Araweelo News Network

silanyo2
Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inay maamuus iyo sharaf tahay in qof muwaadin ah loo magacaabo xil qaran si uu ugu adeego bulshadiisa.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland xalay, waxa Madaxweynuhu hadalkan ku iftiimiyey qoraal uu ku aqbalay masuul iska casilay xilka Wasiir-ku-xigeenka Kalluumaysiga oo ka mid ahaa xubnihii ku jiray isku shaandhayntii lagu sameeyey Golaha Xukuumadda toddobaadkan.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu ka aqbalay Istiqlaaladii uu u soo gudbiyey Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee uu Madaxweynuhu dhawaan xilkaa u magacaabay. Madaxweynuhu waxa uu (Insha Allaah) dib ka soo magacaabi doonaa masuul ku haboon isla markaana hanan kara xilkaa Qaran.
Madaxweynuhu wuxuu Istiqlaalada masuulkaa kaga jawaabay sidan soo socota:-
Ku: Mudane, Cabdi-qaadir Sheekh Maxamuud Warsame
Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Og: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Ujeeddo: Aqbalaad Istiqlaalad Xilka Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Mudane,
In muwaadinka loo magaacaabo xil qaran si uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeego waa sharaf iyo maamuus. Haddaba, aniga oo ka duulaya habsami-u-socodka hawlaha baaxadda leh ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxa soo dhaweynayaa cudur-daarka iyo go’aankaaga ah in aanad qaban karin xilkaa kor ku xusan. Sidaa darteed, mudane waan kaa aqbalay istiqlaaladda aad ii soo gudbisay, waxaanan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.