Zurich- Switzerland (ANN)- Nin toogasho ku dhaawacay saddex qof oo ku jiray masaajid Islaami ah oo ku yaal magaalada Zurich ee dalka Switzerland, ayaa meydkiisa laga helay meel wax yar u jirta masaajidka.
Waxaa lagu sheegay inuu ahaa 24-jir u dhashay Switzerland, kaas oo loo doonayay dil ka dhacay agagaaraha magaalada Zurich maalintii Axaddii.
Ninka weerarka geystay waxaa uu rasaas ku furay masaajid Soomaalidu ku leedahay meel u dhow Saldhigga Tareennada ee magaalada Zurich.
Meydkiisa iyo qori ayaa mar dambe lagu arkay buundo hoosteeda oo u dhow halkaa. Boliisku waxay xaqiijiyeen inuu ahaa ninkii weerarka geystay qofka maydkiisa laga helay goobtaa.
Sidoo kale Boliisku waxay sheegeen in aanu ninkaasi dableyda ahaa wax xidhiidh ah la lahayn jihaad, isla markaana aanay fahmin sababta uu uu u doortay inuu masaajidka weeraro. Waxay weriyeyaasha u sheegeen in dhallinyaranimadisii lagu xukumay dagaal u galay iyo Mootooyin uu dhacay, isla markaana baadhitaan lagu sameeyay gurigiisana ay ku ogaadeen in ay ka buuxeen alaabooyin la xidhiidha tuuganimadaas.
DNA laga qaaday ayaa la mid noqotay raadad laga helay goobtii uu toorreyda ku dilay fagaare kubbadda lagu ciyaaro ee deegaanka Schwamendingen, oo woqooyi kaga beegan magaalada Zurich, maalintii Axaddii.
Warbaahinta dalkaasi waxay sheegtay in ilaa 10 qof ay masaajidka ku jireen markii uu ninka hubaysan dhismaha soo galay, isagoo xidhan dhar madow iyo koofiyad dhogor ka samaysan.
Saddexda nin oo ahaa dadkii weerarkaas ku dhaawacmay oo da’doodu kala tahay, 30 jir, 35 jir, iyo 56 jir, waxaa lagu daweeyay Cusbitaal, waxaana la sheegay in xaaladdoodu deggan tahay, sida ay boliisku shaaciyeen maanta.
Dadka masaajidka ku cibaadeysta waxay u badan yihiin dad ka yimid Soomaaliya, Eritrea iyo Waqooyiga Afrika.
Mid ka mid ah dadka halkaas ku tukada waxaa uu warbaahinta dalkaas u sheegay inay dadku aad u baqayaan.
“Carruurtayada ayaa dhammaadka toddobaad walba masaajidka tagta . Laakiin hadda ma hubo inaan halkan nabadgelyo ku haysanno,” ayuu yidhi