Araweelo News Network
Su’aalihii maraanmarka ahaa ee la weydiiyey markii la qabtay Madaxweynihii Ciraaq iyo jawaabaha uu bixiyey ee runta fashiliyey
Wakiil u shaqaynayey hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaan CIA-da, ayaa xog cusub oo uu baahiyey ku faahfaahiyey khaladaadkii xukuumadda Washington ka gashay duullaankii ay ku qaadday dalka Ciraaq sannadkii 2003 iyo dilkii markii dambe lagu fuliyey hoggaamiyihii waddankaasi ee Saddaam Xuseen, isagoo sidoo kale soo bandhigay qaabkii sirdoonku u waajaheen markii u horreysay ee godka laga soo saaray Madaxweyne Sadaam.
Sida lagu faafiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay, wakiil ka tirsanaa CIA-da Maraykanka oo la yidhaa John Nixon, ayaa sheegay in isaga loo xilsaaray in la kala caddeeyo in qofka la qabtay yahay Sadaam Xuseen iyo in kale, iyadoo qaybtii hore ee warbixintan ku soo baxday cadadkii Jamhuuriya ee shalay, waxaannu qormada labaad ku bilaabay sidan:
“Taariikhdu markay ahayd 13 December 2003, anigoo markaas joogay Ciraaq muddo siddeed toddobaad ah, kana shaqaynayey sidii loo heli lahaa dariiq suurtogeliya in la qabto Sadaam Xuseen, waxa la ila soo sameeyey si aan ula kulmo Buzzy Krongard oo ahaa Agaasimaha Fulinta ee hay’adda CIA-da, xilligaasna dagaalka lagu doonayey in xukunka lagaga tuuro Madaxweynihii Ciraaq waxa uu socday ugu yaqaan 9 bilood.
Waxa la ii sheegay in nin gadhweyn la baxay laga helay god hoos u qodan oo ku yaal degaanka Tikriit oo ah halka uu u dhashay Sadaam Xuseen. Markii la ii yeedhay waxa Agaasimaha CIA-da la joogay saraakiil sare oo sirdoon ah, waxayna i weydiiyeen in aan garanayo wax astaan amma calaamad ah oo lagu aqoonsan karo in qofka la qabtay yahay Sadaam Xuseen?
Waxa aan u sheegay in lagu garan karo astaan sawir farshaxan ah oo qabiilkiisu ku samaystaan gacanta midigta iyo dhudhunka (tribal tattoos), nabar hore oo rasaas kaga dhacday lugta bidix iyo sidoo kale dabinta hoose ee afka oo dhinac u yara qalloocda, arrimahaas oo aan ku ogaaday daraasad iyo lafagur aan ku sameeyey muuqaallo badan (videotapes) oo hore looga duubay.
Kadib Krongard (Agaasimihii CIA-da) ayaa hadalkii iga dhexgalay, waxaannu igu yidhi; “Waxa aynu u baahannahay in aynu si dhab ah u xaqiijinno in qofka la qabtay yahay Saddaam oo aannu ahayn mid ka mid ah Saddaam-u-ekayaashii uu samaystay.
Waxa dhab ahaa in Madaxweynihii Ciraaq uu muddadii uu talinayey samaystay rag badan oo muuqaal ahaan aad ugu eg, uguna talogalay in marka xaaladuhu adkaadaan uu ku badbaado, taas ayaana walaac ku beertay sirdoonka Maraykanka, iyadoo laga baqayey in aannu arrintaas ku fashilanno.
Hase ahaatee, waxa aan anigu go’aansaday in aamusnaato tahay qaybta ugu fiican marka xaaladuhu adag yihiin, waxaanan bilaabay in aan maskaxda ku diyaarsado su’aalo qofka ka jawaabi karayaa uu yahay Agaasimaha CIA-da oo qudha.
Millatarigu waxay Sadaam-ka la qabtay ka qaadeen magaalada Tikriit, waxayna u duuliyeen dhinaca madaarka caalamiga ah ee Baqdaad, iyadoo isla habeenkaasba la go’aansaday in laga hubiyo calaamadaha uu lahaa si loo xaqiijiyo inuu yahay madaxweynihii dhabta ahaa. Waqti saq-dhexe ah sugitaan dheer ahaa, kadib waxa diyaar noqday kolonyadii gaadiidka ahayd, waxaanna na hagayey rag tababar oo xidhan muraayadaha habeenkii wax lagu arko (night-vision), waxayna noo kaxeeyeen dhinac dhinaca jidka madaarka oo aannu ku soconay xawaare aad u sareeya, halkaas oo ahayd goob aan la socon karin habeenkii (no-go Zone at night).
Markii aannu halkaas gaadhnay waxaan gudaha ku arkay xaalad aan fiicnayn oo kacsan, is dhex-yaab badana ka muuqdo, muddo ayaa meel la nagu hayey oo haddana ahayd sugitaan kale, waxa aannu mar dambe helnay amar ah; ‘OK, diyaar noqda.’ Albaabkii ayaana si kedis ah loo furay, waxaanan is arkay anigoo naqas waaweyn si cidhiidhi ah iiga soo baxayo oo hiinraagaya, halkaas ayeyna sheekadu ka bilaabantay oo waaba isagii (Sadaam) oo la fadhiisiyey kursi bir ah, timaha madaxa iyo gadhkuba aad ayey ugu baxeen,” ayuu yidhi sarkaalka ka tirsanaa CIA-da Maraykanka ee loo xilsaaray inuu baadhis ku sameeyo Sadaam Xuseen markii la qabtay si loo xaqiijiyo inuu yahay Madaxweynihii dhabta ahaa.
Waxa uu intaas ku daray, “Ma jirin wax beeninaya in qofka la qabtay uu leeyahay muuqaal soo jiidasho leh oo dabiici ah, waxa uu ahaa nin weyn, dhererkiisuna yahay 6 fuudh iyo hal inji, jidhkiisuna wuu dhisnaa oo xataa isagoo ah maxbuus dhab ahaan u ogaa in la khaarajinayo, haddana marna lagama dheehan wax liitinimo ah, muhiimad weyn ayuuna isla lahaa.
Anigu markiiba waxa aan gudo-galay hawshii shaqadaydu ahayd ee la ii xilsaaray, su’aashii u horreysay ee aan weydiiyeyna waxa ahayd; ‘Waxa aan ku weydiinayaa su’aalo kooban, waana in aad uga jawaabto si xaqiiqo iyo run ku salaysan. Ma i fahamtay?
La soco qaybo kale oo xiiso badan……