Araweelo News Network

qaraxkadhacayMogadishu(ANN)-Ugu yaraan 137 qof, ayaa ku geeriyooday, in ka badan dhawr boqol oo ruuxna way ku dhaawacmeen qaraxyo la soo maleegay oo ka dhacay dalalka Soomaaliya, Yemen, Masar iyo Turkiga 24kii saacadood ee la soo dhaafay, iyadoo murugada khasaaraha qaraxyadaasi ay saamaysay meelo badan oo ka mid ah caalamka islaamka.
Warbixino ay wakaaladaha wararka ee caalamku ka diyaariyeen qaraxyadaas, waxa lagu sheegay in dad naftood-hurayaal ah ay qaraxyo ku dileen in ka badan 50 qof oo ka mid ah ciidanka dalka Yemen, magaalada Muqdisho ee Soomaaliya waxa iyana ku dhintay in ka badan 29 qof, halka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu dilay 39 qof, kadib markii laba qarax lala beegsaday garoon kubbaddeed, iyadoo sidoo kale qarax lagu qaaday goob kiniisad ah oo ku taal caasimadda Masar ee Qaahira ay ku dhinteen 20 ruux.
Khasaaraha Yemen
Qof naftiisa dile ah, ayaa isku dhex qarxiyey saldhig ciidanka Yemen ku leeyahay magaalada Cadan shalay, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 50 askari, kuna dhaawacmeen ilaa 70 askari oo kale, waxaanna falkaas khasaaraha badan dhaliyey sheegtay Kooxda ISIS/Daacish.
Halka weerarku ka dhacay ee magaalada dekedda ah ee Cadan, waxa maamula xukuumadda caalamku aqoonsan yahay inay masuul ka tahay dalka Yemen, masuuliyiinta xukuumadaas oo magangelyo ahaan ugu nool waddanka Sucuudiga, waxayna dagaal kula jiraan kooxaha mucaaridka Xuutiyiinta oo lala xidhiidhiyo inay taageero ka haystaan dalka Iran.
Weerarka Turkiga
Dawladda Turkiga, ayaa ku dhawaaqday maalin murugo qaran ah, kadib laba qarax oo xoogan ay qabsadeen meel u dhaw garoonka kubbadda cagta kooxda Besiktas ee ka dhisan caasimadda Istanbul habeenkii Axadda, waxaanna halkaas ku dhintay in ka badan 39 qof, kuna dhaawacmeen ugu yaraan 155 ruux oo 19 ka mid ah dhaawacoodu halis yahay.
Sida lagu baahiyey wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu oo Jamhuuriya soo xigtay, weerarka qaraxyada ah ayaa dhacay waxyar kadib markii ay dhammaatay ciyaar dhexmartay labada kooxood ee Basiktas iyo Bursaspor, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaas, balse madaxda sare ee dalka Turkiga oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisal-wasaaraha dalkaas, ayaa tilmaamay in falkaasi ahaa weerar argagixiso, iyadoo dadka ku dhintay ay 27 ka mid ah yihiin booliska, halka inta kalena yihiin dad rayid ah.
“Fal ah weerar argagixiso ayaa lala beegsaday ciidankayaga ammaanka iyo muwaadiniinta dalkayaga, mar kale ayaanan aragnay wax fool xun oo ka dhacay caasimadda Istanbul, waanan la dagaalamaynaa, tallaabo adagna waannu ka qaadaynaa cid kasta oo masuul ka ahayd weerarka.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Turkiga.
Khasaaraha Qaraxyo ka Dhacay Muqdisho
Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay, tiro kale oo intaas ka badanna way ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ahaa oo kooxda Al-shabaab la beegsadeen xarunta waaxda cashuuraha ee dekedda magaalada Muqdisho gelinkii hore ee shalay.
Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Faarax, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters, inay weerarkaas ku dhinteen 29 qof oo u badnaa rayid, halka dhaawacyaduna ka badan yihiin 50 ruux oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.
Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay weerarkaas ku bartilmaameedsadeen saldhig ciidammada booliska Soomaaliya ku leeyihiin meel ku dhow dekedda Muqdisho, isla markaana ku dileen askar aad u tiro badan.
“30 Askari oo sugidda ammaanka doorashooyinka loo diyaariyey ayaan ku dilnay qaraxa aan la beegsanay xerada ee ciidanka ee Dekedda Muqdisho,” ayuu yidhi sarkaalka ka tirsan Al-shabaab oo u warramay idaacadda afkooda ku hadasha ee Andulus, isagoo intaa ku daray inay weerarkaas la eegteen saldhig ay ku sugnaayeen ciidammo tiro badan boolis ah oo Maraykanku u tababaray ilaalinta doorashooyin-la-moodka Soomaaliya.
Qaraxan oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii ciidanka nabad-sugidda maamulka Muqdisho sheegeen inay fashiliyeen gaadhi miinaysan oo la doonayey in la geliyo caasimadda Soomaaliya.
Xoogagga Al-shabaab ayaa sii kordhiyey weerarrada iyo qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, iyagoo hore wacad ugu maray inay weerarro khasaare ballaadhan geysta la beegsan doonaan goobaha loo asteeyey doorashada macmalka ah ee ka socota degaannada dalka Soomaaliya ee colaaduhu aafeeyeen.
Masar iyo khasaaraha qaraxii Kinniisadda
Ugu yaraan 20 qof, ayaa ku dhintay, in ka badan 35 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay gudaha kinniisad ku taal magaalada Qaahira ee dalka Masar shalay, waxaana lagu dhawaaqay baroordiiq uu iclaamiyay Madaxweynaha Dalka Abdifatah Alsisi, wuxuu ku tilmaamay weerarkaas mid murugo iyo xanuun badan, balse waxa qaraxa kadib jidadka magaalada Qahira isugu soo baxay kumanaan qof oo ka cadhaysan qaraxaa, kuwaas oo canbaarayn u jeediyay xukuumadda Masar.
kooxo xulafo la ah Ururka ISIS, ayaa hawlgalo ka fuliya degaanno badan oo ka mid ah dalka Masar, kuwaas oo marar kala duwan qaraxyo iyo weeraro ka fuliyay gudaha magaalooyinka waaweyn iyo dhinaca Siinay.
Dalalka qaraxyadu ka dhaceen ee kala ah; Masar, Soomaaliya, Yemen iyo Turkiga, waxa si joogto ah wehel ula noqday falalka isugu jira weeraro iyo qaraxyo sababa khasaare badan oo isugu jira dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hantiyeed.