Araweelo News Network

faysal UCIDHargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa xilal cusub u magacaabay qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga ee qaaradda Yurub, gaar ahaan dalka Ingiriiska.
“Ujeedo: Xil magacaabis
Guddoomiyaha xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, markuu arkay baahida loo qabo xilalkan muhiimka ah. Markuu arkay kartida iyo aqoonta ay u leeyihiin xilalka igmaday, kuna qancay inay xilalkaas ka soo bixi karaan.
Maanta (Sabtidii toddobaadkan) oo ay taariikhdu tahay 26 November 2016, waxa uu magacaabay xilalkan;
1. In Md. Mukhtaar Maxamed Yuusuf uu ahaado Xoghayaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee xisbiga UCID.
2. In Cali Cabdillaahi Ismaaciil (Dheeg) uu noqdo Guddoomiyaha xisbiga ee Wales
3. In marwo Foosiya Sabban ay noqoto Guddoomiyaha UCID ee London
4. In marwo Ifraax Maxamed Baaruud ay noqoto Guddoomiyaha garabka haweenka ee dalka UK.
Sidaa awgeed, waxa la farayaa dhammaan masuuliyiinta xisbiga UCID inay hawlahooda u fududeeyaan, lana shaqeeyaan xubnahan la magacaabay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Dhinaca kale, masuulka cusub ee loo magacaabay Xoghayaha Ganacsiga iyo Caddaaladda ee xisbiga UCID Md. Mukhtaar Maxamed Yuusuf Cilmi-geeraare oo qoraal kooban soo saaray xalay, ayaa guddoomiyaha xisbiga UCID uga mahadceliyey xilka uu u magacaabay.
“Waxaan halkan uga mahadcalinayaa Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, xilkaa cusub ee uu ii magacaabay 26 November 2016 kii, maantana xisbigu ku baahiyey saxaafadda dalka ee jagada Xoghayaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee xisbiga UCID.
Sidoo kale, waxan halkan tahniyad ballaadhan uga dirayaa madaxda kale ee kooxdaydii qaaradda Yurub, gaar ahaan Uk ee xil magacaabida iyo dallacsiinta kala helay:
Guddoomiyaha garabka haweenka UK marwo Ifraax Maxamed Baaruud, Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Wales Cali Cabdillaahi Ismaaciil (Dheeg), Guddoomiyaha London ee Xisbiga UCID marwo Foosiya Sabban. Guul iyo gobanimo,” ayuu yidhi Md. Mukhtaar Maxamed Yuusuf Cilmi-geeraare oo loo magacaabay Xoghayaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee xisbiga UCID.