Araweelo News Network

mbixi

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga talada haya ee KULMIYE ee Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey in mushkiladaha dhulku yihiin dhibaatada ugu weyn ee dalka Somaliland waqtigan haysta.
Guddoomiye Biixi oo khubad ka jeediyey furitaanka shirweynaha garabka dhallinyarada xisbiga KULMIYE oo ka furmay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in dhibaatooyinka dhulku saamayn ku yeesheen xataa goobaha qubuuraha loogu talogalay, isagoo xusay in aanay macquul ahayn qiimaha qaaliga ah ee lagu kala iibsado jagooyinka ku yaal magaalooyinka Somaliland.
“Maanta Somaliland dhibaatada ugu weyn waxa ka mid mushkiladda dhulka. Jagada Hargeysa ku taalla, ama Burco ama Boorama waxa ay ka qaalisan tahay jagada ku taal New York iyo midda ku taal Tokyo, macquulna ma aha, markaa ma hodan-tinimaa, ma tijaarad aynu gaadhnay baa, mise waa dhibaato inagu soo socota? Waa su’aal u baahan inaynu aad u derisno,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.
Isaga oo sii sharraxayey mushkiladaha dhulka ee dalka hadheeyey iyo dhibaatooyinka ka dhasha, waxa uu intaa sii raaciyey, “Dhulka Ilaahay wuu ina wada siiyey, waxana wada leh ka dhintay ee meydka ah iyo ka soo dhalan doona boqollaalka sanno ee soo socda. Dadkeenna maanta talinayana waxaynu u baahanahay in dhulka loo qabyiyo oo ay wada lahaadaan kuwa dhalan doona boqolaalka sanno ee soo socda iyo ka dhintay ee meydka ah, dhibaatooyinka ina haystana waxa ka midaah in maanta xabaalaha dhul loo iibiyo. Dhulkii Ilaahay meydka xaqa u siiyey ayaa maanta lacag aan caqli gal ahayn nin odhanayaa halla iga iibsado, waxa aynu u baahanahay talo aynu dhulka lagu wada lahaado.”
Md. Muuse Biixi ayaa sidoo kale bulshada xusuusiyey fursadaha hortooda yaal ee aanay weli ka faa’iidaysan, waxana uu tusaale u soo qaatay sibidhka aynu lacagta adag dibadda kaga soo iibsanno, xilli aynu hagranay wershaddii sibidh Berbera oo u fadhida dhaqaale aan gacanta bulshada ka baxsanay.

“Si aynu shaqo la’aanta uga baxno waa in dadka lihi is aaminaan, iyadoo tilmaamo la raacayo, doqoniimooyinka inaga dhacay lixdii sannadood ee ugu dambeeyey waxa ka mid ah in aynu nahay dadka wershadoodii sibidhka samaysan kari waayey ee maanta dalka jaarkooda ah ka soo iibsada sibidh qaali ah ee maanta waddadii yarayd ee ay samaysteen baabuurta 40-ka tone ah ay burburiyeen ee aan dhaadayn, waxana aynu samaysan kari weynay dadkeennii hantiilayaasha ahaa ee waaweynaa ayaa is aamini kari waayey oo wax isku darsan kari waayey oo samayn kari waayey warshaddii sibidhka taladii ay isku aamini lahaayeenna ee ay iyagu wax iskugu darsan lahaayeenna waynu u fadhinaa shirkan maanta aynu joogno.”
Waxa kaloo Guddoomiyaha KULMIYE uu si cilmiyeysan jawaab uga bixiyey hadallo dhawaanahan ka soo yeedhayey masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI oo dalka dibaddiisa ku maqan, waxaanu kula taliyey inay lacagta ay huteellada qaaliga ah ku bixinayaan ugu kaga qaybqaataan abaaraha ka jira Somaliland.
“Xisbigii WADDANI, Geelle Maroor buu noqday oo wuxuu ka soo qaliyey Nairobi, waxaanse leeyahay waa geddii Geelle Maroore waddadii Ceerigaabo anaa sameeyey iyo abaarihii baan ka gurmadaye, hadduu Geelle Maroor ka guntaday hudheelka Serina toban reer Geelle Maroor ah baa seexda, cuntadu waa Boqol Doollar ninkiiba, tobankoodu habeenkii waa saddex kun, tobankii cishona waa soddon kun oo doollar, taasina waxbay ka qaban lahayd abaarta jirta,”ayuu yidhi Biixi.