Araweelo News Network
In ka badan 5.6 milyan dadka Sucuudiga ah – 3 milyan oo rag iyo 2.26 milyan haween – ayaa ilaa hadda guursan dalkaas, sida lagu sheegay xog-ururin uu sameeyey xafiiska Tira-koobka Guud ee Sucuudiga (General Statistics Authority), kadib markii uu sameeyey daraasad toddobaadkii dambeeyey sannadkii 2016.
Xog-ururin kaloo uu diyaariyey wargeyska Al Watan Arabic oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa muujisay in celcelis ahaan da’da ragga aan guursan boqortooyada Sucuudiga ay tahay 40 jir, halka haweenka aan guursan da’doodu celcelis ahaan tahay 36 jir.
Haweenay Sucuudiga u dhalatay oo magaceeda ka gaabsaday, ayaa sheegtay in qoysaska waddankoodu oggol yihiin in inantooda la guursado marka ay dugsiga sare dhammaysato amma ay sidaa u gasho uun.
“Waxaan go’aansaday inaan guursado marka aan qallin-jebiyo. Markii aan 19 jir ahaa gabadh baa ii timi, kadibna waalidkay i waydiisay si ay telefoon ugala hadasho guurkayga oo wiilkeeday ii doonaysay, kadib waxa naga soo dhex gashaygabadh kale oo ku tidhi; gabadh kale udoon wiilka oo tan iska daa ma jecliye, mana illaawayo gabadhaas hadalkeeda inta aan noolahay, waayo waxa laga yaaba in aan hadda ahaan lahaa xaasle amma hooyo saddex ubada leh,” ayey u sheegtay wargeyska Al Watan.
Sidoo kale, nin 37 jir ah oo xog-ururinta laga qaaday ayaa sheegay inuu raadiyey gabadh ku habboon, balse ay habluhu diideen da’diisa awgeed. Waxa uu sheegay inuu waxbarasho doontay, waqtina aannu u helin inuu guursado, laakiin markii dambe ee uu waxbarashada doontay ay ku adkaatay inuu helo gabadha uu doonayey.
Waxa kale oo rag xogtan laga qaaday sheegeen in aan lacagtu muhiimad ahayn, balse waxa keenay guur yaraanta ay tahay in qodobo badan lagu kala duwanaado.
“Dhallinyarada qaar ka mid ah waxa ay diyaar u noqonayaan guurka, balse waxa dib u dhigi doona arrimo bulsho amma qoys ahaaneed. Haweenka tuulooyinka deggan guur xilli hore ma helaan, sababtoo ah qoyskooda ayaa siyaabo kala duwan xooggeeda u isticmaala, tusaale ahaan in ay adhiga u raacdo. Haddii ay guursatana qoyskooda dhibaato soo foodsaarta,” ayuu yidhi mid ka mid ah ragga xog-ururinta qaybta ka ahaa.
Sidoo kale, hablo da’yar oo daraasaddan ka qaybgalay, ayaa xusay in haweenka badankoodu diidaan in ay gurusadaan ragga haddii da’doodu dhaafto 35 jir, xataa hadduu buuxiyo shuruudo badan oo ay doonayaan. “Guur la’aanta da’daas waxa ay keentaa su’aalo badan oo shaki leh sida inuu xannuunsanayo amma aannu dhaqan ahaan wanaagsanayn,” ayaa ka mid ahaa doodahooda.
Al Watan xog-ururintiisa waxa uu ka qaaday 1,225 qof oo 80 rag yihiin, 520 dumar. Waxa ka soo baxday xogtan in celcelis ahaan da’da Sucuudiga aan la guursan ka bilaabanto 36.4 sannadood haddii dumarku jiraan, halka raggana ay tahay 39.9 jirka.