Araweelo News Network

muuqaalkshirkagolahawasiiraddasomaliland
Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa soo bandhigtay Miisaaniyadii ugu balaadhnayd dhawr iyo labaatankii sanadood ee Somaliland jirtay, taas oo ku dhow 500 milyan oo lacagta dollarka ah, isla markaana ku dhowaad 3 bilyan oo lacagta Somaliland Shiling ah.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (SIIlaanyo) oo guddoominayay Shirka Golaha Wasiirada Somaliland oo manta ka dhacay Qasriga Madaxtooyadda, ayaa lagaga dooday mala-awaalka Miisaaniyada 2017.

Qoraal kazoo baxay kulankaa oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo lagu sharaxay Miisaaniyada sanadka 2017 iyo ilaha dakhligeedu ka imanayo, ayaa u qornaa sidan:-

“Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiislaha ahaa tirsigiisuna yahay 210 oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay xubnaha golaha wasiiradu duuduub ku ansixiyeen Dakhliga Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka, oo golaha la horkeenay maanta kana koobnayd2,175,104,355,662 oo shilin Somaliland ah una dhiganta doolar ahaan $ 362,517,393.

muuqalkashirkagolahawasiiradda2

Xubnaha golaha wasiirada ee fadhiyey shirkaasi oo dhammaan u gacan taagay meel marinta miisaaniyada, may jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona, waxaana sidaasi loogu gudbindoonaa miisaaniyada sanadka 2017-ka golaha wakiilada Somaliland oo iyagu ka gudan doona waajibaadkooda.

Miisaaniyaddani waa Miisaaniyaddii 25aad ee qarankan Jamhuuriyadda Somaliland yeesho,waxayna Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2016. Boqolkiiba 27.5%.” ayaa lagu yidhi qoraalka uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Xuseen Aadan Cige (Deyr).

Shaxda Dakhliga Miisaaniyadda 2017, ayaa u dhignayd sidan:

shaxdamiisaaniyada