Ma qiyaasi kartaa dhibaatada uu mudanayo iyo xannuunka ay ku yeelanayso qofka haddii uu 20 sanno xabsi ugu jiro dambi aannu lahayn? Maxaad se u malaynaysaa in maskaxdiisu iswaydiinayso iyo sida uu ula tacaali karo dhibtaas noloshiisa dambe?
Haddaba, dhibaatadan waxa soo maray Mr. Rodell. Waxa uu rabshad la’aan ku qaatay xabsiga 20 sanno, isagoo maxkamad ku xukuntay dambi aannu gelin, balse dedaal uu sameeyey awgii ayuu guul ku gaadhay, dalkiisana sharaf kaga yeeshay.
Mr. Rodell Sanders waxa lagu abaalmariyey $15 milyan oo dollar bishii September ee sannadkan 2016. Intii uu xabsiga ku jiray waxa uu caawimo ka helay Jaamacadda Chicago, gaar ahaan mashruuc loogu talogalay in maxaabiista sii dayntooda lau fududeeyo, haddii ay dhaqan wanaag la yimaaddaan. Muddo haatan laga joogo laba sanno ayuu xorriyadiisa dib u helay.
Sannadkii 1993-kii ayaa lagu eedeeyey inuu dilay mid ka mid ah gaangistarrada Maraykanka, waliba dambigaas waa lagu helay isagoon gelin, balse kadib baadhitaanno badan oo la sameeyey waxa ay caddeeyeen in aannu dambigaas gelin.
Rodell waxa uu nasiib ku yeeshay in qof ka mid ah dadkii ka badbaaday xabbadihii la isku furay uu u soo qoray waraaq gabadh ay is jeclaayeen.
“Waan ogoahay inaad wali iga cadhaysan tahay aniga, maadaama aad booliska u sheegtay been abuu rah in Rodell uu dilka gaystay, laakiin waan cabsanayaa sidaan horeba kuugu sheegay. Boolisku waxay ii sheegeen inaan been-abuur ka sameeyo Rodell, magaciisana warbixinta ku qoro…Waxa ay doonayeen Rodell oo anigaba imay doonayn, maxaa yeelay waxay iiga baahnaayeen inaan maxkamadda kiis kale ka sheego, iyagana ka caawiyo in ay Rodel xabsiga dhigaan waligii,” ayaa waraaqda lagu qoray.
Warqaddani waxay caddaysay in sarkaalka ugu sarreeya booliska Chicago oo kiiskan dusha ka saaray ninkan, halka Rodell laftiisu aaminsanaa in laba dambi-baadhis dambigan u sameeyeen.
Qoyskiisa Mr. Rodell kama ay hadin waxay u ururiyeen lacag badan si uu sharciga ugu barto, dambigana isaga masaxo si uu u baadho qof kasta iyo markhaatiyaal tiro badan oo dawcaddan ku jiray.
“Laga bilaabo maalintii ugu horraysay waxaan sheegay in dambiga la ii sameeyey. Qofna ima rumaysan, balse aakhirkii way soo baxday. Ma garanayo in arrimuhu hagaagi doonaan. Ma soo ceshan karo 20kii sannadood ee ay xorriyadda iga qaadeen, waxaanan sannadahaas waayey qoyskaygii iyo ubadkaygiiba,” ayuu yidhi Sanders.
Hadda Sanders waxa uu ka shaqeeyaa shirkad sharciga ah (Law firm) oo ka caawisay in la sii daayo, waana awoow waqtigiisa la qaata qoyskiisa.
Hubaal ninkan lama soo noqon karo waqtiga ka lumay, laakiin caddaalad-darrada lagu sameeyey awgeedna wuxuu ku gaadhay guul, maadama uu lacag badan helay, sharcigana si fiican u bartay oo uu maxkamad la tiigsaday cid kasta oo ka dambaysay kiiskiisa in ay been abuur ka sheegto.