Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo ka mid ah culimada Somaliland, ayaa talooyin muhiim ah u soo jeediyey siyaasiyiinta axsaabta qaranka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland.
Sheekh Cabdillaahi Barbaraawi waxa uu u soo jeediyey siyaasiyiintu iska ilaaliyaan hadallada dhaawaca midnimada ummadda iyo dalka ee ay ka mid tahay soo noolaynta taariikh hore looga soo gudbay, “Siyaasiyiinta waqtiga lagu jiro ololaha doorashooyinka iyo tartanka hadallo faro badan ayey yidhaahdaan, laakiin waxa waajib ku ah inay ka fiirsadaan waxay odhanayaan iyo tallaabooyinka ay qaadayaan oo ay iska ilaaliyaan wixii diinteena muqadaska ah ee xagga Ilaahay innooga timi dhaawacaaya, wixii waddankeena waxyeelaya. Arrimahaas waxa ka mid ah hadallada xanafta leh ee taariikhda galaya ee qofka laftiisa hadhow fool-xumo ku noqonaya ee hadhow isagu laftigiisu marka uu dib u maqlo ee xaaladan marka laga guuro xaaladuhu way is-bedbeddelaane inuu ka murugoodo oo uu yidhaahdo, ‘kalmaddaas maxaa kaa yeedhsiiyey?’ sabab u noqonaaya.
Waxa ka mid ah isku dilka dadka in la iska horkeeno qabaa’ilka, in dib loo soo kaakiciyo waxyaabihii xummaa ee Ilaahay (SWC) ummaddan uu ka daweeyey iyo marxaladihii aan wanaagsanayn ee madoobaa ee la soo dhaafay in ummadda dib loo soo xasuusiyaa ama loo soo kaakiciyaa waa wax qaldan. Ciddii qalad samaysayna inay Ilaahay uga toobadkeenaan baa waajib ku ah, wixii ummadda Ilaahay sharkiisii dhaafiyeyna in dib loogu celiyo oo dib loogu kaakiciyaana waa arrin aan bannaanayn oo xaaraan ah,” ayuu yidhi Sheekh Cabdillaahi Barbaraawi oo la hadlay telefishanka Bulshotv.
Waxa kaloo Sheekhu ku baaqay in laga waantoobo waxyaabaha caqabada ku ah baryada Alle ee sabab u noqon kara sii socoshada abaarta adag ee haysata dalka, waxaannu yidhi, “Waxyaabaha ducada in la aqbali waayo sababa iyada oo qofku Ilaahay uu baryaayo oo uu dhibaataysan yahay aad bay u badan yihiin, waxa ka mid ah; xaaraanta uu qofku isticmaalayo, qalbigiisa oo sii jeeda inuu Ilaahay carrabka uun ka baryo, dadka quluubtooda oo aan isu soo jeedin ee sii kala jeeda, cuqdad adduunyo ka kacday iyo dano gaar ah inay dadku qalbiyada isugu hayaan. Xaalku intuu sidaa yahay Ilaahay duco aqbalimaayo, markaa waxa waajib innagu ah, laabaha inaynu isku xaadhanno, wixii dano adduunyo ee xalaal ah qof weliba dantiisa waa wadanayaa, laakiin inay keento maaha cuqdad inay dadka dhex dhigto iyo cadaawad quluubta ku jirta, taasi waxay ka mid tahay waxyaabaha sababa ducadaas faraha badan ee aynu sameynayno in Ilaahay innaga aqbali waayo,” ayuu yidhi Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi Barbaraawi.
4