Guul-darradu ma aha shay lagu marmarsoodo in ay keento inuu qofku nolosha ka dhaco, balse waxa xaqiiq ah in qofku uu nolosha iska riday, haddii uu niyad jabo oo dedaal la’aan noqdo. Tusaale ahaan; waxa jira hoggaamiyayaal dunida soo maray oo noloshoodii hore adkayd qaar aan waxbarashada ku fiicnayn, balse aakhirkii noqday kuwa fahmay halka ay ku wanaagsan yihiin.
Madaxweyne Jamaal Cabdil Naasir waxa uu dalka Masar hoggaaminayey intii u dhexaysay sannadihii 1956 ilaa 1970, kaasoo loo yaqaan inuu ka mid yahay madaxweyneyaashii ugu wanaagsanaa ee dalalka Carabta soo maray. Waxa taariikhdiisa ku jirtay inuu lix jeer guul darraystay, gaar ahaan intii uu ku jiray sagaalkii sanno ee waxbarashada ku jiray, taas macnaheedu waa inuu lix jeer dhacay.
Madaxweyne Nasser ma uu jeclayn waxbarashada, balse wuxuu aad u jeclaa siyaasadda, taasoo uu 11 jirkiisii si toos ah u galay, sababtoo ah waxa uu ka qaybgalay markii uu da’daas ahaa mudahaharaadkii ugu horreeyey ee siyaasiga ah, isagoo waliba dugsiga dhiganaya. Markii uu sannadihii ugu dambeeyey ee dugsiga sare ku jiray waxa la diiwaangeliyey oo la soo tebiyaa inuu 45 maalmood oo kaliya dugsiga uu dhiganaayey tegay, balse sannadkii 1935-1936 wuxuu ahaa amma loo doortay Guddoomiyaha Guddida Ardayda Dugsiyada Sare ee Qaahira, wixii intaa ka dambeeyeyna wuxuu aad u xiisaynaayey inuu siyaasadda Masar gebigeedaba wax ka beddelo.
Si uu hamigiisa uga midha dhaliyo wuxuu 1937kii ku biiray Kulliyadda Ciidammada Masar (Egyptian Military Academy), muddo yarna wuxuu faraha kala baxay dhaqdhaqaaqyadii siyaasiga ahaa. Markii dagaalkii Labaad ee Adduunku dhacay waxa uu ka shaqaynayey uu ka mid ahaa saraakiil loo diray in ay dib-u-habayn ku sameeyaan millateriga, kadib 1949 waxa ay kooxdii uu ku jiray la baxeen Saraakiisha Xorta ah (Free Officers).
Waxa ay Saraakiishan Xorta ah ee uu hoggaaminayey abaabuleen hawlgallo millateri oo ay dalka Masar ku qabsanayaan, waxaana 23 July, 192 u hirgalay in ay dalka Masar Afgambi ku qabsadaan, iyagoo jeneral Muhammad Naguib ka dhigay Madaxweyne.
Khilaaf xooggan baa markiiba soo kala dhex galay General Naguib iyo Nasser, taasina waxa ay keentay in General Naguib qasab ay ku noqoto inuu is casilo 23 February 1954kii. Sidaa darteed, Nasser waxa uu markiiba ku dhawaaqay inuu dalka Ra’isal-wasaare ka yahay, balse mudaharaadyo ballaadhan oo dhacay aawadeed waxa qasab ku noqotay Nasser inuu qabto doorasho xor ah. Naguib waxa uu fursad u helay inuu ku guulaysto doorashada, dibna ula soo noqdo xukunkii, kadib waxa qasab noqotay in Nasser is casilo.
Intii uu Nasser xilka haystay waxa uu tirtiray meeshana ka saaray saraakiishii taageersanayd Naugib, taasina waxay fududaysay in October 1954 uu Nasser xilka ka tuuro Naguib, kadibna uu dalka ku soo rogo xukun millateri. Kadib, waxa uu ku dhawaaqay in 1956 uu Madaxweyne ka yahay dalka Masar.
Nasser waxa uu sameeyey khaladaadyo aad u culus sannadkii 1967kii, gaar ahaan inuu galo dagaalkii la odhan jiray Lixda Maalmood (Six Days War) ee Israel guulaysatay. Carqaladaha dagaalkan keenay waxa uu sababay inuu is casilo, laakiin aakhirkii waxa xukunka dib loogu soo celiyey, kadib markii shacabku dhigeen mudaharaad ballaadhan oo ay ku doonayaan inuu xilka dib ugu soo noqdo, waxaannu dalkaas ka talinaayey ilaa 1970 intii ka dhimanaayey.