Araweelo News Network

fbi
Los Angeles (ANN)- Masaajido ku yaal dhawr gobol oo ka tirsan dalka Maraykanka, ayaa loo diray waraaqo xambaarsan hanjabaad ka dhan ah Muslimiinta oo lagu sheegay in xasuuqi doono.
Sida lagu sheegay war lagu baahiyey telefiishanka Al-jazeera oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, waraaqo lagu qoray qallin oo huwan hanjabaado, ayaa lagu daadiyey masaajido ku yaal gobollada California, Ohio, Michigan, Rhode Island, Indiana, Colorado iyo Georgia, kuwaas oo loogu baaqay Muslimiinta inay iskaga baxaan dalka Maraykanka, haddii kale ay waajihi doonaan xasuuq ku dhaca.
Booliska magaalada Los Angeles ee xarunta Gobolka California iyo urur ay leeyihiin Muslimiinta Maraykanka ee gobolkaasi, ayaa caddeeyey in warqad kooban oo isku mid ah loo diray saddex masaajid oo ku yaalla gobolka California, warqadaas oo hadalka ku qorani ku tilmaamay Muslimiinta dad wasakh ah oo maan gaaban, isla markaana ku wargelisay in ay shandadahooda ka xidhxidhaan Maraykanka.
warqad
Waxa kaloo waraaqahan farriinta nacaybka ahi ku xardhantahay lagu ammaanay madaxweynaha la doortay ee Donald Trump oo lagu sheegay inuu ku samayn doono Muslimiinta sidii uu Hitler oo ahaa hoggaamiyihii Jarmalka uu u laayey Yuhuudda.
Ururka la yidhaa Golaha Xidhiidhka Islaamka ee Maraykanka, ayaa ugu baaqay hay’adda FBI-da inay baadhaan tallaabadan oo ay ku tilmaameen mid cago-juglayn ah.

Haseyeeshee, hay’adda FBI ayaa sheegtay in inkastoo arrintani tahay mid aan wanaagsanayn, haddana in aanay ahayn khatar halisteedu badan tahay oo keensanaysa dambi sharci, isla markaana aan mudnayn in baadhitaan lagu sameeyo, balse waxay FBI xustay inay la soconayso xaaladda, iyadoo ku dhiirrigelisay dadka inay la soo socodsiiyaan wixii falal noocan ah ee ay arkaan.
Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Maraykanka Donald Trump, ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu sheegay inuu ka mamnuuci doono Muslimiinta inay soo galaan Maraykanka ilaa inta laga ogaanayo waxa uu ku sheegay sababta tiro badan oo Muslimiinta ka mid ahi ay u taageeraan colaadda loo qabo dadka Maraykanka ah.
Ciidanka Booliska Maraykanka ayaa xoojiyey inay socod rondo ah ku maraan goobaha dadka muslimiinta ah ku cibaadaystaan ee dalkaas, balse, haddana ma jirto cid weli loo xidhay falalka loogu hanjabayo bulshada muslimka ah ee Maraykanka.
Bulshada ku dhaqan dalka Maraykanka oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa 322 milyan oo qof, waxa diinta islaamka haysta 3.3 milyan oo qof, waxayna dadkaas islaamka ah hadda ku sugan yihiin xaalad walaac ah, kadib markii uu xukunka ku guulaystay ninka cunsuriga ah ee la yidhaah Donald Trump, kaasoo qorshuhu yahay inuu Madaxweyne ka ahaado Maraykanka afarta sanno ee soo socda, haddii Ilaahay yidhaah.