Araweelo News Network
wakiiladasomaliland
Hargeysa (ANN)- Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qaatay talo sharci oo uu la-taliyahooda arrimaha sharcigu ka soo saaray mooshin ay golaha u soo gudbiyeen 21 mudane 19 November 2016, kaasoo khuseeyey ansixinta gobollada cusub ee dalka.
La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir oo daraasad sharci ku sameeyey mooshinka mudanyaashu ku dalbadeen sharciyeynta gobollada aan ansaxa ahayn, ayaa talo soo jeedintiisa u gudbiyey Guddoomiyaha Wakiillada, taasoo laga akhriyey fadhigii shalay.
Talada sharci-yaqaanka oo faahfaahsan, isla markaana nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay waxa ay u qornayd sidan:
“Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa jawaabta sharci ee ku aaddan mooshinka ku saabsan sharcinimada gobollada cusub ee aad ii soo gudbisay taariikhdu markay ahayd 19/11/2016ka, adigoo raacaya hab-raaca sharci ee ku xusan qodobka 42aad, farqaddiisa 4aad ee Xeer-hoosaadka Golaha oo odhanaya; ‘Mooshinka waxa loo gudbinayaa La-taliyaha sharciga si uu u hubiyo in mooshinku waafaqsan yahay xeer-hoosaadka iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.’
Haddaba, anigoo ka gudanaya waajibaadkayga sharci, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa taladan sharci kadib:
Markaan darsay: Nuxurka uu mooshinkan ay Golaha u soo gudbiyeen mudanayaasha hoos ku qoran uu khuseeyo sida ku qoran warqadda mooshinka oo ah ‘Waxaannu xukuumaddu u soo jeedinaynaa in ay Golaha Wakiillada u soo gudbiso gobollada la magacaabay ee buuxiyay shuruudihii iyo kuwa kale ee aan buuxinna la mariyo waxa sharciga waddanku ka qabo.’
Markaan darsay: Qodobadda ay u cuskadeen mudanayaashu mooshinkan ee Dastuurka ee 53aad, farqadihiisa 2aad iyo 4aad, 54aad iyo Qodobka 37aad.
Markaan ku qancay: In mooshinkani helay tirada xildhibaannada ee sharcigu oggolyahay in ay mooshin keeni karaan, sida uu tilmaamay Xeer-hoosaadka Golaha, qodobkiisa 33aad oo sheegaya in 11 mudane iyo ka badan soo jeedin karaan mooshin.
WAXAA II SOO BAXDAY;
In Qodobada Dastuurka ee 53aad oo ka hadlaysa awoodda Golaha Wakiillada iyo 109aad farqaddiisa1aad oo ka hadlaya ‘In Qaab-dhismeedka dalka uu ku kooban yahay gobollo iyo degmooyin hoos yimaad gobollada.’ Halka faqrada 2aadna tilmaamayso in ‘dhismaha gobollada iyo degmooyinka, xuduudahooda iyo darajooyinkooda uu xeer tilmaamo.’ Waxa halkaas ka sii ambaqaaday Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka (Xeer Lr 23/2002) qodobkiisa 3aad oo tilmaamaya shuruudaha lagu magaaci karo gobol ama degmo cusub, waana kuwan;
Shuruudaha (Criteria) lagu magcaabi karo gobol ama degmo waxa waajib ah inay ku salaysnaato buuxinta shuruudaha hoos ku qoran:-
1. Baaxadda dhulka ay ku fadhido.
2. Miisaanka iyo baaxadda dadweynaha degaanka ku nool.
3. Wax-soo-saarkeeda iyo khayraadkeeda dabiiciga ah ee ay leedahay.
4. Isku filaansho iyo hanashada adeegyada arrimaha bulshada; waa in degmadu hanan kartaa boqolkiiba lixdan 60% miisaaniyadeeda ugu yaraan.
Waxa isna isagoo qodobkan ka dheegmaya inoo sheegay cidda awoodda u leh qiimaynta gobollada iyo degmooyinka cusub iyo cidda xalaalaynaysa (ANSIXINAYSA) qodobka 4aad ee isla xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka oo cinwaankiisu yahay Shuruudaha Qiimaynta, waxaannu u qoran yahay sidan;
“Faahfaahinta shuruudaha qiimeynta ee lagu magacaabi karo gobol iyo degmo ee ku qoran qodobka 3aad farqadahiisa 1,2,3 iyo 4 ee xeerkan, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku soo saaraysa Xeer-nidaamiye sharraxaya, waxana ansixinaya labada Gole baarlamaan (Wakiillada iyo Golaha Guurtida), sida ku cad Dastuurka qodobkiisa 109aad, farqaddiisa 3aad.
Tallaabada sharci ee la gudboon golaha:
Haddaba, si arrinta uu ka hadlayo mooshinkani loogu fadhiiso sharciga, waxa\a laga maarmaan ah in maadaama aan la samayn awaamiirta qodobkan 4aad farayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay soo saarto Xeer-nidaamiye sharraxaya kadib marka ay u raacdo shuruudaha qiimaynta ee ku xusan qodobka 3aad ee Xeer Lr 23/2002.
Waxa la gudboon Golaha Wakiillada iyagoo raacaya Dastuurka, qodobkiisa 53aad farqaddiisa 4aad ‘in ay u gudbinayaan Golaha Xukuumadda talooyin iyo tilmaamo ku saabsan arrintan,” ayuu yidhi La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada Somaliland garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo shirguddoominayey fadhiga shalay, ayaa u sheegay mudanayaasha in la raacayo talada uu soo jeediyey La-taliyaha sharcigu, qiimaynta iyo kala xadaynta gobollada dalkana laga sugayo in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u soo gudbiso baarlamaanka.
“Mudanayaal, waad dhegaysteen talada sharci ee uu soo jeediyey La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo gunaanadkeedu yahay in xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha soo saarto xeer-nidaamiye tilmaamaya qaabka uu goluhu u sharciyeyn lahaa (gobollada cusub), iyadoo loo raacayo dastuurka iyo shuruucda, sidaa darteed waxa uu soo jeediyey in Golaha Wakiilladu u jeediyaan xukuumadda talooyin la xidhiidha in xukuumaddu soo kala qeexdo gobollada iyo xuduudaha, iyadoo la raacayo dhammaanba shuruucda khusaysay arrintaas,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Gobollada aan ansaxsanayn:-
1. Gabiley
2. Daadmadheedh
3. Hawd
4. Sallal
5. Saraar
6. Buuhoodle
7. Xaysimo.
Magacyada mudanayaasha saxeexay mooshinka
1. Axmed Maxamed Nuur
2. Saciid Warsame Ismaaciil
3. Faarax Maxamed Cabdulle
4. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac
5. Xuseen Ismaaciil Yuusuf
6. Xuseen Maxamed Cige
7. Cali Xaaji Maxamed
8. Xaamud Cismaan Cigaal
9. Bashiir Sheekh Xuseen
10. Ibraahim Mahdi Buubaa
11. Baar Siciid Faarax
12. Maxamed Axmed Aadan
13. Xaashi Xuseen Caabbi
14. Axmed Cabdi Kijaandhe
15. Cali Sheekh Ibraahim Aareeye
16. Axmed Faarax Cali
17. Siciid Cilmi Rooble
18. Xasan Cawaale Caynaan
19. Maxamuud Jaamac Warfaa
20. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac
21. Cabdillaahi Xuseen Cige
22. Ibraahim Axmed Raygal.