Araweelo News Network

lions-of-the-tigris
Gabadh la yidhaah Mi’aad Madaad ayaa noqotay haweenayda kaliya ee ka tirsan unugga Libaaxyada Tigris “Lions of the Tigris” oo ah koox Sunniya oo Ciraaq kala dhex dagaalanta Ururka Daacis/ISIS, kuwaasoo ay soo abaabuleen dadka shacabka ah ee degaanka Shayyalah al Iman ee dalka Ciraaq.
Tuulada Shayyalah al-Imam waa magaalo aad ugu dhaw degaanka Mosul oo ay haystaan kooxda ISIS, sababta keentay in gabadhan qayb ka noqoto dagaalka lagaga soo horjeedo Daacis ayaa ah in kooxdan ay dileen soddogeed iyo dumaashigeed.
“Waqtigii iigu dambaysay ISIS waxay ahayd mar ay yimaadeen gurigayaga, ii hanjabeen, balse waxaan la dhacay dhagaxaan, waxaanan ugu yeedhay Ey,” ayey u sheegtay Wakaaladda Wararka iyadoo ku hubaysan qoriga AK-47 la yidhaa, waxaanay ku dhawaaqday in ay jebinayso kooxda ISIS.
Ka hor intii aanay dagaalka qayb ka noqoday waxa iyada, saygeeda iyo qaar ka mid ah qaraabadeedu ay u qaxeen gobolka Kurdish, balse saygeeda waxa xidhay dagaalyahannada Kurdish-ka oo uga shakiyey inuu ka mid yahay dagaalyahannada Daacis/ISIS.
Waxa dagaallo la gashaa inta badan Daacish, iyadoo aargoosi iyo in ay deegaankeeda ka difaacdaba u joogto mar walba sida ay warbaahinta u sheegtay.