Araweelo News Network
wasiircadareiyomasuulkashirkada
Hargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Faarax Cadarre, ayaa soo dhoweeyey masuuliyiin ka socda shirkado ka shaqeeya caysmiska maraakiibta iyo adeegyada dekedaha oo laga leeyahay Yurub iyo Maraykanka, kuwaasoo u socday inay dawladda Somaliland uga mahadnaqaan sida ay uga hawlgashay xallinta kiiska nin u dhashay dalka Roomaaniya (Romania) oo ka mid ahaa hawlwadeennadooda oo ku geeriyooday markab ganacsi oo ku xidhnaa Dekedda Berbera badhtamihii sannadkii 2014.
Md. Cadarre oo masuuliyiintan ku soo dhaweeyey Madaarka Hargeysa shalay, ayaa sheegay in waqtigii uu ahaa Wasiir-ku-xigeenka Ammaanka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu ka hawlgalay ninkan oo muddo bilo ah maydkiisu ku jiray qaboojiyaha lagu kaydiyo meydka ee cusbitaalka magaalada Berbera, kaasoo si caadi ah u dhintay.
Wasiirku waxa uu sheegay in ninkan dhukumantigiisa iyo basaaboorro uu lahaa Suudaan si khalad ah loogu diray, balse masuuliyiinta Somaliland ka shaqaysay sidii maydka dalkiisa loogu celin lahaa, lana xidhiidhay madaxda shirkadda uu u shaqaynayey.
“Waqtigii aan Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ahaa anigoo shaqo u jooga Lawya-caddo ayaa la ii sheegay in nin ajnebi ah maydkiisu Berbera muddo yaallay. Naxdin bay igu noqotay oo maan filanayn in Berbera yaallaan talaagado. Aniga oo masuul ahaa bay mucjiso igu noqotay arrintaasi. Waxaan la xidhiidhay Berbera, waxana la iigu bushaareeyey in talaajado ilaa lix mayd qaadi kara yaallaan. Waa arrin qaranka Somaliland guul u ah, waanuna tagnay oo soo hubinnay kiiskaas.

Marka u horraysa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland baa mahaddaas iska leh oo shaqo caadi ah uun baannu qabanaynay, ismana aannu lahayn abaal celin intaas le’eg iyo mahadnaq bay arrintaas keeni doontaa oo ka yimaad shirkadihii caymiska maraakiibta, gaar ahaan shirkado waaweyn ee Maraykanka iyo Yurub ka shaqeeya. In ay madaxdooda soo diraan oo ay soo duulaan, kadibna dalka mahadnaq u yimaaddaan waa wax weyn,” ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda Somaliland.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in dhammaan baadhitaannadii loo baahnaa ee dhinacyada dhakhaatiirta, ammaanka iyo xeer-ilaalintaba loo dhammaystiray kiiska ninkaas, waxaannu yidhi; “Saddex maalmood ayaa dhakhaatiirta gobolka iyo xeer-ilaalintuba waxay soo bandhigeen waraaqihii oo ay dhammaystireen, haseyeeshee waxa lumay baasaboorkii iyo dukumantiyadii, kadib muddo ayaa la sugayey dadkiisii, waxana Ilaahay noo fududeeyey in aan arrinkaas ku guulaysano oo waxay keentay in loo mahadnaqo Madaxweynaha Somaliland iyo dawladdaba sida wanaagsan ee looga shaqeeyey.”

Mr. Phillip Garo oo ah Agaasimaha shirkadda MCLeans, balse ka socday shirkad ka shaqaysa caymiska maraakiibta oo la yidhaa Navigators P & T oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in dawladda Faransiiska iyo masuuliyiinta shirkadihiisu uga mahadnaqayaan Jamhuuriyadda Somaliland sida ay uga shaqaysay kiiskaas, haddana dhinaca caymiska maraakiibta iyo adeegyada badda maalgashi ku samaysan doonaan.
”Aad baan ugu faraxsanahay inaan halkan imaad, Berbera-na iskaashi la yeelanno, waxaanan xukuumadda Somaliland iyo masuuliyiinteedaba uga mahadnaqaynaa caawimada kiiskaas oo aad ammaan ku mutaysateen, soona hooyey in aan maanta halkan nimaadno,” ayuu yidhi Philip.
Mr. Maxamed Cabdi Cige oo ka socday shirkad Horn Shipping Company oo dalka Jabuuti laga leeyahay, shirkadahana xidhiidh la leh, ayaa sheegay in Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Caddaaladda, hay’adhaa ammaanka iyo Madaxweynaha looga mahadnaqayo sida wanaagsan ee kiiskaas ugala shaqeeyeen in la xaliyo,.
Waxa kale oo uu xusay in arrintaas keentay in shirkado badan oo Yurub iyo Maraykanka ka shaqeeya oo dhinaca badaha iyo maraakiibta ganacsiga u soo jeesteen inay ka hawlgalaan dekedda Berbera, maadaama Somaliland muujisay adeeg caddaaladeed iyo ammaan wanaag ay dunida kaga mudatay.
“Waxa ay tegi doonaan Berbera oo ay soo indho idhayn doonaan, waxaanan rajaynayaa in reer Berbera soo dhawayn doonaan,” ayuu Mr. Cige.