Araweelo News Network
Mogadishu(ANN) Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ee xarunta Dawlada Somalia, ayaa sheegaya in ugu yaraan todobo qof oo isugu jira askar iyo dad rayid ah ay ku dhinteen iska hor’imaad ciidammo kawada tirsan dawladda Soomaaliya ku dhexmaray agagaaraha deegaanka Xawaadley ee duleedka degmaa Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka dagaalka ayaa dhacay, wuxuuna sababay in sidoo kale iska hor’imaadkaasi ay ku dhaawacmeen kow iyo toban qof oo isugu jira askartii dagaalku dhexmaray iyo dad rayid ah oo goobta ka dhowaa.
Dhinaca kale Askari ka tirsan ciidanka canshuuraha ee dawladda Hoose ee Muqdisho ayaa labo qof oo rayida ku dilay saaka suuqa degmada Wadajir.
Askarigan ayaa dhaawacay qof kale ka hor inta aanu goobta ka baxsan sida ay waraabinta maxaliga ah u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Ciidanka Booliska ayaa ku raad jooga askariga dilka gaystay sida ay sheegeen saraakiisha boolisku.
Lama oga sababta dhabta ah ee dhalisay dagaalkan ciidamadu iskaga hor yimaadeen, balse xiisadiisa ayaa laga dareemayay deegaanka labadii maalmood ee ugu danbeyeey, waxyna dhacdooyinkan muujinayaan arrimaha amniga ee sii xumaanaya, iyadoo Xukuumadda Somalia awoodi weyday inay gacanta ku dhigto amaanka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.