Run Dabadeed (Post-Truth)!
(Dhaxalkii Sannadka 2016)
(Faaqidaad) Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Hassan Omar HorriSannadkii tegay 2016 waxaa loo arkay mid aad u kadeed badnaa. Sidaa awgeed, qof kastoo waxgarad ah waxa uu ka ducaysan jiray harraatidiisa. Hooggu kuma uu koobnayn falalkii argagaxiso ee ka dhacay Xalab (Suuriya), Kabul (Afghanistan), Baqdaad (Ciraaq), Lahore (Pakistan), Nice (France), Brussels (Belgium), Orlando (Maraykan), iyo meelo kale oo badan, isla markaa, godobtu gaar u ma ahayn Kooxda Daacish.
Xumaantuna kuma ay ekayn in ay soo ifbaxeen madaxda jaro-qabadka xun, sida Trump (Maraykan), Farage (Ingiriis), Le Pen (France), Fillon (France), Duterte (Philipine), Al Assad (Suuriya), Cabbaadi (Ciraaq) iyo kuwa ay soo gardaadiyeen ee ka ganacsada dir-nacaybka, isir-sooca, iyo diin ta-koorka, isla markaana dhibaatadu kama ay dhalan keliya inuu Maraykanku ka gaabsaday xasuuqa lala beegsaday dadyowga qaarkood. Jabkuna ma ahayn mid loo aanayn karo keligii Ruushka madaxa la soo kacay oo xabbaddu ka soo horrayso. Sidoo kale, keli kuma uu ahayn waxyeelada Shiinaha u halgamaya inuu isu muujiyo quwad aan la loodin karayn.
Hase yeeshee, xaggan iyo xaggaaba, waxa sartu ka qudhuntay markii “Run dabadeed” bulshada caalamka inteeda badan indhaha ka qarsadeen xaqiiqda, dhegahana ka furraysteen dhabta iyo erayga xaqqa ah; markii warbaahinta caalamka, sida wargeysyada, idaacadaha iyo telifiishannada ay hafisay warbaahinta bulshada, sida degelada internet, Facebook, Twitter iyo Youtube, kuwaas oo lagu faafiyo warar ku-tiri-ku-teen ah oo wax-ma-garatadu ama wax-yar-garatadu ay run u qaataan, kuna dhaqmaan; markii dal kasta kor uu sabbeeyay siyaasi aan damiir lahayn, aqoonyahan aan aragti fog lahayn iyo hoggamiye aan dan guud u taagnayn, kuwaasoo bulshada ku haasaawiyay colaad, nacayb iyo aargoosi aan sal iyo raad lahayn.
Haddaba, maxaa la yeeli karay haddii shacabkii qoonsaday sida dunidu u socoto? Haddii dadweynihii uu tebay isbeddel yimaad? Iyo haddii dadkii ay “Beenta” ka jecelaysteen “Runta”?
Sannadkii tegay waxaa uu ka tegay, bulshada inteeda badan in ay arrin kasta u akhriyaan sida guracan oo ka fog runta biyo kama dhibcaanka ah, waxana laga dhaxlay arrimuhu in ay u dhacaan guraca loo akhriyay oo aanu suurayn karayn garaad bed-qaba ama aqoonta suubban.

arabta

Waxa ay ahayd “Gu’gii Carabta” ee lagu afgembiyay talisyadii mucangagga ahaa ee Xusni Mubaarak (Masar), Mucammir Qaddaafi (Liibiya), Cali Cabdalla Saalax (Yeman), Bin Cali (Tuunis), isla markaana, lagu sigay Bashaar Al Assad (Suuriya). Dalalkaa waxaa laga filayay in ay runta abbaaraan, kuna tallaabsadaan isbeddel u horseeda nabad, nolol iyo horumar ay kaga nabsi baxaan hooggii iyo guuldarrooyinkii laga soo maray keli-talisyadii ay iskaga xoreeyeen in loo sadqeeya kumanyaal naftood hurayaal ah.
