Araweelo News Network
Qormada 4aad
Sidi Masoodigii Adoni:
Degaanka Adoni waxa uu ku yaal degmada Kurnool oo ka mid ah Gobolka Andhra Pradesh ee dalka Hindiya, qarnigii 15aadna waxa uu ka mid ahaa boqortooyadii Vijayanagar Empire. Markii boqortooyada Vijayanagar dhacday waxa ay magaaladani u gacan gashay saldanaddii Bijapur Sultanate. Intii ay ku jirtay gacanta boqortooyada amma saldannada Vijapur waxa Adoni heshay mid ka mid ah maayirradii ugu wanaagsanaa oo ahaa Siddi Masood Khan.
Mr. Masood waxa uu ahaa ganacsade hanti badan oo ka soo jeeda Itoobiya (Abyssinia). Waxa kaloo uu ahaa sarkaal Muslim ah oo ka tirsana saldanadda Bijapur, gaar ahaan waxa loo xilsaaray inuu maamulo degaanka Adoni oo ahayd goob aad u khayraad badan, laakiin u baahnayd cid ka shaqaysiisa. Waxa uu degaankan ka hirgeliyey dhismayaal aad u caan ah, sida masaajidka Shahi Jamia Masjid.
Marka laga yimaad dhismayaasha aadka u quruxda iyo tayada waaagsan, sidoo kale wuxuu caan ku noqday inuu magalaadaas ka hirgeliyo goobo aad u qurux badan oo sawirradooda ilaa hadda aad loo daawado. Waxa taariikhyahannada qaar ku dooda in ay macquul tahay inuu ahaa ninkii dhisay dugsiga Adoni, nashqaddiisana sameeyey, sababtoo ah waxa uu la jaanqaadayey hannaankii saldannada Bijapuri dhismayaasha u hirgelin jirtay.
Xukunkii ninka Itoobiyaanka ee Adoni waxa uu soo gebageboobay markii boqor Aurangzeb uu qabsaday saldannadii Bijapur sannadkii 1686. Waxa taariikhdu xustaa in dagaalkii lagaga tuuray uu ka dhacay barxad masaajidka dhsmahiisa ah, waannu is dhiibay Siddi Masood, maadaama masaajidkaas aad ugu weynaa oo uu u baqay in dhulka lala simo amma burbur uu ka soo kaban waayo ku dhaco. Waxa uu Aurangzeb u magacaabay goobtaas Ghazi-din han sii badhasaab uga noqdo, una beddelo Siddi Masood.
Taariikhyahannada dunidu waxay wali la yaabban yihiin oo tahli kari la’ yihiin in ay soo ururiyaan, sugaana taariikhda hoggaamineed ee Afrikaan ku yeeshay dunida waqtiyadii hore. Waxa kaloo lagu doodaa in boqorkii ugu horreeyey ee boqortooyadii Sharqui Dynasty ee degaanka Jaunpur uu ahaa Itoobiyaan, gaar ahaan qarnigii 14aad. Sidaas la mid ah hoggaaminta Afrikaanku waxa ay ku baahday degaanka Sind iyo taariikhdiisaba. Ilaa hadda waxa la la’ yahay dukumantiyo dhammaystiran oo taariikhdan si sax ah u suga…. La soco….