Hargeysa ANN)- Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa ka digay faafinta hadallada iyo wararka kicinta ah ee ku saabsan baadhista kiiska eedaysanayaal loo qabtay weerar lagu qaaday Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme toddobaadkan.
Taliska guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa shaaciyey inay qabteen laba nin oo ku eedaysan falal xilli habeenimo ah lagu weeraray saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI, gaar ahaan Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada, isla markaana baadhis lagu hayo kiiskooda.
Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa ka digay in la faafiyo arrimo ku saabsan kiiskan ka hor inta ay socoto baadhista ciidanku.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxaan u soo jeedinayaa bulshada reer Somaliland iyo cid kastoo arrintani khusayso in aanay baadhista ka hor-dhicin oo aanay ku kicin waxyaabo nabadgalyada khatar ku ah ama dadka oo la kicinayo, ciidanka boolisku waa naftood-hurayaal ay shacabka reer Somaliland ku kalsoon yihiin oo ay la shaqeeyaan, laakiin waxaan leeyahay waar nin muraad lehow nabadgalyada dalka khatar ha galin, ha sheegin waxaan jirin, waa in laga warsugo ciidanka booliska ee gacanta ku haya amniga iyo baadhista kiisaska, haddii muwaadin lagula kaco fal sharciga ka dhan ah waa inuu u soo dacwoodo ciidanka booliska, isla markaana waa inuu baadhista ka war-sugaa, looma baahna inuu ka hor-dhaco baadhista isagoo ka war-sugin la helay ciddii falka kula kacday, in aan la helin iyo halkay wax marayaan.”
Taliyuhu waxa uu ku hanjabay in cid kastoo faafisa waxyaabo kicinaya nabadgalyada dalka laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, isla markaana ay baadhitaan culus ku hayaan kiiska eedaysanayaasha la qabtay, “Cid walba sharcigaa ka sarreeya, cid kasta oo faafisa wax nabadgalyada Qarankan khatar ku ah ama kicinaysa bulshada reer Somaliland tallaabo sharciga waafaqsan ayaa ciidanka Booliska ka qaadayaa, waxaan la horgaynayaa sharciga. Waxaan leeyahay ciidanka Booliska waxaa dhacay maxaad ka qabagteen xaq baa loogu leeyahay, laakiin waxaan leeyahay baadhista sideedaba lagama hor-dhaco.
Hawshaa (weerarradii xubnaha WADDANI) gacan adag baanu ku haynaa, baadhis adag baanu ku haynaa iyada iyo dhacdo kastoo dhacda, waana wax xaq naloogu leeyahay in aannu baadhis iyo dabagalba ku samayno,” ayuu yidhi Taliye Fadal.
Dhinaca kale, Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis, ayaa isna faahfaahin ka bixiyey labada eedaysane ee loo soo qabtay falka lagu weeraray masuulka WADDANI ka tirsan, waxaannu yidhi, “Boolisku waxay gacanta ku soo dhigeen eedaysane Khaliif Axmed Cali Cawaale, kaas oo lagu eedaynayey inuu u hanjabay dhibbane Maxamed Sidiiq Cabdillaahi oo loo yaqaanno Dhamme intaan falku dhicin karo, baadhistii boolisku wadeen waxa nooga soo ifbaxay oo boolisku gacanta ku soo dhigeen Cabdikariin Cabdillaahi Ismaaciil Rigaax oo isna lala xidhiidhinayo inuu fal-dambiyeedkaas lug ku leeyahay, isagana waanu soo qabanay oo wuu xidhan yahay, labadoodaba kiiskooda si mug leh ayaa loo baadhayaa, waxaanna si degdeg ah loo horgayn doonaa maxkamadda iyo xeer-ilaalinta awoodda u leh.”