Hase ahaatee, yaa filayay dalkii Masar in uu ku dambeeyo duruufo ka sii qallafsan kuwii taliskii Xusni Mubarak? Madaxweyne Maxammed Mursi oo doorasho xor ah lagu soo doortay waxaa kursiga ka tuuray askari uu ka soo qaaday meel hoose, gacantana u geliyay hoggaankii ciidanka!
Madaxweyne Mursi waxa lagu xasuustaa inuu Yahuudda iska hortaagay colaaddii ay ku xasuuqayeen shacabka Daanta Qassa ee Falastiin, isla markaana waxa uu isu furay soohdimahii Masar iyo Falastiin si uu u jebiyo derbigii cunaqabataynta Israa’iil.
Run dabadeed, ayaa filayay Masar inuu dhaxlo Madaxweyne si liidata ugu adeegaya Yuhuudda, kaasoo xidhay dhuun kasta oo shacabka Falastiin loo soo marin lahaa baahidooda aasaasiga ah? Yaa filayay dalka ugu weyn dunida Carabta, Masar, Madaxweynahoodii Cabdifataax Al-siisi inuu kabo-qaad u noqdo Yuhuud iyo inuu si aan reebasho lahayn xabbad uga la hortago cid kasta oo u adeegta Qaddiyaadda Qudus, Qibladdii Kowaad iyo Masjidka saddexaad ee Muqadiska ah?
Run dabadeed, ayaa rumaysan kara, markii laga tuuray xukunka Cali Cabdalla Saalax inuu dadkiisa u soo horkaco Shiicada Xuutiyiinta oo uu la dirirayay 20 sannadood, isagoo xasuuqay, gaadhsiiyayna fiinta ugu sarraysa ee nacayb, nac iyo colaad ay u qaadaan shacabka Yemen?
Run dabadeed, ayaa saadaaliyay Liibiya inay ku dambayso colaad, burbur iyo xasillooni-darro ka dib markii dagaal-oogayaal u kala qoqobeen gobolo mid kastaa uu ku taamayo inuu kan kale dhulka la simo?
Run dabadeed, ayaa ku seexday Madaxweyne Erdogan (Turkigu) in uu la bahoobo dhiigyacabka dadkiisa gumaaday, Bashaar Al Assad, Madaxweyne Putin, Shiicada Iiraan iyo maleeshiyada Xisbullah, kuwaas oo muddo 5 sannadood ah ay dhex miranaysay colaadda ugu xun?
Run dabadeed, ayaa maalayn karay inuu Ruushku sidii uu rabo ugu gooli-baadho maatada Xalab ee gulufku ragaadiyay iyo in ay dunidu ku daawato gabboodfalka lagu la kacay shacabka Suuriya?
Run dabadeed, Ingiriiska oo ka mid ahaa dawladaha fara-ku-tiriska ah ee ka taliya dunida, gaar ahaan, isagoo safka hore uga jiray qaaradda Yurub, ayaa saadaalin karayey in shacabkiisu uu ka codeeyo midnimadii Yurub, iyagoo ka doorbiday in ay go’doon noqdaan? Talo xumadaasi, waxaa hubaal ah in ay u horseedi doonto burbur aan laga waaqsan karayn.
Run dabadeed, ayaa aaminsanaa Donald Trump in loo dooranayo Madaxweynaha Maraykanka? Trump waxa la isku raacay inuu yahay qof ka arradan bar kasta oo lagu garan karo hoggamiye qaran, waxaana la sii odorosay inuu dalkiisa u hoggaamin doono burbur iyo dib-u-dhac.
Dhinaca kale, Muslimka tirada yar ee Rohinghya waxa si ba’an loogu gumaadaa dalkooda Myanmar (Purma). Si loo qaxiyo degaamo dhan ayaa dad iyo duunyaba dab la qabadsiiyay. Run dabadeed ayaa suurayn karay in looga sii daro markii talada dalka ay gacanta ku dhigtay haweenayda Aung San Suu Kyi oo hore loogu abaalmariyay Billadda Nabadda ee Nobel-ka? Aung San Suu Kyi waxaa loo haystay qof u ololaysa dimoqraadiyadda iyo xuquuqda dadka. “Dulmi-diide, dulmi-donaa la arkee!” Aung Sun, waxa ay muddo 15 sannadood ah ku xidhnayd gurigeeda, iyadoo ka dhiidhiday ciidammadii dalka ka talinayay dulmigii ay ku hayeen dadkeeda.
