Araweelo News Network
dharkalamamnuucayhablaha

Golaha Sare ee Dugsiga Top Valley Academy oo ku yaal magaalada Nottingham ee dalka Ingiriiska, ayaa ka mamnuucay hablaha in ay xidhaan dhar ku dhegsan, qofka lagu qabtana waxay ka soo saareen go’aan keeni kara in la eryo gebi ahaanba goobta waxbarashada.
Waalidiinta ubadkan oo aad uga cadhooday gabdhahooda digniinta lagu siiyey in dugsiga laga saari doono hadday dib u soo xidhaan dhar ku dhegsan.
Dugsigan waxa uu arday aad u tiro badan ka mamnuucay in ay xidhaan dharka aadka u dhegsan, gaar ahaan saraawiisha, kadib markii ay xeer-anshaxeed ka soo saareen golaha sare ee dugsigan maamula.
Mss. Emma Norman oo 16 jir ah dugsigan dhigata ayaa macallimiinteedu uga digeen inay iskuulka ku timaad surwaal aad ugu dhegsan iyo dhar jidhkeedu ka muuqdo, iyagoo ugu hanjabay haddii dib loogu arko arrintaas ay waayeyso waxbarashadeeda, waxaanay waalidiin badan la qateen macallimiinta in ardayda laga beddelo dharka ku dhegsan iyo dhaqannada xun-xun ee kale.
Arday badan oo laga mamnuucay in ay dharka dhegsan xidhaan ayey ku adkaatay in ay iska beddelaan dabeecaddaas maadaama ilaa carruurnimadoodii ay xidhnaayeen dhar nocaas ah.
Sidoo kale, waxa jira arday badan oo tallaabada iyo go’aankaas u hoggaansami waayey oo loo diiday fasallada waxbarashada galaan, halka kuwa kalena lagu ganaaxay in ay ka maqnaadaan imtitxaannada muhiimka ah qaarkood.
Waalidiinta ardayda wax ka barta dugsigaas, ayaa sheegay in go’aankan la gaadhay markii dabbaaldegga Kirismasku dhammaaday, iyagoo horena dhar caadi ah ugu tegi jiray dugsiga, ilaa haddana aanay garanayn sababta kelliftay in ubadkooda laga mamnuuco dhar hore aan sharci-darro u ahayn.
Waxa ay qaar badan oo waalidiinta ka mid ah ku adkaysanayaan in ubadkoodu ku tagaan dharka qaaqaawan, laakiin guddida dugsigan maamusha way ku adkaysatay mamnuucidda dharkaas ku dhegsan, gaar ahaan gabdhaha.