas ah ayey baahidaasi ka jirtaa, kadibna iyagu (maxkamadaha hoose) ay maamulaan miisaaniyadooda, haddii ay tahay mushaharkooda, kharashaadka hawlgaladooda iyo waxooda oo dhan hoos loo daadejiyo, guddiyo ku ilaaliyana in miisaaniyaddu gaadhay halka loogu talogalay oo baadhis ku sameeya, kuwaasoo tuulo kasta oo garsoorku joogaba hubisa in dhaqaaluhu gaadhay, taasna waannu dhisaynaa, waxaanan dhisi doonaa nidaan isku xidhan, waayo sababta aannu ula soo wareegaynay waxa ay ahayd in garsoorku horumar gaadho, haddii aad aragtaan gobolladana baahi weyn oo dhaqaale ayaa ka jirta, markaa in miisaaniyadooda hoos loo dhaadhiciyo ayaannu ka shaqayn doonaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
“Qof maryo cawlan oo calooshiisu gaajoonayso oo noloshiisa ka fikiraya oo aan haysan nolol maalmeedkiisii caddaalad ma falayo, markaa waa in la dhiso noloshooda oo la horumariyo, nidaamka dib-u-haynta ah ee aannu wadno maaha oo qudha in iyaga lala xisaabtamo, waxa kaloo ku jira qodobo badan oo kani ka mid yahay in noloshoodii dib loo soo celiyo, waxyaabaha kale ee Madaxweynuhu ballanqaaday inuu hirgelinayo inta aannu xilka ka degin waxa weeyaan inuu hirgeliyo xeerka xuquuqda garsoorka, waxa kaloo jira in la dhisayo xarumaha Maxkamadaha, waxa la kordhiyey mushaharka garsoorka oo waxa ay ku jiraan dadka ugu mushaharka fiican, waxan oo dhana waxa ay qayb ka yihiin in la hagaajiyo nolosha dadka garsoorka ah, lana qurxiyo degaanka ay ku shaqaynayaan si iyaguna ay caddaalad ugu falaan dadka, waayo, qofka marka xaaladiisu fiican tahay ayuu dadka caddaalad u samayn karaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan Xaaji Cali.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sheegay in digreeto uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal si ku-meel-gaadh ah maamulka shaqaalaha iyo miisaaniyadda Maxkamadaha hoose ee dalka loogu hoos geeyey Wasaaradda Caddaaladda sannadkii 1996-kii, xiligaas oo ahayd ka hor aftidii lagu ansixiyey dastuurka Somaliland sannadkii 2001-kii, kaasoo dammaanad qaaday madaxbannaanida garsoorka, balse 21 sanno kadib lagu guulaystay in Maxkamadaha hoose laga hoos saaro Wasaaradda Caddaaladda oo ka mid ah hay’adaha xukuumadda.