Qallinkii: Maxamed Cirro, Hargeysa/Somaliland
Hadalka sida nacasnimada ah loo yidhaa amma uga soo baxa afkaaga waxa uu tilmaan u yahay heerka doqoniimadaadu gaadhsiisan tahay, weliba marka hadalku yahay mid xambaarsan xumaan dadka walaalaha ah isku nici karo, arrintaasna waxa inaga reebtay diinteenna suuban ee islaamka.
Qofka caaqilka ah amma saaxiibul-caqliga ah, waxa lagu gartaa inuu inta badan ka fiirsado hadalka uu odhanayo, haddii uu kaftamayo iyo haddii uu hadal rasmi ah jeedinayo, weliba waxa uu si fiican u kala dooran karaa kolba erayada uu ku cabbirayo xaalad taagan, isagoo hadalku inta aannu afkiisa ka soo bixin soo marinaya shaybaadhka maskaxdiisa amma qaybta shaandho-miirtada (mind filtering), si uu u xusho erayada qurxinaya hadalkiisa, ugana tago weedhaha loo fasiran karo inay fikir xun gudbinayaan.
Waxa fiican in qofka muslimka ah ka waantoobo, kana fogaado hadalka isku dirka ah ee kala kaxaynaya dad walaalo ah, haddii ay doonaan ha noqdaan laba qof oo saaxiib ah, waanna nusqaan, ceeb, daciifnimo iyo dambi in qofku qaado hadalo xumaan xambaarsan, una geeyo ruux kale amma u kala waramo laba qof oo walaalo ah.
Haddaba, haddii qof aad saaxiib tihiin amma garasho idinka dhexayso uu kuula yimaad war adiga ku khuseeya oo uu ka soo xawilay qof kale oo aad saaxiib tihiin ha ka dhegeysan, adigoo aan marin tijaabo ah danta iyo faa’iidada guud ee uu xambaarsan yahay macluumaadka uu sido qofka booyadda ah, tijaabadaas oo ah mid aad iskaga shaandhaynayso hadalka xanta ah ee uu la xawaaraynayo (Triple Filter Test).
Xilligii ay jirtay dawladdii Cabbaasiyiinta ee xarunta islaamku ahayd magaalada Baqdaad oo hadda ah caasimadda dalka Ciraaq, waxa dhacday in nin war xumaan ah xambaarsan uu ula tegay nin aqoonyahan indheer-garad ah, waxaanna labadaas nin dhexmartay sheekadan yar;
Ninkii farriinta siday: Ma ogtahay waxa aan maqlay ee uu kaa sheegay saaxiibkaa?
Indheer-garadkii: Bal horta aamus oo inta aanad wax ii sheegin, waxa aan ku marinayaa saddex tijaabo oo yaryar.” “Waa hagaag ee soo daa tijaabooyinka aad sheegayso,” ayuu ku jawaabay ninkii warka siday.
Indheer-garadkii: ka hor inta aanad waxba iiga sheegin saaxiibkay, waxa fiican in aad marka hore waqti yar qaadato, kadibna aad shaybaadho amma kala shaandhayso waxa aad doonayso in aad tidhaahdo ee khuseeya warka aad ii sido.
Tijaabada koowaad.
“Si dhab ah 100% ma u hubtaa in waxa aad ii sido ee saaxiibkay iga sheegay ay run yihiin?
Ninkii warka xambaarsanaa: Maya, ee waan maqlay uun…Oo ma hubo….eeen.
Indheer-garadkii: Waa hagaag, markaa si dhab ah uma hubtin run iyo been inuu yahay.
Tijaabada labaad
“Waxa aad ii sido ee aad ka mashaqay saaxiibkay ma wax wanaagsanbaa? Ayuu weydiiyey Indheerad-kii.
Ninkii warka xambaarsanaa: Maya, wax wanaagsan mahaa ee waa hadal xun.
Indheerad-garadkii: Sidaa darteed, wax xun ayaad iiga keenaysaa saaxiibkay oo weliba aanad hubin inuu run yahay.
Tijaabada saddexaad.
“Waxa uu xambaarsan yahay hadalka aad saaxiibkay iiga sido ma wax anniga faa’iido ii leh baa? Ayuu weydiyey Indheer-garadkii, wuxuuna ninkii kale ku jawaabay; “Maya, xaqiiqdii wax faa’iido ah kuuma laha.”
Indheer-garadkii: Hagaag, haddii warka aad iiga keentay saaxiibkay aannu ahayn mid run ah, wanaagsan oo aan wax faa’iido ah ii lahayn, waa maxay danta kuugu jirta in aad iiba sheegto? Kadibna ninkii warka siday oo khajilaad iyo khaso ka muuqato ayaa iska noqday isagoo xambaarsan warkiisii.
Sidaa darteed, waxa fiican in aanad ka dhegaysan qofka war kuula yimaad ee weliba jecel inuu kuu sheego wax xun oo uu kaaga sido saaxiibkaa, qoyskaaga, ehelkaaga iyo cidda aad wadashaqaysaan, saddexdan su’aalood weydii, waana tijaabo lagula dagaalami karo qofka warka u kala qaada dadka walaalaha ah.
Haddaba, farriintaydu waxa ay tahay, ‘Khasab maaha in aad ii sheegto hadalkasta oo aanad maskaxda soo marin, annigana waajib iguma aha in aan kaa dhegaysto wax kasta oo aad ka sheekayso.’
Maxamed Cirro
Maxamedciro@gmail.com