Dhacddoyinkaa murugada leh iyo kuwo ka sii badan ayaa laga dhaxlay sannadkii tegay taasoo ay keentay markii dadku ay dhegaha ka gufaysteen, indhahana kor uga laliyeen “Runta” aan lagu dabooli karayn baabacooyin iyo warar been-abuur ah oo ka soo burqanayay degelada bulshada (Social media). Arrimahu sidaas u ma ay dhaceen haddii bulshadu ku go’aan qaadan lahayd xaqiiqada.
Sidaa darteed, erayga “run-dabadeed” (Post-truth) ayaa noqday waxa ugu dhow oo lagu tilmaamsan karo wixii sababay aafooyinkii gacan-ku-abuurka ahaa ee dunida ku habsaday sannadkii 2016. Eraygu waxaa uu ku soo biiray afafka dabayaaqadii 2016, waxaana diiwaan-geliyay Qaamuuska Oxford ee milgaha leh, ka dib markii si baahsan loogu qaadaa-dhigay qormooyin lagu dhaliilayay sidii Ingiriiku uu uga xadhig furtay (Brexit) Isbahaysiga Yurub. Waxaa ay iska dhega tireen runta markii ay ku dhiiradeen in ay haadaan ka tuuraan dalkooda. Sidoo kale, Maraykanku waxaa ay doorteen Donald Trump, taasoo loo arko in ay dalkoodii qar ka sii laalaadiyeen..
Erayga “Run Dabadeed” markii ugu horraysay waxa uu ku soo arooray qormo uu Steve Tesich ku daabacay warsidaha ‘The Nation’ sannadkii 1992, qoraaga oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Serbia (Seerbiya) waxa uu ka faalloonayey Fadeexaddii Iiraan, kadib markii Maraykanku si qarsoodi ah hub uga iibin jiray Iiraan si loogu soo furto la-haystayaal lagaga qafaashay dalkaas. Arrintaas waxaa dafiray Madaxweyne Ronald Reagan. Markaa, waxaa uu qormadiisa ku tibaaxay, “haddii aan nahay dadka xorta ah, waxa aan si xornimo leh u go’aansannay in aan ku noolaano, kuna naaloonno waayaha “run dabadeed.”
Qoraagu waxa uu uga dan lahaa runtu in aanay wax qiimo ah ugu fadhiyin dadka xorta ah oo laga wado dadyowga dalalkoodu dhiirri-geliyaan in dadku si xor ah u hadlaan, una cabbiraan aragtidooda.
Gebogebadii, waxa xusid mudan fannaanka Maraykanka ah ee la yidhaah Stephen Colbert, kaasoo markii ugu horreeyey adeegsaday erayga ‘run-la’aan’ ama “truthiness” eraygaa oo Qaamuuska Oxford ku macneeyay ‘in la soo dhoob-dhoobo wax run u eeg’ si ay u rumaystaan waxyar-garatadu ilaa qofkii soo dhoobdhobay laftigiisu uu u maleeyo inuu run yahay.
Waxaa aan soo xusuustay maahmaah laga yaqaan gobollada Jubbada Hoose ee Somaaliya taasoo ahayd, “Run ha sheegin, been ha sheegin, waxaad sheegtona ha waayin.” Haddaba, dunida maanta waxaa ay eeday markii runta lagu daboolay buste madow, isla markaana, maro bafto cad ah lagu soo xambaartay been iyo dhalanteed. “Run dabadeed”, dunida maantu waxa ay eeday malo-awaal iyo ismoodsiis laga jeclaysto “Runta.”
Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac @horrimania