Araweelo News Network

Ambassador Cawil Cali Ducaale photo file

Ambassador Cawil Cali Ducaale photo file

Hargeysa (ANN)- Siyaasiga caanka ah ee Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa talooyin dhaxalgal ah oo ku saabsan doorashooyinka ku soo
fool leh dalka u jeediyey dadweynaha iyo siyaasiyiinta reer Somaliland.
La-taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee ictiraaf-raadinta iyo arrimaha wadahadalka Somaliland ee Soomaaliya Amb. Cawil waxa uu is-barbardhig ku sameeyey xamaasadda ku ladhan tartanka axsaabta ee xilliga doorashooyinka iyo muhiimada ay leedahay ilaalinta wadajirka ummadda iyo qaranimada Somaliland ee taariikhda xannuunka badan loo soo maray, waxaannu u hogo-tusaaleeyey shacabka in aanay doorasho hal maalin oo keliya ahi ilowsiin taariikhdii ay soo mareen iyo tacabka badan ee kaga baxay Qarankan curdinka ah.
“Waxa foodda innagu soo haysa doorasho Madaxtooyo oo culayskeeda leh, doorashooyinka xamaasad iyo xag-xagasho siyaasadeed bay leeyihiin oo dareenno ayey abuuraan had iyo jeer, doorashana ogaada waa maalin qudha oo ah lixda Subaxnimo ilaa lixda Maqribnimo, markaa in arrin qaadanaysa ama ku siman hal maalin oo keliya maaha inay innaga dhaawacdo nolol-wadaagii iyo isku duubnaantii ummaddeenna, Xaasha maaha. Ummaddeenu waa dad bisil oo doorasho way soo arkeen, tan soo socotana waxaan aaminsanahay inay si nabad ah innoogu dhacayso oo qof waliba codkiisa murrashaxa uu doono ha siiyo, laakiin in uu buuq la’aan ku siiyo weeye, waayo shakhsi waxa ka qiimo badan ummadda iyo dalka, shakhsiga lama qiimeeyo ee waxa la qiimeeyaa ummadda iyo dalka, anigu shakhsiyan weligay kama hor iman madaxweyne la doortay Somaliland laga soo bilaabo Cabdiraxmaan Axmed Cali, Maxamed Ibraahim Cigaal, Daahir Rayaale oo aan ka mid ahaa dawladda iyo Madaxweyne Siilaanyo, yaan shakhsi kuu muuqan oo dareenkaad ka qabto qof yaanu ku ilowsiinin ummadda iyo dalka iyo halka la soo gaadhay,” ayuu yidhi Amb. Cawil oo hadal ka jeediyey xaflad shirkadda daabaacadda ee SAGALJET ugu dabbaaldegtay sannad-guuradeeda 10 ee ka soo wareegtay aasaaskeeda oo lagu qabtay Hargeysa habeenimadii Jimcihii.
Waxa kaloo uu ku boorriyey waxgaradka iyo aqoonyahanka reer Somaliland inay ka wadashaqeeyaan sidii loo xakamayn lahaa dadka ay madax-marto xamaasadda xisbiyadu, isla markaana waxa uu ku dardaarmay in la joojiyo qabyaaladda dib u soo noolaatay, waxaannu yidhi, “Sida adduunwaynahaba ka jirta axsaabtu waxay leeyihiin dad xamaasadda iyo qiirada xisbigu madax-martay, waxa loo baahan yahay in raggaas xamaasaddu hayso aynu xakamayno oo hadalladoodu aanay xajiin innagu abuurin, inteenna caawa halkan fadhida (xafladda uu khudbadda ka jeediyey) in aynu ka hawlgalno sida aynu axsaabta iyo madaxda wax ugu sheegayno, waxaad moodaa in aynu qabiilkii dib ugu noqonay ee in aynu is xasuusinno 1960-kii waxaynu noqonay ummaddii ugu horreysay ee intay calan heleen oo dawlad heleen oo afartan dawladood ictiraafeen intay calankii laalaabeen geeyey meel aanay weligood arkin.”
“Taariikhdu way soo wareegtaa ee maanta lixdankii oo kale ayeynu taaganahay, yaanay doorasho maalin qudh ahi inna ilowsiinin halkaynu maanta soo gaadhnay, waxaannan qabaa in ay imtixaan ahayd wixii aynu soo marnay, Ilaahay calankuu ku siiyey ayuu kugula xisaabtamayaa, waxa uu kugula xisaabtamayaa caafimaadkaaga, maalkaaga ayuu kugula xisaabtamayaa. Maanta meel fiican baynu maraynaa ee in aynu ilaashanno isku duubnaanteenna, dawladnimadeenna, horumarkeenna, doorashadaana dadkeenna ka dhaadhicinno in sidii caadada inoo ahaan jirtay nabad ku dhammaysanno, ogaadana ninka kursiga ku fadhiisanayaa xagga Ilaahay buu ka qoran yahay iminkaba ee innaga dadaal ayuun baa la innaga doonayaa ee orodkaasi aan qiimaha ku fadhiyin yaanu ina taraarin,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil).