Araweelo News Network

muusebiixi
Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha iyo murrashaxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyey in Somaliland farogelin toos ah ku samayn doonto Soomaaliya, haddii maamulka Muqdisho joojin waayaan dhibaatooyinka siyaasadeed ee ay ku hayaan dalkiisa.
Guddoomiye Biixi oo hadal ka jeediyey xaflad xisbiga KULMIYE loogu qabtay magaalada Boorama oo lagu soo dhowaynayay taageerayaal kusoo biiray xisbiga, waxa uu farriin adag oo hanjabaad ah u diray dawladda taagta daran ee Soomaaliya oo uu uga digay faro-gelin ay ku hayso madaxbannaanida Somaliland, isaga oo shaaca ka qaaday in aanay Somaliland faraha ka laaban doonin haddii aanay maamulkaasi joojin daan-daansiga ay waddo.
“Beryahan magaalada Muqdisho waxa ka socota doorasho la yidhi baarlamaan iyo aqallo ayaa laga dooranayaa Soomaaliya, had iyo goorna waxaynu maqalnaa iyadoo la leeyahay Gobollada Woqooyiga oo xataa Somaliland aan la odhanayn, dadka la magacaabayaana waa dad Somaliland u dhashay, waxaanuse walaaladay, caalamka iyo Geeska Afrikaba u sheegaynaa gar-darrada qaawan ee nimanka Muqdisho joogaa kula kacayaan Somaliland ee ay nin ku dhashay Boorama, Ceerigaabo iyo Hargeysa leeyihiin annagaa magacownay. Waar nalooma taliyo, horena kuwii idinka horreeyey baannu ka diidnay inay noo taliyaan, annaguna qaran walaaladiin ah oo 1960-kii idiin yimmi baanu ahayn, maantana innaga oo heshiina mooyaane isma faro-gelin karno, haddiise aad dayn weydaan gurigaas aad soo faro-gelinaysaan, dawladaha jaarka iyo caalamkaba waxaannu u sheegaynaa in aynaan sidaas nabad ku ahaan doonin oo la is faro-gelin doono.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in aanay Somaliland marna aqbali doonin farogelinta iyo dhibaatooyinka kala duwan ee kaga imanaya dhinaca Soomaaliya muddada ka badan 25-ka sanno ee ay madaxbannaanida haysatay.

“Maanta marka la yidhaahdo Soomaali oo aynu kala nahay Somaliland iyo Soomaaliya mid walba in dhibaato ugu filan way qabaan. Ra’yigayagu waxa weeye in aynu noloshan mid dhaanta u sahaminno carruurta iyo ubadkeenna, waxayna ahayd in aynu ka baxno dhibaatooyinka oo nolosha kor u qaadno, laakiin muddada ka badan 25-ka sanno (ee Somaliland madaxbannaanayd) waxa ay walaalahayo Soomaaliya ku foogan yihiin fadqalalada, farogelinta iyo dhafoor-taabadka Somaliland. Arrintaasi maaha mid la aqbali karayo, waana waxa keliya ee aannu u sheegayno caalamka, haddii aannu nahay reer Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.