Araweelo News Network

lacagtadolarka

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa si rasmi ah Baanka Dhexe ugu wareejisay lacag dhan $5 milyan oo doollar oo qayb ah lacag ka soo xerootay shirkadda DP World ee maalgashiga ku samaynaysa dekedda magaalada Berbera.
Wasiir Samsam oo lacagtaas oo kaash ah ku wareejisay Baanka Dhexe ee Somaliland, waxa ay sheegtay in dhaqaalahaasi ku dhacay qasnadda dhexe ee dawladda, isla markaana sifo sharci ah loo maamuli doono marka ay soo xerooto $5 milyan oo doollar oo weli ku hadhsan shirkadda DP World.
“Heshiiskii dekadda Berbera ee aynu la galnay shirkadda DP World waxa uu dhigayey in marka ay dekedda la wareegayaan sannadka cusub ee 2017-ka inay bixiyaan $10 malyan oo doollar, markaa anaguna bajadka (miisaaniyadda) sannadkan 2017-ka ayaannu ku darsnay oo $10 malyan ee doolar, lacagtaasna shan milyan ($5,000,000) oo ka mid ah waa kuwaa imminka keenay oo waxay soo mariyeen Dahabshiil oo aannu aad ugu mahadnaqayno run ahaantii sida wanaagsan ee muwaadinimada leh ee ay noo soo gaadhsiiyeen iyaguna, 5ta malyan ee doolar ee kalena way keenayaan dhawaan insha Allaah,” ayey tidhi.
Waxa ay intaas ku dartay, “Lacagta ay na soo gaadhsiisay DP World annaguna waxa aannu ku wareejinaynaa Baanka Dhexe oo waxay ku dhacaysaa Accoun-ka la yidhaa Account 11, iyadoon akoon 11 lacag laga saari karin ilaa ay foojar ku dhacdo, iyadoo uu foojarkaasi xisaabaadka ka soo bilaabmayo oo Hanti-dhawrka soo marayo. Markaa lacagtan shanta milyan ee doollar ah waxa aynu la sugaynaa shantii milyan ee doollar ee kale oo iyaduna dhawaan sida qorshuhu yahay ina soo gaadhi doonta insha Allaah. Marka ay $10 ee doolar inoo wada yimaaddaan ayey dakhliga toos u galayaan oo immika 5 malyan ee aad arkaysaan Baanka Dhexe ayaa xeraynaya oo la wareegi doonaa.”
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Maxamed Cabdi Dhoobaale oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in lacagta ka soo xerootay shirkadda DP World ay soo martay sifihii sharciga ahaa oo dhan.
“Lacagtaas shanta milyan ee doolar ee aad arkaysaan waa dakhli dawladeed oo waxay ka soo xarootay DP World, iyadoo nidaamka la sheegay soo martay ee Dahabshiil ilaa cashuuraha barriga, isla markaana waxay ku dhacaysaa akawn 11 oo dakhliga dawladda dhexe ku soo dhacdo, iyadoo sida Wasiirku sheegtay sifihii sharciga ahaa uga baxaysa oo soo maraysa xisaabaadka ilaa Hantidhawrka, markaa waxaanu bulshada u sheegaynaa uun in lacagtaas horaanteedii ay na soo gaadhay oo aanu kala wareegnay Wasiirka Maaliyadda,” ayuu yidhi Guddoomiye Dhoobaale.
Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Mr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad), ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyey muhiimadda lacagtaasi u leedahay qaranka Somaliland.
“Maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 2 January 2017, waxa na soo gaadhay lacag ka timmi shirkadda DP World ee la wareegtay maamulka dekadda magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isla markaana lacagtaas oo ah 5 milyan oo doolar oo ah intii hore ah sida ballantu ahayd oo naloogu soo diray xawaaladda Dahabshiil oo TFG-deedu ay xisaabiyaha guud soo martay ayaanu ku wareejin doonaa qasnajiga Bangiga Dhexe ee Somaliland,” ayuu yidhi Mr. Cawad.