Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale), ayaa sheegay inay qaadeen tallaabooyin xoogan oo sare loogu qaadayo qiimaha shillinka Somaliland, isla markaana hoos loogu dhigayo sarifka doollarka.
Md. Maxamed Cabdi Dhoobaale oo saxaafadda kula hadlay xarunta Bangiga Dhexe ee Somaliland , waxa uu caddeeyey inay suuqa geliyeen lacago badan oo doollar ah, taasoo sababtay in sarifka halka doollar gaadho 7,800 SILSH, halka saddex maalmood ka hor ahaa 8,500 SLSH.
“Intii aan imminka immi waxa aannu ku jirnay talo iyo qaabkii aannu ula tacaali lahayn sidii shillinka Somaliland kor ugu soo kici lahaa, suuqyadana uu shillinka Somaliland ugu diiri lahaa. Markii aannu qaadanay tallooyin badan waxa aannu isla garanay dadka ay khusaysay, haddii ay yihiin sariflayaasha, shirkadaha kale amma ha ahaado Bangiga Dhexe iyo weliba masuuliyiinta dalka dhammaantood, waxa aannu isla garanay in aannu qaadno tallaabo uu shillinka Somaliland kor ugu kacayo, doollarkana aannu hoos ugu dhigayno,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Somaliland.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa uu (halka doollar) ahaa doraad (maalintii Salaasadda) 8500 SLSH, shalayto (Arbacadii) oo aannu runtii si xoog ah u galnay suuqa, lacag badana (oo Somaliland shillin ah) aannu ka soo xeraynay, lacag badan oo doollar ahna aannu gelinay, waxa uu gaadhay (halka doollar) 7800 SLSH, taasina waxay ina tusaysaa in hoos u dhaca uu ku yimmi sarifka doollarka, kalana hadhi mayno oo waanu wadaynaa ilaa inta uu sarifku gaadhayo heer macquul ah oo labada dhinacba (Shillinka iyo doollarku) raali ka yihiin.”
Guddoomiyaha Baanka, ayaa sidoo kale iftiimiyey inay ka shaqayn doonaan sidii qiimaha sarifka doollarka looga ilaalin lahaa inuu si xoogan hoos ugu dhaco, isagoo xusay in taasi ay saamayn ku yeelan karto qiimaha maciishada bulshadu isticmaasho.
“Haddii doollarku hoos u dhaco waxa haddana la odhanayaa xoolihii ayaa la iibsan waayey oo wixii aanu doolarka ku soo iibsanay ayaa la iibsan kari waayey, markaa inta aannu gaadhsiinayno heer ay labaduba raali ka yihiin oo aannu shillinka iyo doollarkaba gaadhsiinayo heer macquul ah waannu wadaynaa arrintaas (sare loogu qaadayo qiimaha shillinka Somaliland), si joogto ah ayaanan u wadanaynaa, haddii Ilaahay yidhaah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha cusub ee Baanka Dhexe ee Somaliland.