Hargeysa (ANN)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in inta badan doorashooyinkii kala duwanaa ee ka qabsoomay dalka xisbiga KULMIYE lagaga adkaan jiray codka Gobolka Awdal, balse ay hadda si weyn ugu kalsoon yihiin inay helaan taageerada bulshada gobolkaas.
Wasiir Xaashi Cabdi oo hadal ka jeediyeyxaflad magaalada Boorama loogu sameeyey dadka deegaanka uu hoggaamiyo Suldaan Dhawal oo ku biiray KULMIYE, waxa uu sheegay in aannu xisbul-xaakimku ku dhisnayn laba beelood oo qudha, balse ay wada leeyihiin bulshada Somaliland oo dhan.
“Laba reer oo qudha sooma saari karaan Madaxweyne, dalna ma dhisaan, xisbi qaranna waxa uu u baahan yahay taageerayaal iyo bulsho badan, KULMIYE-na waa xisbi hormuudka iyo qoor-weyntiisu yaqaanaan runta, Rabbina yaqaanaan, rugaha kala duwan ay yaqaanaan…Waxba maanta halkan ka faani mayno oo KULMIYE iyo Awdal iskuma cusba, sida la ogyahayna KULMIYE shantii doorasho ee dalka ka dhacay oo ay ugu dambaysay doorashadii golayaasha degaanka (sannadkii 2012), isagaa hoggaaminta lahaa, afartii doorasho ee horena waxa jirtay marar KULMIYE guulaystay, marar laga guulaystayna way jireen, meelaha uu ku jabi jiray ee duufaanka laxaadka leh kaga iman jiray waxa uu ahaa Gobolka Awdal. Meelaha kale oo dhan ee gobollada Sool, Sanaag, Todheer iyo Maroodi-jeex, mid walba KULMIYE isaga ayaa hoggaanka hayn jiray, laakiin marka codka Gobolka Awdal soo dhaco ayuu KULMIYE ciiri jiray, maantase sidii noqon mayso, wayna ka duwanaanaysaa oo KULMIYE iyo Awdal maanta loo kala sheekayn maayo,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.
Waxa uu si weyn u ammaanay xisbul-xaakimka KULMIYE, waxaannu tilmaamo ka bixiyey waayo-aragnimada murrashaxiisa Madaxweynaha ee waqtigan Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu yahay hoggaamiyaha Somaliland u baahan tahay xilligan.
“KULMIYE waa xisbiga dhidbay nabadda mushkiladdii Ceel-bardaale ee degaannadaas dhex yaallay, Guddoomiye Muuse Biixi-na waa hoggaamiye Somaliland maanta u baahan tahay oo berrito nabaddaas is-fahamkeeda wax badan ka tari doona, Muuse Biixi hore ayaa loo soo tijaabiyey oo maaha nin dadka reer Awdal lagu odhanayo waa nin caynkaas ah ee waxa uu ahaa Wasiirkii Daakhiliga ee 1993-kii oo waqti xaasaasi ah oo adag ahaa, mashaakilaadkii xeebta ka dhacay ee la isku maan-dhaafayna Muuse waa wasiirkii Daakhiliga ee xalliyey. Isaga oo wasiir ah mushkiladdii uu xalliyey isaga oo madaxweyne ah oo mindidda daabkeeda haya waxaynu ka markhaati kacaynaa inuu xallin karo, waxaanaynu leenahay Somaliland waxay maanta u baahan tahay hoggaamiye adag oo run yaqaan,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.