Araweelo News Network

sarifkaHargeysa (ANN)- Kor-u-kaca ku yimmi sarrifka lacagta doollarka iyo qiimo dhaca haleelay shillinka Somaliland ayaa sababay sicir-barar laga dareemay nolosha magaalooyinka Somaliland oo saamayn ku yeeshay bulshada danyarta ah.
Xildhibaan Maxamed Saalax oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay qiimo bararka ku dhacay sarrifka lacagta dollarka oo xusay in si wayn looga qaylinayo.
“Kor-u-kaca sarrifka lacagtu waa mid aad dhibaato ugu ah bulshada dhexdeeda, waxaannu culays ku noqday bulshowayntii reer Somaliland meel ay joogtaba, waxaanad culayskaasi ka dareemaysaa suuqyada, dadweynaha, dadka danyarta ah oo qaylo badani ka socoto gobollada dalka oo dhan,” ayuu yidhi Md. Maxamed Saalax oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta shalay.
Xildhibaanku waxa uu u soo jeediyey hay’adaha dawladda ee arrintani khusayso iyo ganacsatadu inay ka wadatashadaan sidii wax looga qaban lahaa kor-u-kaca sarrifka dollar, waxaannu yidhi, “Waxaan soo jeedinayaa in xukuumadda iyo baayac-mushtarku arrintan hoos u eegaan oo dib isugu noqdaan, bulshada iyo dadka danyarta ahna loo naxariisto, si gaar ah waxaan uug soo jeedinayaa Bangiga Dhexe oo xilkan iyo masuuliyaddan leh inuu arrintan si degdeg ah wax uga qabto, waayo Baanku isagaa masuul ka ah oo ay ahayd inuu qiimaha shillinka iyo dollarka ilaaliyo, maanta sarrifkii $100 wuxuu marayaa siddeed boqol oo kun iyo dheeraad oo shillinka Somaliland ah, arrintaasi qof kastoo mushaharka ku qaata lacagta Somaliland waxay ku tahay culays, maceeshadiinna qiimaheedii cirka ayey ku sii laalantay. Rugta Ganacsiga lafteedu sabab alla iyo sabab ay uga aamusantahay arrintaa ma garanayo, Wasaaradda Maaliyaddu lafteedu waa inay hoos u eegto.
Markaa hay’adahaas oo dhan oo masuuliyaddan leh inay iyagu iska arkaan baa fiican oo ay wax ka soo saaraan arrintan.”
Sarifka doolarka ee sare u kacay, ayaa sababay inuu kordho qiimaha lagu iibiyo maciishada daruuriga ah, sida cunta iyo waxyaabaha kale oo bulshadu u baahan tahay, waxayna arrintaasi saamayn ku yeelatay qoysaska danyarta ah ee reer Somaliland.