Araweelo News Network

BaydhaboBaydhabo(ANN)Afartaneeyo qof oo u badan Caruur iyo Haween, ayaa u dhintay Cudurka Daacuunka oo ka dilaacay magaalada Baydhabo, iyadoo boqolaal qof la dhigay Cusbitaalka Magaalada.
ayaa sheegaya in cudurka shubanka uu ku dilay boqolaal qof oo isugu jiro carruur iyo dad waaweyn.

Saraakiisha caafimaadka magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in maalmihii khamiista iyo jimcaha uu cudurka shubanka ku dilay magaalada 35 qof oo carruur u badan, isla markaana tiro ka badan Boqol qof la dhigay Cusbitaalka oo lala tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Saraakiisha Caafimaadku waxay sheegeen in habeenkii Khamiista soo galaysay 7 qof oo dhammaantood ahaa dad qaangaadh ah cudurku ku dilay xaafadda Mursal, halka isla maalintii khamiista uu 20 qof ku dilay xaafadda ADC-da, sidoo kale xaafado kaabiga ku haaya Cusbitaalka weyn ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof, isla markaana ay jiraan dad kale oo ku xanuunsanaya xaafadaha kale ee magaalada.

Sidoo kale Saraakiisha Caafimaadka, ayaa sheegaya in Boqolaal qof oo cudurku soo ritay ay jiifaan Cusbitaalka magaalada Baydhabo, iyadoo aanu awoodin Cusbitaalku inuu daryeelo dadkaa oo aany jirin adeeg fiican oo uu hayaa.
Xanuunka daacuun caloolaha, ayaa soo bilawday wixii ka dambeeyay bishii December 2016, wuxuuna gallaaftay nolosha tobaneeyo qof halka boqolaal kale ay il daranyihiin, waxayna saraakiisha Caafimaadku sheegayaan in Tirakoob hordhac ah oo la sameeyay uu sheegayo in ugu yaraan 130 qof ay celcelis ahaan cudurka u dhinteen, balse wali waxaa socda la tacaalidda dadka uu soo ritay cudurkani sida ay sheegeen wararka laga helayo saraakiisha Caafimaadka Baydhabo.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sababta keentay cudurka ku tilmaamay ceelasha biyaha oo biya yareeyay xiligan, iyadoo sida ay sheegeen xaafado katirsan magaalada dadka deggan ay cabaan biyo lagu dhaamiyay Gaari dameer, biyahaas oo laga dhaamiyay ceelal gaa-gaaban oo laga dhax qoday isha Baydhabo, waxayna Dhakhaatiirta caafimaadku uga digeen dadka shacabka ah in ay cabaan biyo aan nadiif ahayn.