Araweelo News Network

Xirsi
Hargeysa (ANN)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa soo jeediyey in la sameeyo sharci Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ka xakamaynaya inay sameeyaan muddo-kordhin haddii ay doorashooyinku ku qabsoomi waayaan waqtiga loo cayimay.
Sidaana waxa sheegay Hoggaamiyaha WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadal ka jeediyey kulan lagaga hadlayo arrimaha doorashooyinka oo dalladda SONSAF ku qabatay caasimadda Hargeysa, waxaannu ku baaqay in aan dano siyaasadeed la gelin dib-u-dhaca doorashada, balse lagu saleeyo waxyaabaha arrimaha farsamada khuseeya ee keeni kara doorashada oo waqtigeeda ku qabsoomi weyda.
“Marka si daacad ah looga hadlayo waxa dib-u-dhaca doorashooyinka sababa waxyaabo dano siyaasadeed ah (Political Interest) oo ku jira amma ujeeddooyin siyaasadeed ayaa ku jira dib-u-dhaca, sababna waxa uu ah marka ay timaad arrimo farsamo amma dhaqaale oo keena in doorashadu ku qabsoomi weydo waqtigeeda, waxa haddana timaad arrimo siyaasadeed oo dhaliya korodhsiimo,” ayuu yidhi Mr. Xirsi.
“Waxa la isku khaldaa laba shay, haddii uu dhammaado waqtigii (la doortay) oo hay’addiina meesha fadhido, haddii ay tahay baarlamaan, Madaxweyne amma guurti ha noqdo in la is weydiiyo masuuliyadda waqtigaas dhammaaday iyo cidda lahayd sababta in doorashada la qaban waayo.”
“Waxa muhiim ah in aynu qodobka koowaad ka dhigno sababta farsamo ee keentay marka doorasho qabsoomi weydo, balse aan arrinta la siyaasadayn, sharcina wax ka beddelno, marka doorasho la qaban kari waayo waxa ay ka baxdaa faraha cidda shaqada lahayd oo ah Komishanka Doorashooyinka iyo cidda ahayd daneeyayaasha oo ah xisbiyada, waxayna gashaa gacanta hay’ad kale oo la yidhaah Golaha Guurtida oo iska leh awoodan (muddo-kordhinta), taasina waxay keentaa in iyagu sida ay doonaan ka yeelaan awoodoodaas.”
Waxa kaloo uu ku taliyey in dib-u-dhaca doorashooyinka iyo waqtiga ay qabsoomi karaan loo daayo Komishanka ku shaqada leh, isagoo soo jeediyey in aan muddo-kordhinta gacanta loo gelin Guurtida, lana sameeyo sharci amma xeer fasiraad ka bixiya qodobka 83aad iyo 42aad ee dastuurka oo Aqalka Guurtida awood u siinaya inay muddo-kordhin sameeyaan haddii doorashooyinku dib uga dhacaan xilligooda.
“Waa in ay noqoto sida uu Komishanku u leeyahay ka talinteeda, diyaarinteeda iyo qorshaynteedaba in sababta timaad ta ay doontaba ha ahaatee; haddii ay timaad sabab lagu qaban kari waayo doorashada waqtigeeda in Komishanka loo daayo xilliga ay ku qaban karayaan oo (taasna) aynu sharciyeyno, xeer sharcina ha laga soo saaro fasiraya qodobkaas (farqadda 5aad ee qodobka 83aad ee dastuurka), kaasoo odhanaya haddii la qaban kari waayo doorashada habkaas ayaa loo marayaa (muddada la kordhinayo).
Metelan Komishanka ayaa soo astaynaya taariikhda ay qaban karaan, waqtigaas Komishanku asteeyeen oo qudha ayaana lagu qaban karaa, taasina waxay keenaysaa in hay’adda waqtigu ka dhammaaday ay sii xoogto, balse aanay meesha soo gelin arrin siyaasadeed oo keenaya in muddada la dheeraysto.”
Hoggaamiyaha WADDANI, ayaa sheegay in dib-u-dhaca ku yimaad doorashooyinku uu ceeb ku yahay qaranka Somaliland, waxaannu yidhi; “Qaran ahaan reer Somaliland, haddii ay noqoto dawladda, xisbiyada iyo aqoonyahankaba waxa aan is leeyahay malaha ceeb ayey inagu tahay in aanay doorashooyinku ku qabsoomin waqtigooda oo aynu qaban kari wayno oo inta aynu fagaare isla nimaadno isweydiino maxaynu u qaban kari waynay? Waxa runtii ceeb innagu ah in Guurtidu fadhido 25 sanno, baarlamaankii (Golaha Wakiilladu) uu fadhiyo, doorashooyinkii kalena dib u dhaceen, imminkana werwerku uu jiro.”
“Haddii qofkii kursiga loo doortaaba amma hay’addii la doortaaba ka kici waayo, bannayna waayo, una diyaargaroobi waayo tartan, runtii waa wax ceeb innagu ah…Madaxweynuhu haddii aannu tartamay oo uu diyaar u yahay in doorasho ku dhacdo waqtigeeda, laakiin doorashada aanay ilaa hadda saansaanteedii muuqan, dhaqaalaheediina isku dubo-dhacsanayn,” ayuu yidhi.
Mr. Xirsi waxa kale oo uu caddeeyey in xisbigiisa WADDANI diyaar u yahay doorashada oo ku qabsoonta waqtigeeda, waxaannu soo jeediyey in la is barbar wado hawlaha loogu diyaargarabayodoorashooyinka iyo gurmadka lagu taakulaynayo dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen.