Araweelo News Network
Mogadishu(ANN)-Gaari Taangi ah oo ay wateen ciidamada Uganda ee AMISOM, ayaa dul maray gaadhi nooca Basaska ee Caasiga ah oo marayay deegaanka Calamada oo jihada Galbeed kaga beegan magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Dadka deegaanka ee goobta ka dhowaa, ayaa sheegay in gaadhiga ay wateen Ciidamada AMISOM uu dusha ka maray gaadhiga caasiga ah oo ay saarnaayeen dad gaadhaya 25 qof sida uu sheegay qofka kaliya ee kasoo samata baxay masiibadaa.
Khasaaraha Dhimashada ayaa gaadhay 18 qof, halka dhaawacyada qaar xaaladooda caafimaad laga dayrinayo, sida uu sheegay Agaasimaha iCusbitaalka Madiina oo warbaahinta u sheegay in dhaawacyada qaar ay xaaladoodu liidato.
Lama oga sababta shilkaa foosha xun ee uu sababay gaadhiga Ciidmaada AMISOM ee dhibaatada gaystay, kaas oo ka amba baxay dhanka magaalada Muqdisho, isla markaana kusii jeeday deegaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo dadka shacabka ah ee la socday gaadhigu usoo jeedeen dhinaca Magaalada Muqdisho.
Dadka deegaanka, ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM, aanay dhacdadaasi waxba ka bedelin oo ay iska sii wateen safarkooda, iyadoo aanay weli ka hadlin ciidamada AMISOM iyo masuuliyiinta dawlada Federaalka midna ka hadlin shilkaa iyo sababta keentay.